Sign in to follow this  
malistar2012

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya: “Waxaynu Qaadannay Qorshaha Cusub ee Midaynta Deeqaha Caalamka

Recommended Posts

Heshiis_Cusub_1.JPG

 

 

 

Talaado, May 14, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ka qaybgalay munaasabad looga hadlayay mideynta gargaarka deeq-bixiyeyaasha caalmaka ee ee loo yaqaan ‘New Deal Process’, isagoo halkaas ka jeediyay khudbad ku saabsan qiimaha ay leedahay mideynta deeqaha.

 

Munaasabaddan oo lagu maamusay billowga qorshahaan cusub ayaa waxaa ka qeyb-galay xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Somalia, masuuliyiin ka socda Midowga Yurub, Qaramada Midoobay, Midowga Afrika iyo siyaasiyiin kale.

 

Qorshahan cusub ayaa waxaa dajiyay dalalka deeqaha bixiya gaar ahaan kuwa ku bahoobay G7, waxaana loogu talo-galay in lagu caawiyo 19 dal oo ay colaado ragaadiyeen. Waa qorshe midaynaya dawladda Somalia, ururrada bulshada iyo deeq-bixiyeyaasha si loo *****lo baahida gargaar ee Somalia. Waana qorshe lagu doonayo in kor loogu qaado waxtarka deeqaha caalamku siiyo dalalka kasoo kabanaya colaadaha.

 

“Waxaan diyaar u nahay inaan deeq-bixiyeyaasha caalamka kala shaqayno qorshahan oo noo ogolaanaya inaan sheegano baahideena rasmiga ah iyo qaabka aan u doonayno in gacan nalooga siiyo,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Saacid oo ka hadlay furitaankii munaasabaddan lagu maamuusayay bilowga qorsha cusub ee “New Deal”.

 

 

 

Wasiirka maaliyada iyo qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Maxamuud Xasan Suleymaan oo isaguna munaasabaddan ka hadlay ayaa sheegay ugu horeyn in dawladda Soomaaliya ay daraasad rasmi ah ku sameynayso xaaladda dalka iyo colaadaha. Isagoo intaas ku daray in daraasadda kaddib Soomaaliya ay deeq-bixiyeyaasha u gudbisan doonto baahideeda ayna la geli doonto heshiis is-afgarad oo ku aaddan qaabka loo *****layo baahida Soomaaliya.

 

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa muujiyay baahida ay Somalia u qabto taakulada ama gargaarka caalamka, isagoo sheegay inay lagama maarmaan tahay in nooca gar-gaar uu noqdo mid dowladda iyo shacbiga Soomaaliyeed lagala tashado si uu waxtar u yeesho. Isagoo dhanka kalana xusay inay lamaga maarmaan tahay in deeq-bixiyeyaashu mideeyaan hawlahooda iyo wax-qabadkooda ku aaddan Soomaaliya.

 

“Shaki kuma jiro inaan u baahannahay in caalamku gacan naga siiyo sidaan uga soo kaban lahayn colaadaha, una higsan lahayn horumar, dadkeenna u daryeeli lahayd. Sidaas daraadeed, waxaan doonaynaa inaan heshiis is afgarad la gaarno deeq-bixiyayaasha doonaya inay na garab istaagaa dadka Soomaaliyeed, si taageeradoodu u noqoto mid wax-tar leh. Waana inaan isku afgarnno meelaha noogu muhiimsan ee aan kaalmadooda uga baahan nahay, qaabka aan ugu baahanahay iyo waqti ay macquul tahay in laga guul-gaaro hawshaas,” ayuu ra’iisul wasaaruhu hadalkiisa ku daray.

 

Ugu dambeyn, mas’uuliyiintii kulanka goobjoogga ka ahaa ayaa aad u soo dhaweeyay qorshaha dowladda. Waxaana si rasmi ah loo guda-galay qeybtii kowaad ee fulinta qorshahan “New Deal” ee ku aadanayd daraasada xaalada dalka iyo colaadaha oo ay ka wada-shaqaynayaa dowladda Somalia, ururrada bulshada rayidka ah iyo dalalka deeqaha bixiya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this