Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somali parliament rejects motion to undermine the Somalia and Somaliland agreement in Ankar.

Recommended Posts

Guddoonka Baarlamaanka oo sharcidarro ku tilmaamay in laga keeno Mooshin Heshiiskii dhexmaray Somalia iyo Somaliland

 

Sabti, Abriil 27, 2013 (HOL) — Guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday mooshin laga keenay heshiiskii dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, iyagoo sheegay in mooshinkaas uu ka horimaanayo dastuurka dalka, sidaa daraadeedna aan laga doodayn.

 

Kulan uu maanta yeeshay baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa hadalka ka sheegay guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cabdalla Cawad, isagoo xusay in xildhibaannadu ay dalban karaan in dadkii ka qaybgalay ay horyimaadaan baarlamaanka, balse aan heshiiskaas laga hadli karin.

 

“Barnaamijka xukuumadda ee la meel-mariyay 13-kii Novmber 2012, wuxuu xukuumadda siinayaa awood ay ku qabsato howlaha siyaasadda dalka, sidaa daraadeed golaha baarlamaanku ma faragelin karo howlaha xukuumadda ee dhinaca siyaasadda,” ayuu yiri Cawad.

 

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay inaysan ka doodi karin war-murtiyeedkii ama heshiiskiii kasoo baxay shirkii Somalia iyo Somaliland wuxuuna xusay in xukuumadu ay xor u tahay inay ku matasho Soomaaliya arrimaha siyaasadda.

 

“Xildhibaannadii mooshinka soo gudbiyay waxaan ku leeyahay mooshinkan ma ahan mid sharciga waafaqsan sidaa daraadeed loogama hadlayo shirka baarlamaanka arrintaas, balse waxaad xaq u leedihiin inaad u yeertaan qaar ka mid ah xubnihii ka qaybgalay si aad su’aalo u weydiisaan,” ayuu ku daray hadalkiisa.

 

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa kaddib markii xildhibaanno baarlamaanka ka tirsan ay dhawaan u gudbiyeen baarlamaanka ka hadalka heshiiskii dalka Turkiga ku dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somailand, kaas oo ahaa mid iskaashi oo ay qodobbadiisa ka mid ahaayeen in la wadaago deeqaha dibadda laga helo iyo ka shaqeynta ammaanka.

 

Waa markii ugu horreysay oo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ay si toos ah u diidaan mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, waxaase jirta in dhawaan uu guddoomiyaha baarlamaanka ku wargeliyay xildhibaannada in dib loogu soo laabto ka hadalka qodobkaas.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoonka Baarlamaanka oo diiday in Baarlamaanka la horkeeno Mooshin ka dhan ah Heshiiskii Ankara ee DF iyo maamulka Soomaaliland

 

Kulanka maanta ay yesheen mudaneyaasha Baarlamanka dalka waxaa shir guddoominayay gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka, waxaana soo xaadiray 170 mudane iyadoo ajandaha uu ahaa mooshinkii ay dhowaan soo gudbiyeen xildhibaano, mooshinkaas oo ahaa heshiiskii ay DF la gashay maamulka Somaliland ee ka dhacay Ankara, Turkiga.

 

Guddoonka baarlamaanka ayaa maanta gabi ahaanba laalay in mudanayaasha baarlamaanku ay ka doodaan Mooshinkaas, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay mid aan sharci ahayn, gudoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaaqay iney manuuc tahay in mooshin laga keeno heshiiskaas maadaama aysan ahayn arin u taallo golaha sharci dajinta baarlamaanka.

 

Mahad Cabdale Cawad guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamanka oo shir guddoominayay kulankii maanta ayaa sheegay in la celiyay ajandahii ahaa soo bandhigida qodobadii ka soo baxay wada hadalkii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland waxa uuna tilmaamay in awooda mudaneyaasha Baarlamanka aysan aheyn ka hadalka arrintaas maadama ay quseyso xukuumadda.

 

Arrintaan ayaan ilaa ka hadlin xildhibaanadii mooshinka keenay.

 

Waa markii ugu horreysay oo guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ay si toos ah u diidaan mooshin ay soo gudbiyeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka, waxaase jirta in dhawaan uu guddoomiyaha baarlamaanka ku wargeliyay xildhibaannada in dib loogu soo laabto ka hadalka qodobkaas.

Puntlandi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gudoonka Baarlamanka oo mamnuucay in mowshin laga keeno heshiiskii Culusoow iyo SNM-ta

 

Allssc.com (muqdisho)

 

jawaariGudoonka Baarlamanka Somalia ayaa shaaca ka qaaday maanta inaan Baarlamanka la keeni karin mowshin ka dhan ah heshiiskii magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ku kala saxiixdeen dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland.

 

Hadalkan ayaa waxaa fadhigii Baarlamanka ee maanta ka sheegay Mahad Cabdalla Cawad oo ah gudoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamanka Somalia oo shir gudoominayey kulankaas.

 

“Xildhibaanada waxaan u sheegeynaa ineysan naga sugin inaan ka qabano, golahana horkeeno mowshin ka dhan ah heshiiskii dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland, maxaa yeelay waxaa arintaas baarlamanku u xilsaaray heyaddo kale” ayuu intaa ku daray Mahad Cabdalla Cawad.

 

Arintan ayaa ku soo aadeysa iyadoo xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Somalia oo uu horkacayey Prof. Cali Khaliif Galeyr ay sheegeen iney diyaariyeen mowshin ka dhan ah heshiiskaas, ayna doonayaan inuu baarlamanku ka doodo, waxayna xuseen in dowlada Somalia ay sidii dowlad la siman heshiis ula saxiixatay Somaliland, iyagoo xusay in heshiiskan uu qatar gelinayo midnimada Somalia, Somaliland ku dhiirigelinayo damacooda ahaa iney ka go’aan dalka intiisa kale.

 

Dhinaca kale, kulankii maanta oo ay soo xaadireen 172 xildhibaan ayaa waxaa looga dooday qodobo ku saabsan xeer hoosaadka uu ku shaqeynayo baarlamanka afarra sano ee uu jirayo, waxaana ka hadlay xildhibaano badan.

 

Allssc.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ouch! :D

 

Ninwayn tag lama yidhaa ee wuxu ku tago ayaa la tusaa. I reckon Prof Ali Khaliif should follow Prof Samatar's foot steps and resign from the house. Waxa meesha uu ku sii fadhiyi karo ayaanba jirin mar hadaan meel marsan karin wuxu doonaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this