Dr_Osman Posted April 4, 2013 Wefdi ka socda Puntland oo tegay magaalada Kismaayo | on April 4, 2013 0 Comments Waxaa maanta ka duuley garoonka diyaaradaha ee caasimadda Puntland Garoowe wefdi heer wasiir ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Daahir Khaliif. Ujeedada socdaalka wefdigan ayaa lagu sheegay in ay tahay taageerada ay Puntland u hayso dhisamaha Jubba Land iyo sidii ay goob joog uga noqon lahaayeen dhalashada maamulkaas. Baarlamaanka Puntland ayaa fadhigoodi shalay ku soo dhaweeyey ansixinta axdiga kumeelgaarka ah ee Jubba Land yeelatey. Dhanka kale waxaa maalintii shalay gaarey magaalada Kismaayo 44 Xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya kuwaas oo muujinaya sida ay u taageersan yihiin in dalku yeesho maamulo a mid ah kan Puntland oo kale maadaama dasturka lagu heshiiyey sidaas dhigaayo. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qabta aragti taas ka duwan isla markaana cod dheer ku sheegtey in waxa shirkaas ka soo abxa aanu sharci noqon doonin. Horseed Media News Desk More like this article Quote Share this post Link to post Share on other sites