Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Prime Minister saacid farax of Somalia,Kismayo conference is still unconstitutional.

Recommended Posts

Dowlada Soomaaliya oo markale ku celisay mowqifka ay ka taagantahay shirka Jubaland

| on April 3, 2013

0

Comments R/wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon, ayaa sheegay in doowlada ay horay u caddeysay mowqifka ay ka taagantahay shirka kasoconaya Kismaayo.

 

R/wasaaraha ayaa sheegay in shirkaasi looga baahanyahay in la waafajiyo dastuurka dalka u degsan, doowladana ay raali ka noqoto.

 

“..Shirka ka socda Jaamacada Kismaayo, shirkaas waxa aan ka qabno oo cad baanu u sheegnay, markaan Xamar kusoo laabtay waxaan qabtay shir jaraa’id, oo aan ku qeexayo waxa ay doowlada Soomaaliya ka qabto, hada kahorna markuu bilaawday waxaan si cad u sheegay mowqifka doowlada kaga aadan…” ayuu yiri R/wasaaraha.

 

R/wasaaraha ayaa dhanka kale sheegay in doowlada ay ku baaqday in shirka Kismaayo laga dhigo laba waji, wajiga koowaad oo ah in shirka laga dhigo dib u heshiisiin, iyo wajiga labaad oo ah maamulkii in la sameeyo.

 

R/wasaaraha waxa uu sheegay in masuuliyiinta Kismaayo ay ka codsadeen doowlada in waqti lasiiyo, doowladana ay siisay mudo 20 maalmood ah, taasna ay wali dhamaan.

“Mudo kooban oo ay naga codsadeen baanu siinay, oo ay kusoo fikiraan” ayuu yiri R/wasaaraha.

 

Shalay ayay ahayd markii Ergada ka qaybgalaysa shirka Kismaayo ay Ansixiyeen dastuurka uu ku shaqaynayo maamulka Jubaland ee la doonayo in loo sameeyo gobolada Jubooyinka iyo Gedo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this