Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somali president Hassan sheikh visits the UK to attend the London conference

Recommended Posts

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu Hoggaaminayo oo lagu wado in ay Maanta Gaaraan Magaalada London

 

 

Axad, May 05, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa inay maanta gaaraan magaalada London ee dalka Britain halkaasoo uu ka furmi doono shir looga hadlayo Soomaaliya maalinta Salaasadaha ah ee soo socota.

 

Shirkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay dalal fara badan oo kuwa deeqaha bixiya ah, iyadoo ay guddoomin doonaan madaxweyanha Soomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka Britain, waana shirkii labaad ee Somalia loogu qabto magaalada London.

 

Diyaagarow lagu soo dhaweynayo madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa wuxuu ka socdaa magaalada London, iyadoo socdaalkan uu noqonayo kii labaad oo uu madaxweynuhu ku tago dalkaas tan iyo markii xilkan loo doortay muddo sideed bilood laga joogo.

 

“Shirka London waa ka duwan yahay shirkii hore, waayo shirkii hore waxaa qabtay dowladda Britain, balse midkaan innaga ayaa codsannay innaga ayaana hoggaanka u qabanayna,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo xildhibaannada baarlamaanka toddobaadkii hore warbixin ka siinayay.

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in ajandayaasha shirkaas ay horgeyn doonaan ay ka mid noqondaan siyaasadaha dowladda ee ay ku doonayso inay wax kaga qabato dalka, qorshaha la dagaalanka kufsiga iyo dib u habeynta hay’adaha maaliyadda dalka.

 

Waxaa lagu wadaa in shirku socdo hal maalin, waxaana dowladda Britain ay sheegtay inay ku rajo-weyn tahay in qodobbada kasoo baxaya shirkaas ay noqdaan kuwo wax wanaagsan ka tara dib u dhiska iyo soo celinta amniga Soomaaliya.

 

Dowladda Soomaaliya oo ah tii ugu horreysay oo rasmi ah muddo 22-sano ah kaddib ayaa waxay dadaal weyn ugu jirtay inay dib u soo celiso xiriirka kala dhexeeya dunida; waxayna sidoo kale dadaal ugu jirtaa inay soo celiso ammaanka guud ee dalka inkastoo Al-shabaab ay weli deegaanno badan ka taliso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this