Sign in to follow this  
malistar2012

Shirweyne Qaran oo looga Tashanayo dib u Habeynta hay'adaha Garsoorka oo lagu qaban doono Magaalada

Recommended Posts

Wufuudda ka qeybgalaysa shirweynaha Qaran ee ay Dowladda Soomaaliya ku dhawaaqday in loo qaban doono dib u habeynta Garsoorka Dalka ayaa kusoo qul quleysa magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka.

 

Wufuuddii ugu dambeysay ee ka mid ah xubnaha ka qeybgalaya shirweynaha Dib u habeynta Garsoorka Dalka ee soo gaarta magaalada Muqdisho ayaa waxey ahaayeen wafdi ka socda maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa waxey gelinkii dambe ee maanta kasoo degeen garoonka diyaaradaha Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.

 

Wafdigan ka socday maamulka Puntland ayaa waxaa hogaaminayey General Yuusuf Axmed Kheyr Wasiirudowlaha Sharciga Puntland ayadoo wafdiganna uu ka koobnaa 35 xubnood oo ay ku jiraan qareenno iyo garsoorayaal waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyey Wasiir ku xigeennada Wasaaradda Garsoorka iyo Cadaalladda.

 

General Yuusuf Axmed Kheyr oo wafdigan hogaaminayey ayaa saxaafadda u sheegay iney aad ugu faraxsanyihiin sida loosoo dhaweeyey iyo in lagu casuumay ka qeybgalka shirweynaha dib u habeynta Dastuurka Dalka.

 

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Garsoorka,Cadaalladda,Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed Jimcaale oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in intabadan ergada ka qeybgalaysa shirweynahan ay yimaadeen magaalada Muqdisho.

 

Maalinnimada berri ah ayaa la filayaa in shirkan uu ka furmo magaalada Muqdisho ayadoo shirweynahan dib u habeynta Garsoorka Dalka oo horey ay Dowladda Federaalka ugu dhawaaqday la filayo inuu si rasmi ah u furo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya oo si rasmi ah u furay shirweyne looga tashanayo dib u habeynta Garsoorka Dalka

 

Isniin, Abriil 01, 2013 (HOL) — Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u furay goor-dhaweyd shirweynaha dib u habeynta garsoorka dalka oo socon doona muddo shan maalmood ah, kaasoo looga hadlayo sida ugu habboon ee garsoorka loogu kalsoonaan karo.

 

Xasan Sheekh ayaa khudbad uu meesha ka jeediyay wuxuu sheegay in ujeeddada shirkan loo qabanayo ay tahay in la helo fikrado ku saabsan sidii garsoorka dalka uu u noqon lahaa mid dadka Soomaaliyeed oo ah kalsooni buuxda ku qabaan.

 

“Waxaan doonaynaa in shirkan ay kasoo baxaan qodobbo sababi kara in garsoorka dalka lagu kalsoonaado, waayo garsoorka waa halka uu aadi lahaa qofka cabashada qaba, waxaana loo baahan yahay inuu noqdo mid kalsooni buuxda lagu qabi karo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

 

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay in dhaqaalaha shirka ku baxaya uu yahay mid ay bixinayso dowladda Soomaaliya oo aan meel kale ka imaan isagoo sheegay xusay in ujeeddaduna ay tahay inay kasoo baxaan shirkan wax ay Soomaalidu leedahay.

 

 

 

“Haddii aan innagu wax qabsanno ayaa caalamka dhihi karnaa waxaas ayaa naga dhiman ee ha naloogu daro, balse marka hore waa inaan innagu isku tashanno,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh.

 

Madaxweyne Xasan ayaa khudbadiisa ku sheegay in ergada ka qayb-galaya kulanka ay oo tiradoodu tahay 150 looga baahan yahay inay soo saaraan qodobbo muhiim ah oo ah qaabka ugu habboon ee wax looga bedeli karo garsoorka.

 

“Dowladihii dalka soo maray garsoorkoodu wuxuu ahaa mid aan fadhin, balse innagu waxaan doonaynaa in garsoorkeenna aan sal u yeelno, kana dhigno mid ay shacabka Soomaaliyeed oo dhan ku qanacsan yihiin,” ayuu ku yiri madaxweynuhu khudbaddiisa.

 

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in shirarka noocan oo kale ah sii socon doonaan si jilbaha loogu dhigo howlaha xukuumadda, garsoorkuna uu u noqdo mid dadka oo dhan ay ku qanacsan yihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia’s first conference on judicial reforms was launched in Mogadishu, which was one of the key priorities of president Hassan Shiekh Mohamud since he was elected on September last year.

He pledged to restructure the country’s institutions including the judicial system.

In his launching speech, president Hassan has urged participants to come up with concrete recommendations that can take the country into another level of judicial reliance.

 

“The intention of this meeting is to restore the confidence of the Somali people in their judicial system, Judicial system in our country was neglected by previous governments, but it will be a key priority in my government” said the president in his opening remarks.

According to the government this conference will address on key judicial reforms including: “Addressing obstacles the Supreme Court faces, the reformation and development of high court institutions, restoring back law abiding citizenship in the regions under the federal government and ensuring the courts ruled according to the new constitution”.

 

The five day meeting is attended by judges, law experts, human rights activists, Islamic scholars and civil society members.

 

 

Ahmed Abdisamad,

asamad@hiiraan.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

The intention of this meeting is to restore the confidence of the Somali people in their judicial system, Judicial system in our country was neglected by previous governments, but it will be a key priority in my government” said the president in his opening remarks.

 

 

The five day meeting is attended by judges, law experts, human rights activists, Islamic scholars and civil society members.

 

 

God Bless this admin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta furay shirweynaha qaran ee ka wada tashiga dib u habeynta Garsoorka dalka, isagoo khudbad xasaasi ah oo dhinacyo badan taabaneysay uu ka jeediyay.

 

Shirweynahan oo ah kii u horeeyay noociisa oo ay dowladda Soomaaliya qabato ayaa waxaa ka qeyb galaya Wakiillo ka socday Maamullada Gobollada Dalka,Gar-yaqaanno,Aqqoonyahanno iyo Culumaa’udiin ka kala yimid Gudaha iyo Dibadda Dalka.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay furitaanka shirka, isagoo sheegay in shirkan uu aas aas u yahay sidii dadka Soomaaliyeed ay ugu kalsoonaan lahaayeen Garsoorka wadanka, maadaama ay cabasho badan horay uga keeneen Muwaadiniin Soomaaliyeed kuwaasoo ay sabab u yihiin daruufaha uu xilligaan wadanka ku suganyahay.

 

 

 

Madaxweynaha ayaa xusay in shirkan uu sidoo kale qeyb ka yahay 15 Shirweyne Qaran oo ay Dowladdu dooneyso inay ku qabato gudaha dalka, isagoo intaasi ku daray in waxyaabaha laga soo saaro Shirkan ay Dowladdu ka go’antahay diyaarna u tahay inay Dhaqangeliso maadaama ay soo saareen Wakiillo matalaya Guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.

 

“Dowladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an in ay Dalka ka hirgeliso Garsoor Dhab ah oo qaabeysan iyo Siyaasad Deggan si ay Ummadda Soomaaliyeed ugu dhiiradaan inaysan gorgortan ka gelin waxa ay xaq u leeyihiin una adeegsadaan Sharciga” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

 

 

 

Madaxweynaha oo khudbaddiisa sii wata ayaa ka codsaday ka qeybgaleyaasha Shirweynaha inay booqdaan inta uu socdo Shirweynahan Goobaha ay ku shaqeeyaan hay’adaha Garsoorka iyo caddaalladda u qaabilsan Soomaaliya gaar ahaan Maxkamadaha,Xabsiga Dhexe iyo Saldhigyada Ciidamada Booliska Soomaaliyeed si ay u helaan Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan.

 

“Inta Muwaadin Soomaaliyed hantidiisa la heysto, Gurigiisa la heysto, beertiis la heysto Soomaaliya ma dageyso, waa in laga shaqeeya sidii la isku celin lahaa hantida la kala heysto”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

 

Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la isku celiyo hantida la kala qaatay, isagoo sheegay in wixii ka dambeeyay 26-kii Janaayo 1991-dii wixii Hanti dowlad ay laheyd ee la bixiyay aan waxba ka jirin, isla markaana hantida dowladda dib loo soo celiyo.

 

Sidoo kale Masuuliyiintii ka hadashay Furitaanka Shirweynaha oo ay kamid ahaayeen Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka Ceydiid Ilkaxanaf,Wasiirka Garsoorka ,arrimaha Diinta iyo Awqaafta C/llaahi abyen Nuur, Duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Tarzan iyo Wasiiru Dowlaha cadaaladda Puntland Yuusuf Axmed Kheyr ayaa uga Mahadceliyay Madaxweynaha Somalia Go’aanka iyo Fikirka muhiimka ah uu qaatay ee ah in la qabto Shirweyne Heer Qaran ah oo looga arrinsanayo Dib u habeynta Garsoorka Somalia.

 

 

 

Sidoo kale waxaa Galabta madasha uu shirka ka socdo lagu soo bandhigay Taariikhda iyo Maraxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray Garsoorka Soomaaliya,iyadoo masuuliyiintii ka hadashay ay kamid ahaayeen Sh. Bashiir Axmed Salad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed iyo Prof.C/Wahaab oo kamid ah Xubnaha Guddiga Heerka Qaran ee Qabanqaabada Shirweynaha looga tashanayo Garsoorka.

 

Shirweynaha oo socon doona Ilaa 5-April ayaa waxaa qarashaadka ku baxaya bixinaysa Xukuumadda Soomaaliya iyadoo wax kaalmo ah ka heleynin Dowlado Shisheeye ama hay’ado caalami ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Muqdisho-02-April-2013..Shirweynaha Qaran ee wadatashiga Garsoorka Soomaaliya oo maalintii Labaad si toos ah uga socda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeybgalay Afheyeenka Golaha Shacbiga Soomaaliyeed Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Abuukaatee Ceydiid Ilkaxanaf, Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Dhammaan Ergada mataleysa dadka Soomaaliyeed ee Shirka lagu casuumay.

 

Ugu horeyntii waxaa Khudbad ku saabsan Kaalinta Baarlamanka Soomaaliyeed kaga aaddan Garsoorka ka jeediyay Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari Afheyeenka Baarlamanka oo ku tilmaamay Shirkani mid aad ugu muhiimsan aayaha Garsoorka Ummadda isagoo rajo wanaagsan ka muujiyay in Shirkan ay kasoo bixi doonaan qodobbo Dhaxal gal ah oo Shacbiga Soomaaliyeed heli doonaan Garsoor cadaalad ku dhisan.

 

“Waxaa aad muhiim u ah inaan dhammaanteen isla garanno in Garsoorka madax bannaanyahay, Sharcigana uu yahay saldhigga Awoodda Dowladda sidaas darteed waxaan talo kusoo jeedinayaa in lasoo uruuriyo Dhammaan Shuruucdii wadanka si loo helo Keyd Sharci oo ay ku cadyihiin Qodobbada Garsoorka”. Ayuu yiri Guddoomiyaha Golaha Baarlamanka Soomaaliya intii uu ku guda jiray Khudbaddii uu ka jeedinayay Xarunta uu Shirku ka socdo.

 

Sidoo kale Guddoomiyaha Maxkmadda sare ee dalka Abuukaate Ceydiid Ilkaxanaf oo ka hadlay Kulanka ayaa xusay in Garsooraha Soomaaliyeed uu u baahanyahay inuu helo Amni iyo Dhaqaale ku filan si uu cadaalad ugu sameeyo Ummadda.

 

Waxa uu intaasi ku daray Guddoomiyuhu in Xabsiyada qaarkood ay xilligaan ku jiraan Dad xiran Todobaad, Bilooyin iyo sanado kuwaas oo aanan weli la horkeenin maxkmad loona baahanyahay in wax laga qabto.

 

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka C/qaadir Maxamed ayaa xusay in mararka qaar ay saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka sida ee Somalia Soo xiraan dad aan dambi laheyn kadibna ay iyagu xabsiyada kasii daayaan Shakhsiyaadka ay rabaan iyagoo wax maxkmad ah soo marsiin ,sidaas awgeedna ay muhiim tahay in si qoto dheer looga fiirsado awoodda uu yeelanayo Garsoorka Somalia.

 

Afarta Guddi ee loo qeybiyay ergada ka qeybgaleysa Shirweynaha ayaa loo kala xilsaaray afar qodob oo muhiim ah kuwaasoo kala ah Dhismaha hay’adaha Caddaaladda ,Helitaanka Caddaaladda iyo Qodobbada Muwaadinka Soomaaliyeed ka hortaagan inuu helo caddaalad ,Kaalinta Ciidamada Booliska iyo Asluubta kaga aaddan Maxaabiista ku jirta Xabsiyada iyo Xiriirka ay la leeyihiin Muwaadiniinta,Jinsiyadda iyo Nidaamka cadaaladda iyo saameynta ay ku leeyihiin Naafad iyo caruurta.

 

Tala soo jeedinta guddiyadan ayaa la filayaa inay soo gudbiyaan Maalin kadib oo lagu ballansanyahay in si saraaxad leh looga doodo.

 

DHAMMAAD.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this