Sign in to follow this  
MoonLight1

When Saacid met Siyaad.

Recommended Posts

IMG_5883-2.jpg

SAM_1157-2.jpg

SAM_1149-2.jpg

SAM_1194-2.jpg

 

 

Raysalwasaare Saacid oo booqdey qabrigii Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo ku aasan Garbahaarey

 

March 31, 2013

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayna ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Gaashaandhiga, xildhibaano iyo saraakiil kale ayaa maanta si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo.

 

Wafdiga ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey boqolaal dadweyne ah kuwaasoo sitay sawirada Ra’iisal Wasaaraha, waxayna ku qeylinayeen soo dhowaada Jaallayaal, iyaga oo lulalayay caleemo qoyan.

 

Ra’iisal Wasaaraha ayaa markii uu gaaray magaalada Garbahaarey waxa uu durbadiiba guda galay kulamo uu la qaadanayo maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada si uu ugu kuurgalo xaaladda dhabta ah ee degaanadan.

 

Odayaasha dhaqanka magaalada ayaa Xukuumada ka codsaday in laga garab siiyo dhanka amniga, gaara ahaana sidii looga sifeyn lahaa kooxaha nabadiidka ah degaanada gobolka Gedo ee weli gacantooda ku jira. sidoo kale odayaasha ayaa Ra’iisal Wasaaraha u cadeeyay in aysan wax lug ah ku laheyn shirka Kismaayo ka socda, cid reer Gedo ahna aaney ka qeybgalin.

 

Odayaasha ayaa sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa u xaqiijiyay inay diyaar la yihiin inay ku wareejiyaan hantidii dawladda iyo xarumihii ay dawladdu laheyd, si loogu adeego bulshada.

 

Dhanka kale, Ra’iisal Wasaaraha iyo xubno ka tirsan wafdigiisa ayaa galabta soo booqday qabriga madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre, waxayna halkaasi ku dul aqriyeen Iqlaas, iyaga oo u duceeyey.

 

Ugu dambeyntiina, Ra’iisal Wasaare Saacid ayaa ducada kadib, alle uga baryay inuu u dambi dhaafo “Wixii uu qabtay runtii waa wax muuqda, illaaheyna dembi dhaaf ayaan uga baryeynaa” ayuu yiri.

horseedmedia.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this