Daqane Posted April 17, 2013 Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow) ayaa loo magacaabay inuu noqdo La-Taliye Sare iyo Af-Hayeenka Madaxtooyada. Eng. Yarisow oo hadda ah Agaasimaha Guud ee Radio Bar-Kulan ayaa lagu wadaa inuu ku soo biiro madaxtooyada muddo labo usbuuc ah isagoo warqadiisa is-cisaaladda u gudbiyey Radio Bar-Kulan oo hadda leh Board of Trustees oo maamula idaacadda. Eng. Yarisow ayaa ah siyaasi sumcad fiican ku dhex leh bulshada soomaaliyeed iyo beesha caalamka oo jagooyin kala duwan ka soo qabtay dalka sida Wasiirka Lacagta, Wasiirka Warfaafinta, La Taliye Sarena u soo noqday Raķisul Wasaareyaal kala duwan isla markaana ahaa Af-Hayeenkii Dowladda. Sidoo kale Eng. Yarisow intii uu joogay London waxuu 14 sano ka soo shaqeeyey Dowladda Hoose ee London oo uu Agaasime Waaxeed ka soo ahaa. Sidoo kale Eng. Yarisow waxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha Jaaliyadda UK. Waxaa muuqata in Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamud inuu hadda doonayo in uu sumcadda Dowladdiisa kor u qaado oo shacabka iyo dowladdu ay isku xirmaan, oo dowladdu ay si joogta ah ugu gudbiso shacabka waxqabadkeeda iyo horumarka adeegyada bulshada. Cabdixakiin Cilmin Xasan . Xafiiska Warqabadka Dayniile.com Webmaster@dayniile.com Tafatiraha Wabka Dayniile.com Deyniilecom@hotmail.com Webmaster@dayniile.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted April 17, 2013 I welcome this move Quote Share this post Link to post Share on other sites