Sign in to follow this  
Dr_Osman

Puntland Govt To Officially Inaugurate Guardafu State Formerly Known As Ras Casayr

Recommended Posts

Dr_Osman   

War Deg deh ah:- Gobal cusub oo kusoo biiray Gobalada Puntland

 

War hoose oo ay warbaahinta Dunidaonline heshay ayaa waxa uu sheegayaa in Gobal cusub oo la magac baxay Guardafu Caasumadna looga dhigay degmada Caluula lagu kordhiyay 8-da gobal ee Puntland ay ka kooban tahay.

 

Warkaan ayaa lagu jeex jeexay shirka Gollaha wasiirada xukumada Puntland ee Soomaaliyeed oo maanta ku qabsoomay xarunta madaxtooyada,waxana shir gudoon ka ahaa madaxwayne Cabdiraxmaan Shiikh Maxamad Faroole.

 

Gobalkaan cusub oo eray ahaan talyaani ah ayaa waxa uu noqon doono gobalada hoos imaan doono dowlada Puntland,waxana ilaa iyo hada marka laga tago xaruntiisa oo laga dhigay Caluula,isla shirka lagu magaacabay degmo cusub oo la yiraahdo Murcanyo kana tirsan gobalka cusub.

 

Warkaan waxaa Dunidaonline goor dhawayd u sheegay Wasiirka Beeraha iyo waraabka Puntland Eng,Maxamuud Xaaji Saalax oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka danbaysay in gobalkaan cusub la magacabo,waxana sida aanu helayno mustaqbalka Dhow gobalkaasi cusub ku biiri doono degmooyinkaan Baargaal-Xaafuun-Gunbax.

 

Sidoo kale Shirka Gollaha wasiirada Puntland ayaa degmooyin kale oo cusub lagu magacaabay ,Degmooyinka la magacaabay waxaa ka mid ah Ceelaayo-Buuraan oo ka mid noqday Gobalka Haylaan.

 

Sidoo kale Degmo Towfiiq la magac-baxday ayaa lagu kordhiyay Gobalka Mudug.

 

Ilaa iyo hada Dowlada Puntland si rasmi ah uma faahfin degmooyinka iyo Gobalka cusub ee lasoo kordhiyay,balse waxaa lagu wadaa wasiirka warfaafinta Puntland inuu ka hadlayo magacaabista Gobalka Guardafu.

 

Dunidaonline.com

Xafiiska Garowe

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this