Maaddeey Posted May 9, 2013 Agaasimihii Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo Jeelka Loo Taxaabay maalik_som May 8, 2013 Comments Off Muqdisho (Sh.M.Network) Gaashaanle Sare Max’ud Max’ed Cadoow oo Loo yaqaanno dhabareey oo ahaa Agaasimihii Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Magaalada Muqdisho ayaa Xabsiga Loo Taxaabay kadib Markii shalay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ay Bilowday Dhageysiga dacwaddii Koowaad eedeeysanayaal Loo Haystay Lacag aad U badan oo Laga Xaday Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho taas oo ay Lahayd Waaxda Jinsiyadaha iyo Socdaalka dowladda Federaalka Soomaaliya. Lacagta La Xaday oo tira ahaan La sheegay in ay dhameed qiimo dhan 130 Kun oo dollar ayaa Agaasimihii Garoonka waxa uu sheegay in 20 kun oo ka mid ahayd Lacagtaasi ay si sax ah ku baxday Laakiin 110 kun La la’yahay Weli. Ilo Lagu Kalsoonyahay ayaa Shabelle u sheegay in illaa 5 qof La horgeeyay Maxkamadda Kuwaasi oo Labo Ka mid ah La shegay in damaanad Lagu siidaayay hase ahaatee Seddexda kale ayaa waxa ay ahaayeen Agaasimaha Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda Soomaaliya , Haweeney ka shaqeyneysay qeybta Nadaafadda Garoonka iyo Nin Darawal u ahaa Agaasimaha. Ilaha Lagu Kalsoonyahay waxa ay Shabelle U sheegeen in Agaasimaha Max’ud Max’ed Cadow dhabareey su’aalo ay weydiiyeen Xeer Ilaalinta taasi oo keentay in si qaldan uu uga Jawaabo Agaasimaha kadibna Xeer Ilaalintu ay soo eedeysay Agaasimaha xalayna uu Ku Hoyday Agaasime Dhabareey Xabsiga dhexe. Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida ayaa La sheegay in ay Dalbatay Muddo 7 Cisho ah Gudahood Lacagta Maqan Lagu Celiyo qasnadeeda haddii kale Maxkamaddu Go’aan ay qaadan doonto. Ma Jiraan Wax war ah oo ka soo baxay Hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha Balse warar Hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in inta aan La Xirin agaasimaha Gebi ahaan Xilka Laga Xayuubiyay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted May 9, 2013 Somalia received enough income from the Airport and the Port. It can use that money to pay for the security if corruption wasn't so big in Mogadishu. President Hassan Sheick needs to tackle this. Quote Share this post Link to post Share on other sites