Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland VP Officially Lays Down New Ministry of Education. PICS + AUDIO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Gen.Shire oo dhagax dhigey xarunta Waxbarashada

 

2 May 2, 2013 - 2:21:51 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ayaa maanta 02 May,2013 duleedka Garowe ku dhagax dhigey xarun cusub oo ay yeelaneyso Wasaarada Waxbarashada Puntland.

 

Wasiirka Waxbarashada Cabdi Faarax Juxa ,Wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdulahi Axmed Jaamac Ilkajir ,Agaasimaha guud Maxamed Cabdiwahaab Axmed,hawlwadeenada wasaarada, masuuliyiin ka socotey hayada caalamiga ah iyo shirkada dhiseysa xaruntan ayaa ka soo qaybagaly dhax dhiga.

 

Wasiir Juxa ayaa sheegey in dhulkan uu ka koobanyahay 160x120 ,waxana uu u mahadceliyey dowladda Hoose ee degmada Garowe oo ka shaqeysey dhulkan ,isagoona xusey in xarunta dhexe ee wasaaradu buuxsantay.

 

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa sheegey dhankiisa in dowladdu wado qorshe wasaaradaha looga soo dhex saarayo maagaalada gudaheeda ,islamarkaasina haatan ay qaybtood shaqadu toos uga socoto.

 

Dhismahan ayuu ku tilmaamay Gen.Shire mid wax wayn ka tari doona waxbarashada ubadka reer Puntland,mahadna u soo jeedshey dhamaan intii ka soo shaqeysey.

 

Dhanka kale waxa uu tacsi u direy madaxweynaha dowlad deegaanka Somali Ethiopia oo ku aadan geeridii ku timid Allaha u naxariistee Abwaan Dhoodaan.

 

Duleedka magaalada Garowe oo dhowaan laga furey dhismaha madaxtoyada cusub ayaa waxa ku yaal wasaaradaha Caafimaadka ,Cadaalada ,Idaacada ,waxana socda dhismayaasha Beeraha ,Deegaanka iyo Xabsiga weyn ee Garowe.

 

aa_3.jpg

aa_5.jpg

aa_6.jpg

aa_7.jpg

aa_8.jpg

 

Halkan ka dhegeyso codadka masuuliyiinta ee dhagax dhiga xaruntan

http://www.garoweonline.com/artman2/publish/Wararka_19/Gen_Shire_oo_dhagax_dhigey_xarunta_wasaarada_waxbarashada.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this