Sign in to follow this  
Carafaat

Somali Parliament hearing of the Constitutional Revieuw Committee

Recommended Posts

Carafaat   

Baarlamaanka oo maanta warbixin ka dhegeystay qaar ka mid ah gudiyada Joogtada ah

 

Muqdisho(RBC Radio) Mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku yeeshay kulankoodii 14-aad ee kala fadhiga 2-aad kulanka maanta oo ku saabsanaa dhegeysiga gudiyada baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 160 xildhibaan iyadoona uu shir gudoominayey ku simaha gudoomiyaha baarlamaanka ahna gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad.

 

Kulanka ayaa waxaa warbixino looga dhegeystay ilaa 4 gudi oo ka tirsan gudiyada baarlamaanka Soomaaliya oo kala ahaa gudiyada,Xuquuqul Iinsaanka,Difaaca,Arimaha Dibada iyo gudiga dib u eegista dastuurka dalka kuwaas oo baarlamaanka uga waramay shaqadii loo igmaday.

 

Max’ed Axmed Kulan oo ah xoghayaha gudiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya oo baarlamaanka ka hor aqriyey warbixinta uu soo diyaariyey gudiga difaaca ayaa waxa uu si kulul u dhaleeceeyey wasaarada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya oo uu sheegay iney ka gaabisay la shaqaynta gudiga difaaca baarlamaanka.

 

Xoghayaha gudiga difaaca baarlamaanka ayaa sheegay in wada shaqayn la’aanta wasaarada gaashaandhiga xukuumada Soomaaliya iyo gudiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya uu masuul ka yahay wasiirka wasaarada gaashaandhiga dowlada Soomaaliya C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo sida uu sheegay ka dhega adaygay codsiyo dhowr ah oo ay u direen.

 

Max’ed Axmed Kulan ayaa soo jeediyey in wasiirka gaashaandhiga looga yeero baarlamaanka si uu uga jawaabo sababaha uu uga caga jiiday inuu wada shaqayn dhab ah la yeesho gudiga difaaca baarlamaanka Soomaaliya.

 

Shir gudoonka kulanka maanta Mahad Cabdalla Cawad ayaa baarlamaaanka xasuusiyey in baarlamaanku uu qayb libaax ka qaato fantasyahay loo samaynayo maalinta 12-ka April oo ahayd markii dhidibada loo aasay ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo la aas aasay sanadkii 1960-kii.

 

 

RBC Radio

Xafiiska Wararka Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this