Wiil Cusub Posted May 2, 2013 Halkan hoose waxa ku qoran indheer garadka reer puntland ee 3 sano gudohood lagu dilay (from june 2008 til july 2011). Inta badan dadka gaystay iyo siyaasada ka danbaysa dilalkaa lama sheegin, eedaysanayaasha la qabtayna way yaraayeen. Sheekaddii way is badashay imika waxa soo baxaysa in uu Imaam Faroole uu xayraaman oo uu isna bilaabay in dil toogasho ah ku fuliyo dhalinyar aan la hubin danbiga ay gaysteen cadayntiisa iyo inay heleen sharci marin cadaalad ku dhisan. Magacyada & Tirada Dadka La Laayey - Puntland Maxaa Haldoor La Dilay, Gacan Ku Dhiiglayaashiise Cadaaladda Mala Horkeenay? 1. Nabadoon Cabdirisaaq Maxamuud Guhaad : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka mudug si firfircoona uga qayb qaadan jiray howlaha ammnigga gobolka, nabadoon cabdirisaaq guhaad waxaa la dilay bishii june 23 2008 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo, waxaana dilkiisa loo adeegsaday miino loo hoos dhigay gaarigiisa aakhirkiina wuu ku geeriyooday. 2. Nabadoon Yaasin Cali Barre (Fitilig) : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka mudug si aad ahna had iyo jeer uga hadli jiray howlaha amnigga gobolka, nabadoon yaasin fitilig waxaa la dilay bishii june 30 2008 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo 3. Nabadoon Cabdi Kacaan : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka mudug had iyo jeerna ka shaqayn jiray wacyi galinta bulshadda ee dhanka amnigga. nabadoon cabdi kacaan waxaa la dilay bishii February 6 2009 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo, 4. Suldaan Ciise Xasan Cumar : Wuxuu kamid ahaa salaadiinta waaweyn ee Reer Puntland si aad ahna looga yaqaan gobolka bari, suldaan ciise wuxuu habeen iyo maalin kala hadli jiray bulshadda kana wacyi galin jiray khataraha dhanka amniga iyo dhibaatadda burcad badeeda, suldaanka waxaa la dilay bishii November 21 2010 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso 5. Nabadoon Nuur Xirsi Cismaan(Nuur Waal) : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka mudug oo inta badan ka hadli jiray howlaha ammaanka gobolka, sidoo kale nabadoonku waxuu la shaqayn jiray Hay'adda PDRC qaybteeda gaalkacyo oo uu ka qayb qaadan jiray inta badan barnaamijyadda nabadda, nabadoon nuur waxaa la dilay bishii march 30 2011, 6. Nabadoon Saalax Cabdisalaan Axmed (******) : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka bari si aad ahna uga hadli jira howlaha nabadgalyadda gobolka, nabadoon saalax waxaa la dilay bishii Aprill 7 2011, waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso 7. Nabadoon Siciid Xasan Cumar (Kashwiito) : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka bari kuwooda aadka u firfircoon had iyo jeerna ka hadli jiray ammaanka, nabadoon siciid waxaa la dilay bishii Aprill 24 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso xili uu kasoo baxay salaada cishaha oo uu ku tukaday masjidka Al-Rashiid. 8. Ganacsadde Cali Jaamac Biixi (Janno-Galle) : Wuxuu kamid ahaa Ganacsatadda gobolka mudug iyo waliba odayaasha gobolka, wuxuu kaloo cali biixi mar ahaa Madaxii Shirkadda Biyaha ee Magaaladda Gaalkacyo, 9. Ganacsadde Maxamuud Shiikh Cismaan : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda gobolka mudug waliba ku wooda ku leh miisaanka sidoo kale wuxuu kamid ahaa Guddigga Nabad Galyadda Magaaladda Gaalkacyo, ganacsadde maxamuud shiikh waxaa la dilay bishii October 8 2008, 10. Wasiir Warsame Cabdi Shirwac (Seefta-Banaanka) : Wuxuu ahaa wasiirkii warfaafinta dowladda puntland sidoo kale wuxuu ahaa ruug cadaa siyaasi ah oo kasoo qayb qaatay asaaskii dowladda puntland sanadkii 1998, 11. Gudoomiye Yaasin Siciid Xuseen : Wuxuu ahaa Gudoomiyihii Gobolka Karkaar sidoo kalena waxuu ahaa Mas'uul si weyn uga shaqayn jiray howlaha Amnigga iyo Hormarka Gobolka Karkaar, Gudoomiye Yaasin waxaa la dilay Bishii APril 27 2009 12. Ganacsadde Shire Siciid Cabdiraxmaan (Walbaq) : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda waa weyn ee gobolka bari, sidoo kale wuxuu ahaa Gudoomiyihii hore ee degmadda Ufayn oo katirsan gobolka Bari, waxaa la dilay bishii May 14 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso, 13. Gudoomiye Shiikh Maxamed Cabdi (Awaare) : Wuxuu ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda Darajadda 1aad ee Gobolka Bari In kabadan 20 sano, Gudoomiye Awaare waxaa la dilay bishii November 11 2009 14. Gudoomiye Shiikh Xuseen Maxamed Khaliif : Wuxuu ahaa Gudoomiyihii Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Mudug, iyo waliba culimadda si weyn looga yaqaano magaaladda oo dhan, waxaana la dilay bishii Feb 8 2011, waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo. 15. Xeer i laaliye Cabdiqaadir Jaamac Nugaal (Caato) : Wuxuu ahaa Xeer i laaliyaha guud ee gobolka mudug waxaana la dilay bishii January 25 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo 16. Xeer i laaliye Maxamuud Aw Muuse Gelle (Tima Jilic) : Wuxuu ahaa Xeer i laaliyaha guud ee gobolka mudug, waxaana la dilay bishii June 7 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo, . 17. Xeer i laaliye Cali Jaamac Qalas : Wuxuu ahaa Xeer i laaliye kuxigeenka maxkamadda darajadda 1aad ee bosaaso, ahaana sii haya xilka gudoomiyaha maxkamadda sare, waxaana la dilay bishii June 12 2010 waxana lagu dilay magaaladda bosaaso xili uu kasoo baxay shaqadiisa, 18. Xeer i laaliye Col. Cabdullaahi Saalax Shirwac : Wuxuu ahaa xeer i laaliyaha maxkamadda sare ee gobolka bari, sidoo kale wuxuu ahaa Taliye Kuxigeenka Akadeemiyadda Tababarka Ciidamada ee Carmo, waxaana la dilay bishii November 30 2010 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso, 19. Xildhibaan / Qareen Ibaraahim Cilmi Warsame (Gaab) : Wuxuu ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Puntland sidoo kale waxuu ahaa Qareen u dooda xuquuqda aadanaha sidoo kale wuxuu xubin ka ahaa gudigga xiriirka golayaasha, waxaana la dilay bishii November 11 2009 waxaana lagu dilay magaaladda Garoowe 20. Xildhibaan Maxamed Cabdi Jibriil (Daqarre) : Wuxuu kamid ahaa Xildhibaanadda Baarlamaanka Puntland, waxaana la dilay bishii January 19 2010 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso, . 21. Xildhibaan Cabdullaahi Cali Kaarad : Wuxuu ahaa Xildhibaan kamida Golaha Baarlamaanka Puntland, waxaana la dilay bishii January 5 2010, waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 22. Taliye G/sare Yaasin Axmed Sanweyne (Tolwaayey) : Wuxuu ahaa Taliyihii Ciidanka Sirdoonka Puntland (PIS) Qaybta Gobolka Mudug, waxaana la dilay bishii Aprill 29 2009 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo, ayadoo dilkiisana loo adeegsaday Qarax Banbaano oo lala beegsaday gaarigii uu saarnaa Taliyuhu. 23. Taliye G/sare Warsame Yusuf Axmed (Yeey) : Wuxuu ahaa Taliyihii Ciidanka Dambi Baarista (CID) ee Qaybta Gobolka Mudug, sidoo kale wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Sare ee Booliska Gobolka Mudug, waxaa la dilay bishii December 1 2010 24. Taliye G/sare Xuseen Cali Faarax : Wuxuu ahaa Taliyihii Saldhigga Baalale ee Magaaladda Bosaaso, waxaana la dilay bishii December 10 2010, waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 25. Taliye G/sare Axmed Xasan Xaaji (Dhoonge) : Wuxuu ahaa Taliyihii Saldhiga Biyo Kulule ee Magaaladda Bosaaso, waxaana la dilay bishii September 5 2010, waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 26. Taliye G/sare Axmed Jaamac Saalax (Ratey) : Wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Booliska Puntland, Horayna wuxuu mar usoo noqday Taliya Saldhiga Dhexe Magaaladda Garoowe, waxaana la dilay bishii December 2 2010, waxaana lagu dilay Degmadda Buurtinle oo katirsan Gobolka Nugaal, 27. Sarkaal Mukhtaar Shiikh Cali (Jifi-Jabsadde) : Wuxuu ahaa Sargaal ka Howl gali jiray Safaaradda Ethiopia ay kuleedahay caasimadda puntland ee garoowe, , waxaana la dilay bishii Aprill 22 2011, waxaana lagu dilay magaaladda Gaalkacyo. 28. Agaasime Maxamed Yaasin Ciise (Ilkacase) : Wuxuu ahaa Agaasimihii Maamulka iyo Dhaqaalaha Hay'adda PDRC , waxaana la dilay bishii April 6 2011, Waxaana lagu dilay magaaladda garoowe 29. Agaasime Shiikh Ismaaciil Xaashi Xuseen : Wuxuu ahaa Agaasimihii Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Puntland, sidoo kale wuxuu kamid ahaa culimadda waa weyn ee gobolka mudug, waxaana la dilay bishii April 16 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo, dilkiisana waxaa loo adeegsaday miino . 30. Nabadoon Xuseen Cali Dudde : Wuxuu ahaa Gudoomiyihii Gudigga Nabad Galyadda gobolka Mudug , sidoo kale wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka mudug had iyo jeerna ka shaqayn jiray howlaha ammaanka gobolka, waxaana la dilay bishii March 21 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo. 31. Gudoomiye Cabdullaahi Mahdi Xasan (Sayidka) : Wuxuu ahaa Gudoomiyaha Uruka Iskuxirka Ardayda Soomaaliyeed, waxaana la dilay bishii January 31 2010 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 32. Sarkaal Cismaan Cabdidaahir Maxamuud (Coor-Coor) : Wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Dowladda Puntland ee Gobolka Mudug, iyo waliba odayaasha magaaladda had iyo jeer ka hadla arrimaha ammaanka, waxaana la dilay bishii December 12 2009 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo. 33. Oday Warsame Yusuf Islaan (Cirfe) : Wuxuu kamid ahaa Odayaasha Gobolka Mudug, waxaana la dilay bishii January 3 2011 waxaana lagu dilay magaaladda Gaalkacyo. 34. Ganacsadde Maxamed Cumar Gurey : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda gobolka mudug, waxaana la dilay bishii April 27 2011 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo. source Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted May 2, 2013 35. Ganacsadde Xasan Axmed Cali Xasan (Yare) : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda gobolka mudug, waxaana la dilay bishii June 11 2008 waxaana lagu dilay magaaladda gaalkacyo. 36. Ganacsadde Cabdisalaan Warsame Aw Maxamuud : Wuxuu kamid ahaa Ganacsatadda gobolka bari, waxaana la dilay bishii May 14 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 37. Ganacsadde Cabdinuur Saalax Dhiidhax : Wuxuu kamid ahaa ganacsatadda gobolka bari, waxaana la dilay bishii May 16 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 38. Taliye G/sare Axmed Xaaji Doon (Tiibo-Tiibo) : Wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Sare ee Ciidamadda Daraawiishta Puntland, wuxuuna mar soo ahaa Taliya Ciidamadda Daraawiishta Gobolka Nugaal, waxaana la dilay bishii June 13 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 39. Nabadoon Axmed Salaad Caynab : Wuxuu kamid ahaa nabadoonadda gobolka bari, waxaana la dilay bishii March 28 2011 waxaana lagu dilay magaaladda bosaaso. 40. Ganacsade Cumar Aw Muuse Maxamed : Marxuumkani wuxuu kamid ahaa Ganacsatada Waa Weyn ee gobolka bari iyo waliba Mas'uuliyiinta Shirkadda Red Sea ee Xarunteedu tahay Magaaladda Bosaaso, waxaana la dilay Bishii June 20 2011 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted May 2, 2013 Sidii Diyaaradihii isku Dhacay baa Mid kamid ah Saraakiishii Dishay Maxaabiista Puntland Xabbad ku Dhintay! Faroole Miyuusan Ogayn in Kacaankii Eersaday Niman la Laayey? Waxaa is weydiin leh: maxaa Faroole ka dheefayaa maxaabiista la laayey? Horta dadka loo kala qeybiyo labo qeybood: 1- Kuwa lagu eedeeyey dilkii sheekh Dr Axmed Xaaji. Haddii Shareeco Islaam la eego waxaa go’aan ka gaari karay ehelada sheekha. Isla dadka ka soo horjeeda Shabaabka baa qiray in la sii daayey dad loo heystay sheekha oo ka soo jeeda qabiilka waaweyn ee reer Puntland halka dad kale la iska qabsaday. 2- Dadka siyaasadda loo diday. Dadka la xasuuqay in badan oo ka mid ah waxaa lagu dilay siyaasad. Miyaan Faroole ogayn in dowladdii kacaanka ahayd eersatay nimankii cinqilaabka dhigay ee la laayey? Puntland xaggee ka joogtaa dowalddii xoogga badneyd ee Soomaaliya! Mar horaba sarkaal ka mid ciidankii dadkaas xasuuqayey baa xabbad ku dhacday. Waa sidii diyaaradihii isku dhacay markii Kacaanku laayey culumadii. Haddaba dadka la xasuuqay kama imaan ciidda. Beryahan waxaa Puntland laga waday ol’ole ah in qofkii lagu dhejiyey shaabbadda Shabaab aan loo damqan laakiin arrintu saas maaha! Weli Soomaali qabiil kama dhammaan. Reer Puntland qaban waaye Faroole. Waa sunada Ilaahay in ciddii qooqda, Allaah u soo diro halaag iyo burbur! Bal aan eegnno halka ay biyo shubato dadka Faroole xabbadda iskaga shabbaaxayo?! Toddoba iyo tobankii nin ee Kacaanku xasuuqay waxay u badnaayeen isku jufo saasooy tahay wixii la ogaa bay Kacaanka ku dhigeen. Dadkan hadda la xasuuqay kama qaddar yara saraakiishaas. Hadda Shabaab baa faraha la soo gashay oo leh waan u aaraynnaa! Mar haddii Shabaab faraha la galeen waxay u dhowdahay in dadweyne badan oo ka dabo geli lahaa ka haraan maaddaama ay Shabaab u muuqdaan inay arrintaas dabo joogaan! Waa arrimaha aan ilaa hadda la fahmin! Xasuuqaas waxaa loo geli karaa si shacab iyo si siyaasadeed oo dhaawac weyn u keeni karta Faroole laakiin hadday Shabaabku shafka u garaacdeen haddii iyagaa la rabaa waxay sameynayaan! Teeda kale haddii Shabaabku maryocalas u dilaan maxaabiista; soo Faroole faa’iido ma qabo? Eheladda dadka la xasuuqay waxay la xisaabtami lahaayeen Faroole! Shabaabku mala xisaabtami karaan Faroole mise waxay raadsanayaan maryocalas la soo kireystay? Alkhilaafah.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted May 2, 2013 uchi;945111 wrote: Source? http://www.radiodaljir.com/view.php?id=1462 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted May 2, 2013 Alle ha u Naxariisto - Magacyada & Tirada Dadka Lagu Laayey Puntland 2008 => ~ Wed, 01 May 2013 20:35:28 -0400 pm -04:00 -14400 Galkacyo: Dambi-baare Cabdisalaan Cali Saylaan oo ka tirsanaa bilayska Puntland oo xalay lagu dilay Galkacyo. Yalho: Meydka labo nin oo la gawracay oo laga helay buundo-jiifka tuulada Yalho ee gobolka Bari. Kob-dhexaad: Koox hubaysan oo toogasho ku dishay 4 qof oo rayad ah, qof kalena dhaawacday; aano qabiil & aargoosi lala xiriirinayo. Magacyada & Tirada Dadka La Laayey - Puntland Maxaa Haldoor La Dilay, Gacan Ku Dhiiglayaashiise Cadaaladda Mala Horkeenay? 2011: 2010: 2009: 2008: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 2, 2013 Is this an answer to the other thread? lol Quote Share this post Link to post Share on other sites
STOIC Posted May 2, 2013 ^All indications are showing to that direction..Its about to time to QUIT this site and their fools paradise... Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted May 2, 2013 lool qiimeeyn lagu sameeyey and the graph presented. The otherr thread, and this one, are both SICK. Quote Share this post Link to post Share on other sites
STOIC Posted May 2, 2013 ^Waar Nuune..aniigaa Washubeey kowdeeh..Macasalam..ninyahoww..Cafiis ya Umatul Muslimin... Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted May 2, 2013 Guri dhalo ah nin ku jiroow ha tuur-tuurin dariskaaga Quote Share this post Link to post Share on other sites
uchi Posted May 2, 2013 Is this OP a Somalilander? Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted May 2, 2013 Stoic, waa inoo mar kale sxb, Af Soomaaliga qoraalkiisa badi sxb, vowelskana pay attention to them Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 2, 2013 nuune;945118 wrote: The otherr thread, and this one, are both SICK. They have managed to drag Wiil cusub to the gutter with them. Stoic. Maybe it's time to reclaim it. Quote Share this post Link to post Share on other sites