Dr_Osman Posted April 21, 2013 Madaxwaynaha Puntland & wefdi Talyaani ah oo xariga ka jaray idaacada cusub ee dowlada [Maqal&Sawiro] Madaxwaynaha Dowlada Puntland ee Soomaaliyeed oo ay weheliyaan gollayaasha Xukumada & Barlamanka, masuuliyiin ka kala socda Dowlada Talyaaniga, Hay'ada UNOPS, Saraakiisha ammaanka iyo marti sharaf kale ayaa maanta si rasmiya xariga uga jaray idaacada afka dowlada ku hadlaysa oo dhowaan si tijaabo ah hawada loo galiyay. Madaxwayne Faroole marka uu xariga ka jaray masuuliyiintii Talyaaniga iyo UNOPS ka socday ayuu soo tusay qaybaha uu ka kooban yahay dhismaha Idaacadu, waxayna dhamaan galleen xafiisyada loogu talo galay idaacada iyo Tv- dowlada Puntland. Dhanka kale Madaxwaynaha Puntland ayaa wefdiga Dowlada Talyaaniga waxa uu kala wareegay 15-gaari oo loogu talo galay inay ku howl gallaan ciidanka booliska Puntland. Madaxwaynaha Puntland Dr. Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad oo furitaanka idaacada ka dib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay maanta ay tahay maalin taariikhiya, ayna ku wayn tahay quluubta dowlada Puntland, maadama dowladu buu yiri ay heshay warbaahin u gaar ah oo shacabka Soomaaliyeed ugu gudbiyo howlaha ay qabtaan iyo xaaladaha Puntland halkay marayso. Madaxwayne Faroole oo khudbadiisa dheerayd, ayaa waxa uu sidoo kale soo hadal qaaday horumarka ka socda Puntland iyo hagaajinta garoomada diyaaraha magaalooyinka qaar, wuxuna dowlada Talyaaniga ku ammaanay dadaalka iyo Mashaariicyada kala duwan oo ay Puntland ka taageertay, wuxuna sheegay agabka warbaahintan maanta la furay inay ugu deeqday xukumada Talyaaniga, taasina ay tahay arin aan la ilaawi karin. Dr. Faroole ayaa sidoo kale uu soo hadal qaaday Deeqda 15 ka-Gaari ee dowlada Talyaaniga isla goobta idaacada lagu furayay ku wareejisay madaxwaynaha, waxana gaadiidkasi loogu tala-galay in ay ku shaqeeyaan ciidanka Booliska Puntland. Wakiilada Safiirka Soomaaliya u jooga Dowlada Talyaaniga oo goobta hadal kooban kasoo jeedisay ayaa sheegtay, inay madaxda Puntland fariin diiran uga sido safiirka Talyaaniga oo howlo shaqo awgeed munaasibadaani imaan waayay, waxayna sheegtay in Talyaanigu uu danaynayo gacan qabashada Soomaaliya iyo sidii loo taageeri lahaa maamulka Puntland oo ka mid ah mamulada dalka ka jira ee waxqabad wanaagsan tusay caalamka. Dunidaonline.com Xafiiska Garowe AUDIO http://dunidaonline.com/index.php?id=9320 Quote Share this post Link to post Share on other sites