Sign in to follow this  
Dr_Osman

Galkayo - 280 Houses Under Construction for IDP. PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Hay’adda DRC oo dhagaxdhigtey 280-guri oo ay yelan doonan barakacayaasha ku dhibateysan xeryaha kuyaala magaaladda Gaalkacyo(Sawiirro)

 

Gaalkacyo[RBC Radio]Deegaanka hala-booqad ee duledka waqooyi ee magaaladda Gaalkacyo waxaa maantey laga dhagaxdhigey deegaan cusub oo ay deegaameysan doonan dadka barakacayaasha ah ee dhibaatadu ku heysato guddaha xeryaha ay kunool yihiin ee ku yaala magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

 

Dhismaha guryahaan ayaa qeyb ka ah barnaamij ay hay’adda DRC ku caawinayso barkacayaasha Puntland oo ah nin dadka laga saro nolasha liidata ee ku heysata xeryaha ay ku noolyihiin lanagarsiyo xalwaara kaasi oo ah in dadka barakacayaasha ah la deegaameyo iyagoo loo dhisayo guryo iyo adegyada as aasiga nolasha uu ah oo ay ka mid yihiin waxbarashada iyo caafimadka.

 

Munaasabadd ka dhacdey goobta laga dhagax dhigey guryaha ayaa waxaa kasoo qeyb galey maamulka gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo iyo xubno ka socdey hay’adda DRC.

 

Faadumo Maxamed Cigaal oo dahfurtey munaasabadda lugu dhagax dhigeyey guryaan ayaa waxaa ay sharaxad ka bixisey iyadoo ku hadleysey afka hay’adda DRC qorshaha ay xiligaan wado DRC ee ku aadan hormarinta dadka barakacayaasha ah waxana ay sheegetey in mashruuc ay malgalinayso EKO ayna hirgalinayso hay’adda DRC.

 

Faadumo Maxamed ayaa so hadal qadey in guryahaan gaaraya illaa 280-guri ay noqon doonan kuwo jingad ah waxana ladajindoona sida ay sheegtey dadka xiligaan ku dhibaateysan kaamamka kuyaala guddaha magaaladda Gaalkacyo iyadoona goobta sida ay tilmaamtey ay noqondoonto deegaan cusub oo yeelata dhamanba adegyada as aasiga ah ee ay ubaahantahay nolasha adanaha tasi oo lugu yaqaney deegaan dad ay daganyihiin.

 

Duqa degmada Gaalkacyo Axmed Cali Salaad ayaa isna sheegey in DRC ay wado qorsho ku dayasho mudan taasi dhibta loga sarayo dadka iyagu ku dhibaateysan xeryaha ay kunoolyihin ee ku yaala guddaha magaaladda Gaalkacyo,ugu danbentiina waxaa uu ka mahadceliyey mashrucaan balaaran ee ay wado DRC.

 

Cabdulqaadir Xirsi diiriye ayaa isna u hadley qoysa ku deeqay dhulka laga dhagaxdhigey guryaa lugu wado in ladajiyo dadka barakacayaasha ah waxana uu sheegey in uu ku faraxsanyahay in dhulkaan ladajiyo qoyos farabadan oo ay dhibaato ku heysatey goobihi ay ku noolayen.

 

Dhisida guryahaan ayaa lo xilsarey kambaniga JIDCOM kasi oo isna dhinacisa balanqaadey in sida ugu macqulsan ay ku dhisi doonan guryaahan maadam ay yihiin guryo logu tala galey dad danyar ah.

 

Ugu danbeynti guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigey”oo dhagax dhigey 280-guri ayaa sheegey in uu ad ugu faraxsanyahay in maantey deegaankan ay ka dhagax dhigayan cadad guryo ah oo intaa la ‘eg,waxana uu intaa ku darey in waxbadan deegaan uu kabadali karo nolasha qoysas badan oo xiligan dhibaatoyin kala gadisan ay la darseen.

 

Guddoomiyaha ayaa hadalkisaan baaq ugu diray dhamanba hay’addaha ka shaqeya arimaha dadka danyarta ah inay ku deydan DRC isla markana ay fuliyaan arimaha ay wad oo kale waxana uu mahadcil usoo jeediyey hay’adda DRC iyo barnaamijkedaan hormarined.

 

Mashrucaan lugu deegaaneynayo isla markana loga saroyo dhibaatadda dadka ay ku heysato xerya ay kunoolyihiin ee barakacayaasha ayaa qeyb ka ah mashruc balaaran oo ay wado hay’adda DRC oo ka qeyb qaadata hormarinta dadka danyarta ah.

 

Iimaan Maxamed Jaamac

RBC Radio

Xafiiska Gaalkacyo

 

IMG_4591.jpg

Faadumo-Maxamed-Cigaal-300x199.jpg

Duqa-degmada-Gaalkacyo-Axmed-Cali-Salaad

Cabdulqaadir-Xirsi-Diiriye-300x199.jpg

Guddoomiyaha-Gobolka-Mudug-Maxamed-Yuusu

IMG_4552.jpg

IMG_45963.jpg

IMG_45661.jpg

IMG_4553.jpg

IMG_4556.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this