Sign in to follow this  
malistar2012

Sanad Guurrada 53aad Ee Aas Aaska Ciidammada Xoogga Dalka Oo Ku Beegan Maalinnimada Berri Ah Iyo Diy

Recommended Posts

Sanad Guurrada 53aad Ee Aas Aaska Ciidammada Xoogga Dalka Oo Ku Beegan Maalinnimada Berri Ah Iyo Diyaargarawgeeda….WARBIXIN “Dhageyso+Sawirro”

12kii April sanadkii 1960kii ayaa si rasmi ah loo aas aasay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo mar iyagu noqday Ciidammada ugu awoodda badan qaarada Afrika waxaana maalinnimada berri ah ay ku beegantahay sanad guurrada 53aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Ciidammada Xoogga Dalka.

 

Sanag guurrada 53aad ee kasoo wareegatay markii la aas aasay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxey sanadkaan kusoo beegmeysaa xili ay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed si aad ah ugu guuleysteen iney intabadan ka xoreeyaan gobollada dalka Maleeshiyada kooxda argigixisada ah ee Al-Shabaab.

 

Hadii aan dib u milicsano taariikhdii lagu aas aasay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxey dadka aqoonta u leh ama usoo joogay waayahaas sheegaan in Ciidammada Xoogga Dalka lagu aas aasay 27sarkaal oo hada intooda badani ay geeriyoodeen markii kadibna uu si tartiib tartiib ah u korey isaga oo gaaray inuu ka tilmaannaa Ciidammada Afrika.

 

Inuu Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka tilmaannaado ciidammada kale ee Afrika waxa ay ku timid dadaal iyo juhdi farabadan oo mudo dheer la bixiyey waxaana xiligaasi ciidammada marka la qorayo laga kala qori jirey guud ahaanba degmooyinka Dalka ayadoo degmadiina laga qaadan jiray tiro go’an balse dhammaan dadkaasi isqori jirey mabda’a ay lahaayeen ama ay ka mideysnaayeen waxa ay aheyd “wadaniyadda”

 

Ujeedada loo aas aasay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxey aheyd maadaama la aas aasay markii ay Soomaaliya qaadan rabtay Xoriyadda oo ay ka xoroobi rabtay gumeystayaashii reer Yurub in lagama maarmaan ay tahay in la helo ciidan awood leh oo xoriyadaas la qaatay ilaaliya amaba difaaca sidaasna lagu aas aasay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Sareeye Guud Maxamed Cali Samatar waxa uu ka mid ahaa saraakiishii lagu aas aasay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana uu kasoo qabtay Dowladdii dhexe xilal kala duwan oo dhanka ciidammada Xoogga Dalka quseeya ayadoo xilalkaasina uu ugu sareeyey Wasiirkii Gaashaandhigga, isaga oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa wareysi uu siiyey Radio Muqdisho waxa uu kaga sheekeynayaa marxaladihii kala duwanaa ee lagu aas aasay Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

 

Qeybta Hoose Ka Dhageyso Barnaamijka Daljir Oo Ka Sheekeynaya Aas Aaskii Ciidammada Xoogga Dalka

 

 

 

Inkastoo mudadii uu dalku ku jiray bur burka ay Ciidammada Xoogga Dalka ka mid ahaayeen dhinacyadii ama hay’adahii uu bur burka saameeyey hadana dowladihii KMGka ahaa waxey ku dadaaleen iney iskudayaan dib u dhiska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxaana tababarro kala duwan gudaha dalka iyo dibadda loogu qabtay ciidammo kala duwan kuwaasi oo hada ka mid ah Ciidammada Xoogga Dalka.

 

Dib u dhiska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed si uu u noqdo mid dhameystiran waxey Madaxda Dowladda Federaalka hada heshiisyo la galeen dalal dhowr ah oo uu ugu horeeyo dalka aynu walaalaha nahay ee Turkiga waxaana jira qorshe Soomaaliya loogu dhisayo inkabadan 20,000 askari oo xoogga Dalka ka mid noqonaya qorshahaasi oo wadajir ay u wadaan wasaaradaha Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Turkiga.

 

Maanta Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxa uu kasoo kabanayaa saameyntii uu ku yeeshay bur burkii dalka soo maray waxaana maalinba maalinta kasii dambeysa sii kordhaya tirada Ciidammada tababarrada soo dhameysanaya ee Xoogga Dalka ka mid noqonaya ayadoo Ciidammadaasi soo tababartayna ay ka howlgalayaan intabadan gobollada Dalkeenna.

 

 

 

 

 

 

 

Qabanqaabada diyaargaroowga loogu jiro xuska sanad guurrada 53aad ee aas aaska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed waxey si weyn uga socotaa magaalada Muqdisho waxaana dabaal degan oo kale ay Ciidammada Xoogga Dalku kusoo bandhigaan gaardi ka ciyaar kaasi oo aan shaki ku jirin in sidii sanadihii hore uu ka qurux badnaan doono.

 

Hoos Ka Dhageyso Tix Buraanbur Ah Oo Ay Gabar wadaniyad ah u tirisay Ciidammada Xoogga Dalka

 

 

 

Xasuusin Linkiga Hoos Ka Daawo Sanag Guurrada 52aad ee Aas Aaska Ciidammada Xoogga Dalka

 

http://radiomuqdisho.net/daawo-sawirrada-sanad-guuradii-52aad-ee-aas-aask-ciidammada-xoogga-dalka-oo-muqdisho-looga-xusay-si-aan-waayahan-laarag/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Taliska ciidamada XDS oo munaasabada 12-ka April ugu Hablyeeyay ciidamada XDS

Published on April 12, 2013 by Mowliid · No Comments · 204 views

Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa hambalyo ku aadan 53 guuradii ka soo wareegtay aas’aaska ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed u diray guud ahaan ciidanka Xoogga dalka meel kaasta oo ay ku sugan yihiin, iyadoo dhinaca kalana madaxdii hore ee ciidamada ay ka warbixiyeen aas’aaska Ciidanka Malitiriga.

 

Iyadoo maanta ay ku beegantahay sanadguuradii 53 aad ee ka soo wareegtay Aas’aaska ciidamada XDS ayaa taliyaha ciidamada XDS Jeneral Daahir Indhaqarsho wuxuu hambalyo u diray Saraakiisha , Saraakiil Xigeenka, Alifleyda Dableeyda Ciidamada XDS iyo xaasaskooda.

 

General Indhaqarsho Taliyaha ciidamada XDS ayaa ciidamada XDS u rajeeyay horumar iyo baraare , isagoo ugu tahniyadeeyay guulaha ay ka gaareen howlgalada ay dalka akaga xoreynayaan cadowga.

 

General Maxamed Cali Samatar oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tahniyad iyo boqaadin u diray ciidamada XDS, wuxuuna ka warbixiyay taariikhda aas’aaska ciidamada XDS isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in awooda ciidamadu ay gaari doonto heer lagu faani karo.

 

Dhinaca kale Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka socda munaasabad lagu xusayo 12 ka April oo ku asteysan 53 guuradii kasoo wareegtay markii la aas’aasay ciidamada XDS, waxaana halkaasi fantasyo iyo gaadda ka ciyaar kusoo bandhigi doona cutubyo ka tirsan ciidamada XDS.

 

12ka April maantoo kale waa sanadguuradkii 53 aad ee kasoo wareegtay markii la aas’aasay ciidamada XDS waxaana magaalada Muqdisho ka socda dabaaldega munaasabada maalinta ciidamada XDS iyadoo munaasabada ugu weyn lagu qabanayo xarunta wasaarada Gaashaandhiga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this