Dr_Osman Posted April 16, 2013 Wa Guul soo hoyatay Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted April 16, 2013 Red Carpet For Foreign Dignitaries Puntland's First Lady getting her game on The Puntland Flag Means The Most The Dr Opinion on this new Presidential Square Is summed up below Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted April 16, 2013 I was expecting a bit more for the vice presidence residence It can compete with villa hargeisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Dr_Osman Posted April 16, 2013 Madaxweynaha Puntland oo caawa ku hoyanaya Madaxtooyada cusub Puntland 15. april 2013 APL Madaxweynaha Puntland CabdiRaxmaan Maxamed Faroole ayaa galabta xariga ka jaray xarunta Madaxtooyada cusub ee Puntland oo ku taala Garoowe,xafladda furitaanka ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golayaasha Dawladda,Ururada siyaasadda,Saraakiisha ciidamada qalabka sida,xubno ka tirsan Hay'adaha qaaramada midoobey iyo marti sharaf iskugu jirta qaybha bulshada. Munaasibadan ayaa waxaa hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey Madaxweynaha Dawlada Puntland Dr,C/raxmaan Maxamed Faroole isagoo ka sheekeeyey dhismahan cusub ee Madaxtooyada iyo baahiyaha keenay in caasimada laga hirgeliyo. Madaxweynaha ayaa farxad weyn ku tilmaamay inuu maanta xariga ka jaro dhismahan aadka u quruxda badan oo noqonaya aqalka Madaxtooyada Puntland, wuxuuna sheegay dhismahani inuu qayb ka yahay mashaariicda ay Dawladiisu ka hirgelisay Dalka sanado badan oo ay soo jirtay Puntland kadib,Isagoo tilmaamay inuu aqalkani noqon doono kan looga arimiyo Puntland ayna ku shaqayn doonaan Madaxda iyo Dawlaha isbadeli doona ee Puntland ayna kusoo dhawayn doonaan cid kasta oo iyaga badesha. Dr Faroole ayaa sheegay inay Dawladiisu ay Puntland ka hirgelisay xarumo muhiim u ah dadka iyo Dawlada Puntland una badan Magaalooyinka Garoowe,Boosaaso,Gaalkacayo iyo Qardho isagoo sheegay inay dhawaan hirgelin doonaan xarumo kale, lagana dhisi doono xarumaha ugu horeeya Magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobalka Mudug, Sidoo kale waxa uu sheegay inay dhawaan bilaaban doonto dhismaha Garoomada diyaaradaha Puntland. Madaxtooyada Magaalada Garoowe ee maanta xariga laga jaray ayaa ah mid u dhisan qaab casri ah, Wuxuuna ka kooban yahay qaybo kala duwan sida qaybta Xafiisyada,Qaybta Ciidanka Madaxtooyada,Guri Madaxweynaha,Guri Madaxweyne ku-xigeenka iyo weliba qaybo kale , waana dhsimihii ugu horeeyey ee Madaxtooyo oo laga hirgeliyo Caasimada tan iyo dhismihii Puntland 15-sano ka hor. Quote Share this post Link to post Share on other sites