Sign in to follow this  
Dr_Osman

Radio Puntland And Presidential Palace Opens Today. PICS/AUDIO/VIDEO

Recommended Posts

Dr_Osman   

Radio Puntland oo laga furayo Garowe maanta

10 Apr 10, 2013 - 1:18:14 AM

 

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Maxamed Farole ayaa lagu wadaa maanta 10 April,2013 inuu xariga ka jaro Idaacada Puntland oo dhismaheedu socdey waayadan danbe.

 

Madaxweyne ku xigeenka Cabdisamad Cali Shire ,golayaasha dowladda ,warbaahinta iyo saraakiil ka socota Qaramada Midoobey ayaa dhankooda la filayaa inay ka qaybgalaan munaasibada balaaran.

 

Sida Garowe Online u xaqiijiyeen hawlwadeenada xafladan waxa markii ugu horeysey maanta hawada galaysa Idaacada Puntland oo laga dhageysan doono Mowjadaha gaagaaban ''Short Waves''.

 

Dhanka kale waxa heer gabo gabo ah maraya dhismihii xarunta cusub ee Madaxtoyada Puntland ee Garowe ,waxana shirkii ugu horeyey madaxda Puntland kula yeelatay wafdiga UNOPS oo u yimid arinta warbaahinta iyo garoomada Puntland.

 

Kala soco Garowe Online faahfaahinta iyo sawiradda furitaanka Radio Puntland.

 

One Section of the Presidential Palace

1_28.jpg

 

Radio Puntland

dh_2.jpg

 

 

2_28.jpg

3_28.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

War Deg deg ah Radio Puntland oo hawada la galiyay

 

Wararka naga soo gaaraya xarunta madaxtooyada Puntland ayaa waxay sheegayaan in goor sii horaysan hawada la galiyay idaacada afka xukumada ku hadlaysa ee Radio Puntland.

 

Qofkii ugu horeeyay ee idaacadaasi ka hadlay oo noqoday afhayeenka dowlada Libaax joore oo aan goor dhawayd qadka talleefonka ku waraystay ayaa sharaxaad ka bixiyay habka idaacadu u shaqaynayso,wuxuna sheegay in laga dhagaysan doono Mowjadaha dhexe oo dhererkeedu yahay waana ''Short Waves''.6.160-k-h.13.8-100 k-h.

 

Madaxwaynaha Puntland ayaa lagu wadaa galabtey inuu xariga ka jaro,waxana la socda masuuliyiin ka socota Hay'adda UNOPS iyo masuuliyiin kale.

 

Khudbadaha laga jeedinayo munaasibada xariga looga jarayo idaacada dowlada iyo muuqaal-kaba kala soco www.dunidaonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jacpher   

Why is the government in the business of broadcasting the news? Leave it to the private sector. Unless it wants to bombard the public with Faroole message, it needs not waste the state's resources with this.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Dr.Farole oo furey Radio Puntland kana hadlay

 

10 Apr 10, 2013 - 7:25:01 AM

 

GAROWE ONLINE

 

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxman Shiikh Maxamed Farole ayaa galabta 10 April,2013 furey Idaacada Puntland ''Radio Puntland'' oo markii ugu horeysey hawada gashay gelinkii hore ee maanta lagana dhageysanayo mawjadaha gaagaaban.

 

Madaxweyne ku xigeenka Gen.Cabdisamad Cali Shire ,wasiirka warfaafinta Maxamud Caydiid ,wasiirka Cadaalada Cabdi Khaliif Ajaayo ,xubno ka socdey dowladda talyaaniga iyo hayada UNOPS ayaa ka qaybgalay munaasabad kooban oo loo qabtey furitaanka Idaacada.

 

''Aad bn ugu faraxsanahay inaan furno idaacad aan leenahay oo maslaxada Puntland looga hadlo'' Ayuu yiri Madaxweynuhu oo ka hadlayey furitaankii Radio Puntland.

 

Dowladda Talyaaniga ayaa ku deeqdey ,waxana fuliyey mashruucan hayada UNOPS.

 

Sida ay sheegeen hawlwadeenada Warbaahinta Puntland waxa ku xigi doona furitaanka Telefishinka oo isna bisha soo socota ee May la filayo inuu hawada galo.

 

Dadweynaha Puntland oo mudooyinkii danbe si wayn u sugayey furitaanka warbaahin markii ugu horeysey leed

 

1_29.jpg

2_29.jpg

3_29.jpg

4_23.jpg

5_23.jpg

6_22.jpg

7_21.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this