Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President Ahmed Silanyo returns back home receives a warm welcome+PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka War-bixiyay Socdaalkii uu ku tagay Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya

 

May 5th, 2013

 

Madaxweynaha Somaliland Oo Si aan Hore Loo arag loogu soo dhaweeyay Hargeysa

 

Hargeysa (Somaliland.Org)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa saaka si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland ka dib markii uu socdaal qaatay muddo todobaadyo ah uu ugu maqnaa dalalka Itoobiya, Maraykanka Iyo Ingiriiska.

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisii oo maanta ka soo degay madaarka caalamiga ah ee Cigaal Internatiol Airport Hargeysa, waxa madaarka si balaadhan ugu soo dhaweeyay madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Maxamed Cabdilaahi (Saylici), shirgudoonka labada gole ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiiladda) , Golaha Wasiirrada, Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, iyo dadweyne tiro badan.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo qolka nasashada ee madaarka Hargeysa ugu waramayay saxaafadda ayaa ka warbixiyay socdaalkii uu ku tagay dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu ku maqnayn dalalka Ingiriiska, Maraykanka iyo Itoobiya. Muddo dheer ayaanu dalka ka maqnayn. Safarkayaguna wuxuu ku saabsanaa danaha qaranka Somaliland iyo qadiyadiisa, meeshii aanu joognayba waxaanu difaacaynay ama ka dhaadhicinaynay qadiyadeena oo dunida fahamsiinaynay. Waxaanu mar walba u sharxaynay waxa ay qaranimada Somaliland ku fadhido iyo dariiqa dheer ee loo soo maray iyo himilooyinka ay ummaddu leedahay.”

 

“Dalalka aanu tagnay oo dhan waxaanu kala kulanay soo dhawayn iyo in si aad ah naloo dhegaysto. Waxaanu kala kulanay dad badan oo aad u danaynaya inay Somaliland maal-gashadaan ama ay yimaadaan oo wax la qabsadaan. Taasina waxay noo ahayd guul weyn oo dalkeena iyo ummadeena u soo hoyatay,”ayuu yidhi Mudane Axmed Siilaanyo.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sheegay inaanay dunidu illaa imika ku dhiiran inay aqoonsato Somaliland, hase yeeshee ay dunidu Somaliland ula macaamisho sidii qaran madax banaan, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Dabcan duniddu illaa imika kumay dhiiran, kumanay talaabsan inay Ictiraaf buuxa inoo fidiso, laakiin dunidu way inala dhaqantaa, way inala macaamishaa. Waa taas ina marti-qaadaysa. Waa taas la ina dhegaysanayo, waana taas oo aynu kagala sii dhawaano oo aynu isku xidhnaano oo midnimadeena muujina oo innagoo mid ah dalkeena iyo nabad-gelyadiisa dhisana iyadoo nabad-gelyadu ah waxa ay dunidu mandaqadan aad u qiimayso ah.”

 

Sidoo kale, waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo tafaasiil ka bixiyay kulamadii kala duwanaa ee ay ku soo yeesheen dalalka maraykanka, Ingiriiska iyo Itoobiya.

 

Wasiirku waxa uu sheegay inay dalka Maraykanka kula kulmeen ku xigeenka arrimaha dibadda, saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca iyo ganacsato kala duwan oo danaynayay inay maalgashi iyo ganacsi ka abuuraan Somaliland.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu madaarka Hargeysa salaam sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidamadda qaranka,

Sidoo kale, dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa ayaa saaka si weyn u soo dhaweeyay weftiga madaxweynaha waxaanay taagnaayeen wadooyinka hareerahooda iyagoo ku dhawaaqayay halku dhigyo ay ku taageerayeen madaxweynaha Somaliland.Madaxweynaha waxa socdaalkiisan ku weheliyay Marwadda koowaad, Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo madaxtooyadda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this