Dr_Osman Posted April 16, 2013 SNM iyo USC oo kulankoodii Turkiga Qiyaamo qaran ku heshiiyey? Last update 13-04-13 Kulankii qiyaamada qaran ee dhex maray Xasan Sheekh Maxamuud (U.S.C). iyo@ Axmed Maxamed Siilaanyo (SNM) ayaa waxay saxaafada ummadda Soomaalieed u dhigeen in ay ka midaysan yihiin Qodobbada hoos ku qoran:- 1.In lasii wado wadahadallada u dhexeeya labada dhinac 2.In qodobbadii kasoo baxya shirarkii London iyo Dubai ee horay loo gaaray la dhowro 3.Inay sii socdaan wadahadallada u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladda Somaliland, beesha calaamku ay ka taageerto dhinaca fududeynta haddii loo baado. 4.In labada dhinac ay wadaagaan deeqaha caalamka laga helo, gaar ahaan kuwa ay Soomaaliya hesho iyo in la dhiirrigeliyo horumarinta Somaliland. 5.In si wadajir ay dhinacyadu uga shaqeeyaan sugidda ammaanka, tababarrada, dagaalka lagula jiro argagaxisada, is-dhaafsiga xogaha, la dagaalanka burcadbadeedda, kalluumeysiga sharci-darrada ah, ka hortagga sunta lagu shubo badaha, dambiyada badaha ka dhaca iyo dambiyada waaweyn. 6.In saddex bilood gudahood lagu qabto Istanbuul shir kale oo lagu dhameystirayo qodobbadii la isku afgaran waayay intii uu shirku socday. 7.In labada dhinac ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara qodobbadan lagu heshiiyay iyo sii socoshada wadahadallada. Haddaba qodobadaan uu heshiiskoodu dhigaayo, maaha kuwa wali saxaafada la siiyey tafaasiil ay fahmi karayaan dadka intooda badan, waa war siyaasadaysan oo aan qeexayn waxa dhabtaa ee kulankoodu ku salaysnaa, waxay ka waa hadleen iyo waxay dhab ahaantii ku heshiiyeen.Waxaa kaliya oo cad in labadaa jabhadood U.S.C IYO SNM ay ahaayeen kuwii qiyaamada qaranka Soomaaliyeed shirkada ku ahaa umaadda Soomaaliyeedna mudaada 23ka sanno ah meeshaas dhigay. Hashiiskaan cusub ee SNM IYO USC maxuu kaga duwan yahay heshiiskii hore ee ay qiyaamada qaraka Soomaaliyeed ee ay awal ku wada socdeen 23kii sanno ee la soo dhaafay.SNM iyo USC waxay 23kii sanno ee la soo dhaafay u taaganayeen in aan qaran soomaaliyeed dib loo helin, haddii aan mid dantiisa gaarka uga dhex muuqaynayn,waxayna 23kii sanno ee la soo dhaafay ka wada shaqaynayeen qiyaamadaas cad oo ay ummadda Soomaaliyeed ku hortaagnaayeen. Ururka SNM waxay u xuubsiibteen am waxa ay maanta isugu yeeraan Jamhuuriya Somaliland, ee ayadu gooni isu taagtay. Halka USC ay marar badan shaarka badasheen oo hadba wax isku sheegayeen sida dawladii salbalaar, Ali mahdi, Carta, Maxaakiimta islaamiga, Xisbul islaam, Al-shabab iyo Damul-jaddiid oo hada sheegayna Dawlada sharcigaa ee dalka Soomaaliya. 1964kii ayey ahayd markii ugu horesay ee koofurta soomaaliya looga dhawaaqay Urur la magac baxay Ururka Iririsimka, ururkaas oo ay ku midoobeen beelaha ****** iyo *****.Xiligaas waxii ka danbeyey waxaa Ururka Irirismku u taaganaa qiyaamada ummadda Soomaaliyeed, waxayna markii ugu horeysay qiyaamadooda ku asiibeen dhulkii soomaaliyeed ee gacanta gumaysiga wali ku jiray ee NFD iyo Soomaali galbeed oo ay u aqoonsadeen in aysan Soomaali maqan ahayn, waxayna heshiisyo hoose la galeen, gumaysigii Ethiopia, Kenya iyo Gumaystayaashii reer Yurub ee Soomaliya kala qaybinayey, waxaa kaloo jira in ay ka soo hor jeesteen dib u xoraynta Soomaalidii gacanta gumaysiga Xiligaas ku haray, waayo degaanadaa waxay u arkayeen in ay ku nool yihiin dad aan la qabiil ahayn oo dhamaan degaanadaas Djabouti maahe intooda kale in dadka ku nool yihiin ******* Ismaaciil dhul ka maqan. Waxaan xasuusanahay Heshiiskii Manaafaqii Mohamed Ibarahim Cigaal@ ee (Carusha), kaasi oo Munaafaqaasi dhul Soomaaliyeed (NFD) Gumaytayaasha u saxiixay, In kasta oo xiligaas kadib hadana la ogaaday in uu Heshiis kaas la mida ku dhex jiray in uu la saxiixdo Gumaysigii Boqortooyadii Ethiopia, oo ayadu markaas talada wadankaas haysatay, si dhulka Soomali galabeed Officieel loogu wareejiyo Ethiopia. Maahmaah Soomaaliyeed ayaa waxay oranaysaa (( Si kastoo doofar durur iyo dalaal u dhex galo- hadana waligiis ma daahiro)). Soomaalidiid waa Soomaalidiid magac kasta oo uu qaato ama shaar kasta oo uu badashoccShirka ay maanta isugu yimaaadeen USC iyo SNM kama duwana qiyaamadoodii qaranka Soomaaliyeed ee ay shirkada ku ahaan jireen. Wararka ay saxaafada ummadda Soomaalieed u soo bandhigeena maaha wax cad iyo wax ummadda Soomaaliyeed quseeya, waxa dhabtaa ee ay ka wada hadleena waa Qiyaamo ummadda Soomaliyeed,Gaar ahaan beelaha Soomaalieed ee aan shirkaba goob jooga ka hayn. Wabilaahi towfiiq Qalinkii:- M.Yusuf (Raad-haye) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 16, 2013 USC and SNM meeting neither of these rebel movements exist today come on ditoore you can do better than that. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted April 16, 2013 Xaji its interesting u avoid the presidential palace topics, let me guess you got nothing bad to say so you stay away lol or is it you feel yourself out done and cant match it Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 16, 2013 i find those topics unpolitical i rather discuss politics , Ditoore what you think of the Somalia and Somaliland talks hassan sheikh and axmed siilaanyo are talking its historical the 2 leaders from both countries haven't talked in a long time. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted April 16, 2013 Xaaji my opinions are never to far from raad-haye Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted April 16, 2013 Ditoore do you think there is an unholy alliance between the HAG dominated government of Somalia and the elites of Somaliland. And if that is the case why is faroole quiet. Quote Share this post Link to post Share on other sites