Sign in to follow this  
xiinfaniin

Mogadishu is Rising

Recommended Posts

Tallaabo   

Maashaa Allah, this is a beautiful photo of Mogadisho. If only Mogadisho showed the world such photos in its 22 years of madness, Somalis would have some dignity today.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, waxaa bilihii u danbeeyay ka bilowday dib u dhis xoogan, sidoo kale waxaa magaalada kusoo qul qulaya maalinba maalinta ka danbeysa dad aad u badan, kuwaasoo dhowr iyo labaatan sano wadanka ka maqnaa.

 

Muqdisho, waxa ay hada kasoo kabaneysaa waayihii Xumaa ee ay soo martay 22-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaana hada magaalada ka bilwday dhismooyin qaarkood aan wali magaalada laga dhisin ebid.

 

Magaalada waxaa hada ka socda tartan xoogan oo xagga dhismaha ah, qofka aan aan mudo joogin magaalada malaha waxa uu isleeyahay, magaalada hada ayayba ka hormarsantahay xiliyadiika horeeyay, marka laga reebo amaanka oo wali ah mid jilicsan.

 

Dhismooyin, Hotelo casri ah iyo xaruumo ganacsi oo qaarkood ay ka shaqeeyaan dad ajaanib ahayaa magaalada kusoo batay, waxaa kaloo jirta in magaalada ay kusoo badanayaan baabuurta yar yar, gaar ahaan kuwa raaxada ee sida gaarka ah loo leeyahay.

 

Waxaad arkeeysaa marka aad magaalada Subixii usoo shaqo tagto, in aad hal wado ku jirto waxkabadan 30 daqiiqo,halka mar marka qaarna ay kugu qaadato wax kabadan hal saac, taasna waxay muujineeysaa isbadalka kajira Muqdisho.

Haddaba wariye Kuuloow ayaa u kuur galay qaar kamid ah dhismooyinka ka socda magaalada, kuwaasoo ah isbadal dhinaca horumarka oo magaalada ka bilowday.

 

Haddaba sawirada aad ku arki doontaan boggan, waxa ay muujinayaan horumarka Muqdisho kajira ee aan kasoo sheekeynay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this