malistar2012 Posted May 4, 2013 Soo dhoweynta madaxweynaha ayaa waxaa ka qeybgalay wasiirka Wasiirka Warfaafinta Boostada Isgaarsiinta iyo Gaadiidka waxana uu wasiirku guddoonsiiyay madaxweynaha warqad soo martay boostada oo loo soo diray. Dalka Soomaaliya ayaysan ka jirin 22kii sano ee la soo dhaafay boosto toos ah oo ay dowladu maamusho hase ahaatee waxaa ay dowlada federalka haatan qorsheynaysaa in ay dib u bilowdo boostadii caadiga ahayd ee dadku warqadaha isugu diri jireen inkastoo haatan aalada Internetka ah adduunka uu fududeeyay sida warqadaha la isugu diro.1 Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted May 4, 2013 Ayadoo ay iminka si rasmi ah u shaqeyneyso Boostada dalkeenna islamarkaana dhowaan uu ku guuleystay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in lasoo celiyo adeegga Boostada Soomaaliya mudo 24sano kadib ayaa maanta Boostadii ugu horeysay ee lasoo diro kadib dib u howlgelinta Boostada waxaa maanta lagu wareejiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta si rasmi ah ugu wareejiyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Waraaqadihii Boostada ahaa ee iyagu noqday kuwii ugu horeeyey ee lagusoo diro Boostada Dalkeenna tan iyo intii dib loo howlgeliyey ayadoo warqadahaasina ay gaarayeen ilaa Seddax warqadood. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadlay markii uu warqadahaasi ka gudoomay Wasiirka Warfaafinta ayaa waxa uu Wasiirka ku ammaanay dadaalkii faraha badnaa ee keenay in lagu guuleysto islamarkaana dib loo howlgeliyey Boostada Dalkeenna mudo 24sano kadib waxaana uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku booriyey Wasiirka Warfaafinta inuu sii wado dadaalladiisa hagar la’aaneed ee uu ugu jiro dib usoo celinta adeegyadii kala duwanaa ee uu dalku lahaa burburkii ka hor. “waa guul usoo hooyatay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in mudo 24sano kadib dib ay u shaqeeyso Boostadii Dalkeenna oo aan aaminsanahay in baahi weyn loo qabay waxaana runtii jeclahay inaan aad ugu mahad celiyo dadkii dadaalka faraha badan ku bixiyey guushaas taariikhiga ah oo uu ugu horeeyo Wasiirka Warfaafinta waxaanna leeyahay Wasiirka sii wad dadaalkaaga,Allena hakuugu guuleeyo”ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa isaguna sheegay in guud ahaanba shacabka Soomaaliyeed wixii hada ka dambeeya ay si rasmi ah u isticmaali karaan Boostada islamarkaana ay u furantahay waxaana uu Wasiirku uga mahad celiyey dhammaanba mas’uuliyiinta iyo howlwadeennada Wasaaradda sida ay dadaalkaasi gacan ugu geysteen. Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed ayaa guul weyn u arka talaabadii dhowaan uu Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Boostada,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Ciilmooge ugu guuleystay inuu dib u howlgeliyo Boostadii Dalkeenna oo aanay iyadu shaqeyn mudadii uu dalku burburka ka jiray. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted May 4, 2013 so how many stamps do I need to use to send a letter to xamar and how does the address work Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted May 4, 2013 Naxar Nugaaleed;946083 wrote: so how many stamps do I need to use to send a letter to xamar and how does the address work Bi'oo bokis. Dah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Naxar Nugaaleed Posted May 4, 2013 lol @dah, never sent anything, didn't even know that was an option. how about the stamps lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
Chimera Posted May 5, 2013 Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;946086 wrote: Bi'oo bokis . Dah. LOL Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sensei Posted May 5, 2013 No need for post office. There are a number of courier services at minimal cost to the public, this does not mean the absence of bii oo bokis! Quote Share this post Link to post Share on other sites