Sign in to follow this  
malistar2012

Qunsulka guud ee magaalada Caden oo kulan la qaatay gudiga qaxootiga ee xerada Al kharaj

Recommended Posts

Kulan looga hadlayay sidii dalkooda dib loogu soo celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yemen ayaa waxaa magaalada Cadan ku yeeshay Qunsulka Guud ee Magaalada Cadan iyo Gudiga Xerada Al-Kharaz ee dalkaasi Yemen.

 

Qunsulka guud ee magaalada Cadan Axmed Cabdi Xasan Axmed Suudaani ayaa ujeedada kulankaasi ku sheegay kala warqaadasho iyo sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaalida ee ku sugan dalkaasi, maadaama ay soo hagaageyso xaalada dalkeena Soomaaliya.

 

Qunsulka ayaa Radio Muqdisho u sheegay in intii uu socday kulankaasi uu gudiga waxrbixin ka siiyay xaalada dalka iyo isbedelada ka dhacaya iyo waliba rajada wanaagsan ee kasoo bidhaameysa dalka.

 

Sidoo kale Qunsulka ayaa intaa ku daray in dowlada Soomaaliya ay dadaal ugu jirto sidii dib loogu celin lahaa qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan xerada Alkharaj, isagoo xusay iney gudiga isla meel dhigeen in la bilaabo tirakoobka dadka doonaya iney dib ugu laabtaan dalkooda.

 

Soomaali farabadan oo ka cararay dhibaatooyinki soo maray dalkeena ayaa qaxooti ku ah dalka Yemen, kuwaas oo ay heysato duruufo dhibaca nolosha ah waxeyna ku taamayeen iney mar uun arkaan dalkeeno ay ka dhalay dowlad wax ka qabata dhibaatadii dalka ka jirtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this