Sign in to follow this  
Dr_Osman

New Puntland Ministry Of Agriculture Foundation Stone Laid Down

Recommended Posts

Dr_Osman   

Madaxwayne ku xigeenka Puntland oo dhagax dhigay wasarada beeraha

 

Gen.Cabdisamad Cali Shire Madaxwayne ku xigenka Puntland oo ay weheliyaan qaar ka mid ah shaqalaha wasarada beeraha iyo waraabka ayaa maanta dhagax dhigay xarunta cusub ee ay wasaradaaasi ku yeelanayso duleedka waqooyig ee magalada Garowe

 

Dhigax-dhigaasi ka dib Madaxwayne ku xigeenka oo warbaahinta goobta kula hadlay ayaa sheegay inay farxad tahay in qaar ka mid ah wasaradaha xukumada ay yeeshaan dhul u gaar ah,wuxuna tilmaamay inay muhiim tahay helitaanka xarumo cusub oo ay mulkiyadiisu iska lee yihiin wasaradaha dowlada.

 

Madaxweyne ku xigeenku ayaa sheegay xukumada hada talada haysa inay ku guulaystay in badi wasaaraddaha u dhisto xarumo ay u madax-banaanyihiin, halka uu xukuumadii hore sheegay inay degenaayeen guryo kiro isla markasna ku dhex yaala magalada gudaheeda.

 

Dhinaca kale Wasiirka wasarada beeraha iyo waraabka Dowlada Puntland Mudane Maxamuud Xaaji Saalax ''Biriishkalo'' oo dhankiisa warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay farxad galinayso in uu maanta xarunta cusub ee wasarada beeraha uu dhagax dhigo madaxwayne ku xigeenka Puntland,wuxuna sidoo kale sheegay inay muhiim tahay in wasarada beeraha ay hesho xarun u gooniya.

 

Sidaan oo kale madaxwayne ku xigeenka Puntland dhowaan waxa uu dhagax dhigay xarunta wasarada duulista hawada iyo garaamada,taasoo ku taal isla meesha wasarada beeraha laga dhisayo.

 

Dhegayso Gen. Shire iyo Dhegayso Eng. Saalax

http://dunidaonline.com/index.php?id=9180

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this