Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Siera leon troops arrive in Somalia

Recommended Posts

Ciidamo ka socda Sierra Lione oo maanta Muqdisho soo gaaray

| on April 3, 2013

 

 

433401815_640Ciidamo ka socda dalka Sierra Lione, ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, Ciidamadan ayaa qayb ka noqonaya howlgakla midowga Afrika ee AMISOM.

 

Ciidamadan ka socda dalka Sierra Lione, ayaa lagu wadaa in la geeyo Koofurta Soomaaliya, sida qorshu ahaa waxay ahayd in la geeyo magaalada Kismaayo iyo meelo ka mid ah Gobolka gedo sida horey war-saxaafadeed ay ugu sheegeen AMISOM, waxaase hadda soo baxaya warar sheegaya in ay beddeli doonaan ciidamada Itoobiya ee Gobolka Bay.

 

Daawo Markii ay ka soo duuleen Dalkoodi.

 

Dadka u dhashey dalkaas ciidamadu ka socdaan ayaa tallaabada ciidamadooda loog direy Soomaaliya, ku sheegaya mid aan wanaagsaneyn oo ciidankooda khatar loo horseedayo, ha yeeshee milatariga dalkaasi waxa uu leeyahay “Waxa ay tusaale u tahay kaalintii Caalamka uu ka qaatay, nabad ilaalintii Sierra Lione”.

 

Dadka reer Siera leone, gaar ahaan kuwa ku nool Caasimada dalkaas ee Freetown, ayaa figrado kala duwan ka bixiyay Ciidamadooda loo diray Soomaaliya.

 

“Umaleyn maayo xaq ineey tahay inaan Ciidamo u dirno Soomaaliya, dagaalka iyagaa Soomaaliya bilaabay, dadkaa anigu ma taagersani” sidaa waxaa yiri qof ku nool Caasimada freetown.

 

Mid kalena waxa uu yiri: “Waan taageersanahay Ciidamo in loo diro Soomaaliya, halgan ayay ku jiraan, anagaba markii aan halgameeynay Ciidamo amaanka suga ayaa noola soo diray, oo na badbaadiyay, kuwa yagana waa ineey tagaan Soomaaliya”.

 

Mid kalena waxa uu yiri: “Sidii dagaalada Al-shabaab, iyagana waa la eryan doonaa, anigu kuma faraxsani in dadka yagu halkaas tagaan”.

 

Reer Muqdisho iyo sida ay u arkaan Ciidamada Sierra Leone:

 

Dadka reer Muqdisho, ayaa iyagana si lamid ah dadka Sierra Leone, figrado kala duwan ka dhiibtay ciidamada Sierra leone kasocda, ee maanta soo gaaray Muqdisho, qaar kamid ah dadka ayaa soo dhaweeyay talaabada ay Ciidamadan ku yimaadeen Soomaaliya, iyagoo u arka ineey qayb ka qaadanayaan xoojinta amaanka, halka kuwo kalena ay kasoo hor jeesteen.

 

“Ciidamada Sierra leone, ee imaaday Soomaaliya, gaar ahaan kismaayo, faa’iidada ugu weyn oo ay keeni doonaan waxaa weeye, in ay dheeli tiraan Ciidamada kenya, oo hada dad badan oo Soomaali ah ay aaminsanyihiin ineey koox gooni ah kala shaqaynayaan magaalada Kismaayo, iyo gobolka Jubada Hoose oo dhan” sidaa waxaa qabo qof kamid ah dadka reer Muqdisho.

 

“Ciidamada Sierra Leone, ee maanta Muqdisho soo gaaray, wadanka dhibaato ayay u keeni doonaan, waxaana ka baqayaa in waddanka ay la wareegaan” ayuu yiri Kamaal, oo isna kamid ah reer Muqdisho.

 

Bashka Kuuloow

Muqdisho, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Midowga Afrika oo Soo Dhaweeyey Imaanshaha Ciidamada Sierra leone ee Gudaha Soomaaliya

 

Xuquuqda Qoraalada, sawirada iyo warbixin kasta waxay gaar u tahay Raxanreeb.com (RBC Radio). Lama adeegsan karo, dib looma daabici karo, lama baahin karo ama kambayuutar laguma keydsan karo si toos ah iyo si dadban intuba, haddii aan fasax laga heysan maamulka Raxanreeb.com (RBC Radio). Fadlan hana xadin

 

Muqdisho(RBC Radio) Midowga Afrika ayaa soo dhaweeye ciidamada dalka Sierra leone oo shalay soo gaaray wadanka Soomaaliya gaar ahaan gobolada Jubooyinka wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika Max’ed Saalax Annadif ayaa si diiran usoo dhaweeyey Ciidanka Sierra leone ee soo gaaray Soomaaliya.

 

Max’ed Saalax wakiilka midowga Afrika ayaa u mahad celiyey madaxweynaha dalka Sierra leone oo uu sheegay inuu kaalin weyn ka ciyaaray sidii ciidanka dalkiisa uu ugu soo biirin lahaa hawlgalka AMISOM ee midowga Afrika ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

 

Annadif ayaa sheegay in imaanshaha ciidamada dalka Sierra leone ay qayb libaax leh ka ciyaari doonaan dagaalka qaraar ee lagula jiro alshabaabka dagaalka ka wada dalka Soomaaliya kuwaas oo diidan jiritaanka dowlada Soomaaliya iyo joogitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee taageeraya dowlada Soomaaliya.

 

Wakiilka ayaa intaa ku daray in ciidanka dalka Sierra leone ay dalka Soomaaliya u yimaadeen kadib markii ay ka damqadeen dhibaatada haysata walaalahooda Soomaaliyeed sida uu sheegay,ciidamada dalka Sierra leone ayaa shalay gaaray magaalada Kismaayo kuwaas oo qayb ahaan bedeli doona ciidamada dalka Kenya hada gacanta ku haya magaalada Kismaayo ee xarunta Jubada hoose

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this