Sign in to follow this  
malistar2012

Madaxweynaha Somalia oo maanta booqday shirkad Kalluumeysi isagoo ka hadlay Kalluumeysiga Sharci-dar

Recommended Posts

Madaxweynaha Somalia oo maanta booqday shirkad Kalluumeysi isagoo ka hadlay Kalluumeysiga Sharci-darrada ah (SAWIRRO)

 

Arbaco, May 01, 2013 (HOL) — Madaxweyne Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo ku beegan maalinta shaqaalaha adduunka wuxuu booqday shirkad kaluumeysi oo xarunteedu tahay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir, isagoo sheegay in kalluumeysigii sharci-darrada ahaa ee xeebaha Soomaaliya uu sii yaraanayo.

 

Xasan Sheekh ayaa waxaa xartunta shirkadda kusoo dhaweeyay madaxda shirkadda, waxaana wasiirka la socday wasiirka khayraadka dalka, C/risaaq Cumar Maxamed; iyagoo warbixin ka dhageystay milkiilayaasha shirkadda iyo shaqaalaha qaarkood.

 

Wasiirka kheyraadka dalka, C/risaaq Cumar oo goobta ka hadlay ayaa faah-faahin ka bixiyay dalallka shirkadan ay u iib-geyso kaluunka wuxuuna xusay in dhammaan dalalka dariska ah ay kalluunka geyso, isagoo ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay dalkooda khayraadka kala soo baxaan.

 

Madaxweynha oo isaguna hadal ka jeediyay goobta ayaa tilmaamay in dadka Soomaliyeed ay taariikh u leeyihiin kalluunka muddo fogna ay kasoo saaran jireen badda; wuxuuna sidoo kale sheegay in bilowgii xoriyadda Soomaaliya ay lahayd shirkaddo waa-weyn oo ka shaqeeya kalluunka.

 

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan ayaa soo hadal-qaaday maraakiibta sida sharci-darrada ah uga kalluumeysta xeebaha Soomaaliya, isagoo xusay inay sii yaraanayaan, wuxuuna kuwa weli ku howlan uga digay inay fallakaas sii wadaan.

 

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka loo shaqeeyo inay xaq-dhowraan xuquuqda shaqaalaha, ayna wanaajiyaan goobaha ay ku shaqeynayaan, wuxuuna ugu baaqay inay bixiyaan xuquuqda qofka u shaqeeya uu ku leeyahay.

 

 

 

 

 

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

maxuseen@hiiraan.com

Muqdisho, Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

well done Mr President , business booming security is improving , who cares what Farole has to say ...... i like the new policy isolation , no more appeasemen for spoilers and dawladiid

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalia   

But in Garowe, this fish market was opened a week ago:

 

kalulka10.jpg

Mashiinada-iyo-Talaagadaha-450x342.jpg

Gudaha-Suuqa-450x342.jpg

Mashiinada-Barafka-Dhaliya-450x342.jpg

Talaagadaha-Keydka-Kaluunka-loo-isticmaa

Qalabka-450x342.jpg

Gudaha-Suuqa-Goobta-kaluunka-lagu-iibin-

And these men were arrested by Puntland Maritime Forces:

 

" frameborder="0" allowfullscreen>

So is Faroole really losing? Hmm.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this