Sign in to follow this  
Carafaat

The hidden foreign agenda of Jubbaland revealed (BBC Intervieuw)

Recommended Posts

Carafaat   

BBC: Khilaaf ka taagan shirka Kismaayo

http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_muuqaal/2013/04/130331_khilaafka_kismaayo.shtml

 

Qaar ka mid ah ergooyinka beelaha ka qeybgalaya shirka ka socda magaalada Kismaayo ee la doonayo in maamul loogu sameeyo deegaankaasi ayaa waxa ay sheegeen in aanay ku faraxsaneyn qaabka ay wax u socdaan. Ergooyinka ayaa waxa ay sheegayaan in shirka ay afduubeen maamulka KMG ah ee magaalada Kismaayo, isla markaana tiradii loogu talagalay ee 500 boqol ahayd laga badiyay oo hadda ay kor u dhaafayaan kun qof. Ergooyinkaasi waxaa ka mid ah oo BBC la soo xiriiray Axmed Maxamed Xasan, oo ka mid ah waxgaradka beelaha deegaankaasi.

 

Listen:

http://www.bbc.co.uk/somali/maqal_iyo_muuqaal/2013/04/130331_khilaafka_kismaayo.shtml

Share this post


Link to post
Share on other sites
Carafaat   

Khilaaf ka dhashay qaabka uu u socdo shirka Kismaayo iyo Ergooyin isaga baxay

http://www.jowhar.com/khilaaf-ka-dhashay-qaabka-uu-u-socdo-shirka-kismaayo-iyo-ergooyin-isaga-baxay/

 

 

Qaar ka mid ergooyinka ka qeyb galaya shirka ka socda magaalada Kismaayo ee maamul u sameynta Jubooyinka ayaa shirka isaga baxay, iyagoo sheegay in aanay ku faraxsaneyn qaabka wax u socdaan. Ergooyinka ayaa ku eedeeyay Maamulka KMG ee Kismaayo inay shirka afduubteen, isla markaana tiradii oo lagu tala galay ee 500 eaheyd laga baday, kaasoo hada kor u dhaafaya ilaa kun qof.

 

Axmed Maxamed Xasan oo ka mid ah waxgaradka Beesha **** oo la hadlay laanta afka soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay inay arkaan wax ka bedelan wixii ay filayeen, isla markaana shirka afduub lagu heysto.

 

“Wax ka bedelan wixii aan sugeynay ayaa nooga muuqda, shirka waxaa afduub u heysta Jabhada Raaskambooni, waxaa meesha nooga salaadiinti iyo odayaashi dhaqanka ee deegaanada kuwa la yaqaano ma ahan”ayuu yiri Axmed.

 

Shalay ayaa la sheegay in qaar ka mid ah ergada ay isaga baxeen shirka, kadib markii ay arkeen waxyaabo hareer marsan shirka, iyadoo qaabka shirka u socdo uu u muuqdo mid wax lala ordayo oo kale. Dastuurka uu yeelanayo Maamulka Jubaland oo maalin ka hor la meel mariyay ayaa qodobada ku jira dastuurka uu yahay mid laga soo minguuriyay kan Maamulka Puntland oo la rumeysan yahay in taageerada ugu badan ee dhaqaale uu ku bixinayo shirka Kismaayo.

 

Xukuumada Soomaaliya ayaa mowqif cad iska taagtay shirka Kismaayo, markii todobaadkii hore is mari waa ku dhamaaday wada hadalada u dhaxeeyay wafdigii Ra’iisul Wasaaraha ee tagay Kismaayo iyo Maamulka KMG.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this