Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweyne Xasan Sheekh “Midowga Yurub waxay Gudaha Soomaaliya ku tababarayaan Ciidanka Xooga Dalka”

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta waxaa uu Soomaaliya ku soo dhoweeyay Tababarka Milateriga Yurub (EUTM) oo hadda u soo guuray Soomaaliya si ay qeyb uga noqdaan tababarayaasha Ciidamadda Xooga Dalka.

 

Munaasabad ka dhacday Xarunta Xalane oo talis u ah Ciidamada AMISOM ayaa waxaa lagu furay xerada lagu tababari doono ciidamada dowladda Soomaaliya, kadib markii laga soo wareejiyay Xerda Bihanga ee dalka Uganda, halkaasoo kumanaan askari horay loogu soo tababaray.

 

“ Sedexdii sano ee lasoo dhaafay waxey Midowga Yurub Soomaliya ugu soo tabareen dalka Uganda 3000 oo ciidan ah, Midowga Yurub waxay Gudaha Soomaaliya ku tababarayaan Ciidanka Xooga Dalka Maanta waxaa Muqdisho ka furmay tababarkii oo hadda kadib si toos ah loogu bixin doona gudaha dalka Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in xiriri wanaagsan uu ka dhaxeeyo Midowga Yurub iyo dowladda Soomaaliya, isla markaana ay qeyb weyn ka qaadanayaan dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

 

“Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub waa mid wanagsan. Waxeey nagala qeyb qadanaayan dib u dhiska ciidan qaran oo matala dhamaan bulshadda qeybaheeda kala duwan. Ciidan tababar fiican leh oo asluub iyo aqlaaq leh oo sidoo kalena dhowro xuquuqda shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in xilligan ciidamada ay heysato qalab la’aan, hase ahaatee ay mar dhow heli doonaan qalab milateri sida uu yiri

 

“Si kalsooni leh ayaa uga mahadcelineynaa dadaalka ay wadaan Midowga Yurub oo ku aadan tababarka ay siinayaan cidianka xooga dalka, waxaan diyaar u nahay inay la shaqeeyaan wasiirka gaashaandhiga iyo taliyeyaasha ciidamada”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

 

Sanadkan dhamaadkiisa ayaa la filayaa in si rasmi ah Soomaaliya ugu soo guuraan dhamaan tababarada Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

IMG_7817.jpg

 

 

IMG_7857.jpg

 

IMG_7881.jpg

“Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub waa mid wanagsan. Waxeey nagala qeyb qadanaayan dib u dhiska ciidan qaran oo matala dhamaan bulshadda qeybaheeda kala duwan. Ciidan tababar fiican leh oo asluub iyo aqlaaq leh oo sidoo kalena dhowro xuquuqda shacabka Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Share this post


Link to post
Share on other sites

This by far the best Somali Administration in 22 years , they proud every project to Somalia . they also recovered Somali Asset like AirSomalia and our ships in Yemen. they are showing tremendous effort to create strong Arm Force and security . .

Share this post


Link to post
Share on other sites
Saalax   

They will still get their a** handed to them on a plate by Al shabab if AMISOM doesn't protect them. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Salax ^

 

They will still get their a** handed to them on a plate by Al shabab if AMISOM doesn't protect them.

ina Godan Days are Numbered , Just Like Silaayno days are Numbered

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this