xiinfaniin Posted April 18, 2013 Soomaaliya oo Safiir u Magacowday Ingiriiska, ka hor inta aan la qaban shirka looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya Khamiis, Abriil 18, 2013 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta u magacowday dalka Britain danjire cusub, kaasoo loo magacabay, C/llaahi Maxamed Cali (Sanbololshe), waxaana magacaabistiisa lagu ansixyay kulan ay golaha wasiirradu maanta yeesheen. Danjirahan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya u magacowdo dalka Britain tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya muddo laabtan sano ka badan laga joogo. “Maadaama lagu wado in bisha May ee sannadkan lagu qabto London shir looga hadlayo arrimaha Soomaliya, waxaa lagama maarmaan noqotay in la magacaabo safiirka Soomaaliya ee Britain,” ayuu yiri wasiir ku xigeenka wafaafinta, Ibraahim ***** Yaroow. Sidoo kale, wasiir ku xigeenku wuxuu sheegay in danjiraha sababaha loo magacabay ay ka mid tahay sidii loo adkeyn lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Britain, iyadoo dowladda Britain ay horay u sheegtay inay daneynayso sidii ay u xoojin lahayd xiriirka ay la leedahay Soomaaliya. Xukuumadda Britain ayaa horay safiir ugu soo magacowday Soomaaliya, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu siiyay dhul ay ka dhisato safaarad, waxaana Britain ay sheegtay inay ciidammo gaar ah oo ilaaliya safaaraddeeda u soo diri doonto Muqdisho. Tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh waxaas oo kordhayay dalalka daneynaya inay safaarado ku yeeshaan Soomaaliya, waxaana maalin ka hor Muqdisho yimid danjireyaasha Soomaaliya u fariisan doona dalalka Sweden iyo Holland, kuwaasoo warqadahooda aqoonsiga ku wareejiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliiya Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted April 18, 2013 C/llaahi Maxamed Cali (Sanbololshe ? info on this guy xiin Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted April 18, 2013 malistar2012;939633 wrote: C/llaahi Maxamed Cali (Sanbololshe ? info on this guy xiin In other pertinent words, qabiilkiisa inaa ogaatid soo ma rabtid? Waa Reer Hiiraan oo Ingiriiskana mudo badan ku noolaa saa jeclahay. Haye ma kugu filantahay intaas. Sanadkii 2009 wasiirka nabadsugidda ayuu ka noqday dowladii Cumar C/rashiid. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Mooge Posted April 18, 2013 another relative of qoslaye. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 18, 2013 Mooge what do you lot call the goverment beryahan dawlada candho wadaag shalay bu nin iga sheekeneye on the floor:D Quote Share this post Link to post Share on other sites
Homunculus Posted April 18, 2013 Mooge;939713 wrote: another relative of qoslaye. Really! It's great to be a relative of the president these days. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted April 18, 2013 What is his diplomatic or international experience. What is his professional background? Is he a another dottore? Quote Share this post Link to post Share on other sites