Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted April 3, 2013 Col. Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Baay iyo Bakool ee dalka Soomaaliya, islamarkaana horay u soo noqday Wasiir iyo Xildhibaan ayaa xalay ku geeriyooday dalka Jarmalka, halkaasoo in muddo ah uu ku xanuunsanaa. Shaatigaduud wuxuu hogaamiye usoo noqday Jabhadii RRA ee sagaashameeyadii dagaalka kula jirtay maleeshiyaadkii Jen. Ceydiid ee qabsaday magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka tacsiyeeyay Geeridii ku timid Xasan Maxamed Nuur “Shaatigaduud” oo ku geeriyooday dalka Garmalka. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka hadlay warbaahinta dowladda ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaa qoyskii uu ka geeriyooday Shaati gaduud. Prof Xasan Sheekh ayaa sheegay in siyaasiga Shaatigaduud oo in muddo ah ku xanuunsanaa dalka Jarmalka maantane uu u geeriyooday, waxa uuna intaasi raaciyay in meydka marxuumka la keenidoono magaalada Muqdisho si loogu sameeyo aas qaran. Sidoo kale madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in ay cafiyaan Marxuum Xasan Maxamed Nuur, waxa uuna ALLA uga baryay in uu janadii fardowso ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka geeriyoodayne samir iyo iimaan ka siiyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa tacsi u diray Allaha u naxariistee Siyaasiga Xasan Maxamed Nuur (Shaati Gaduud) oo xalay ku geeriyooday dalka Jarmalka. Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa yiri “INAA LILAAHI WA INAA ILEEYHI RAAJICUUN, waxaa saakay nasoo gaartay inuu xalay gelinkii dambe ku geeriyooday isbitaal ku yaala dalka Jarmalka siyaasiga Xasan Maxamed Nuur (Shaatigaduud) runtii waa geeri naxdin leh” Siyaasiga Col. Shaatigaduud ayaan sanadihii dambe ka muuqan siyaasadda Soomaaliya, isagoo qabay xanuun muddo hayey oo markii dambe uu u geeriyooda. Xigasho Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted April 3, 2013 Aamiin Allaha u naxariisto Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tallaabo Posted April 3, 2013 Aamiin. Smair iyo iimaan Alle haka siiyo ehelkiisana Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted April 3, 2013 Allah ha u naxariisto Quote Share this post Link to post Share on other sites
Khadafi Posted April 3, 2013 Ilaahay ha u naxariisto Quote Share this post Link to post Share on other sites
Wiil Cusub Posted April 3, 2013 Alle ha u naxariisto Quote Share this post Link to post Share on other sites
Somalia Posted April 4, 2013 Ilaahi haa uu naxariisto. Quote Share this post Link to post Share on other sites