Sign in to follow this  
Carafaat

Latest updates on the war with clan federalism

Recommended Posts

Carafaat   

Ciidamo Milatery ah oo maanta Lagu daadiyay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose

Kismaayo24 News:

 

Boqolaal ka tirsan Milateriga Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu arkayay dariiqayada waa weyn ee magaalada marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Guddoomiyaha Cusub ee Maamulka Marka Maxamed Cusmaan cali Yariisoow oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Ciidamadaasu ay ka tirsan Milateriga Dawladda federaalka Soomaaliya isla markaana ay sugayaan ammaanka guud ee Magaalada Marka.

 

Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in Ciidamadaasu isagu shakhsi ahaan u dlabay si ay wax uga qabtaan Xiisado la sheegay in maalmihii u danbeeyay ay ka jireen Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaana Magaalada Marka.

 

Yariiso ayaa farta ku fiiqay in ciidamadanu aanay wax dhibaata ah u gaysan doonin shacabka isla markaana ay yihiin Ciidamo Rasmi ah kuwaasoo ujeedka ay halkaa u joogaan ay tahay oo keliya sugidda ammaanka magaalada.

 

Arrimahan ayaa waxa ay imaanayaan xilli muddooyinkii danbe Magaalada marka ay ka jirtay amni darro iyo dagaalo u dhaxeeyay Askar ka wada tirsan Ciidamada dawladda oo markii danbe isu bedelay qaab beeleed taasoo ugu danbayntiina keentay in xilka laga qaado maamulkii Magaalada Marka.

 

Shacabka ku dhaqan magaalada marka ayaa maanta soo dhaweeyay Ciidamadan ka Tirsan Milateriga Dawladda iyadoona lagu xoojiyay Ciidamo aan sidaa u badneen oo hore uga hawl galayay magaalada marka kuwaas oo ka tirsan Ciidamada Boliiska iyo kuwa Nabad Sugidda

 

Si kastaba Xaalad degganaansho ayaa iminka ka jirta Magaalada Marka in kastoo weli aan xal kama danbays ah laga gaarin Khilaafkii u dhaxeeyay Maamulkii hore iyadoo Guddoomiyihii Degmada Marka oo goor sii horeysey hadlayna uu sheegay inuu isagu yahay Guddoomiyaha sharciga ah ee magaalada marko.

 

Xafiiska war qabadka kismaayo 24 ee Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Axad, Maarso 31, 2013 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayna ka mid yihiin: wasiirada arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga, xildhibaanno iyo saraakiil kale ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey.

 

Wafdiga ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyey boqolaal dadweyne ah kuwaasoo sitay sawirrada ra'iisul wasaaraha, waxayna ku qaylinayeen erayo ay ka mid yihiin ‘Soo dhawaada jaallayaal’ iyaga oo lulalayay caleemo qoyan iyo calanka Soomaaliya.

 

Mudane Saacid ayaa durbadiiba kluammo la qaatayy maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kale ee bulshada si uu ugu kuur-galo xaaladda dhabta ah ee deegaannadaas.

 

Odayaasha dhaqanka magaalada ayaa xukuumada ka codsaday in laga garab-siiyo dhanka amniga, gaara ahaana sidii looga sifeyn lahaa Al-shabaab degaannada gobolka Gedo ee weli gacantooda ku jira. Sidoo kale odayaasha ayaa ra'iisul wasaaraha u caddeeyay inaysan wax lug ah ku lahayn shirka Kismaayo ka socda, cid reer Gedo ahna aanay ka qaybgalin.

 

Odayaasha ayaa sidoo kale ra'iisal wasaaraha iyo wafdigiisa u xaqiijiyay inay diyaar la yihiin inay ku wareejiyaan hantidii dowladda iyo xarumaheedii si loogu adeego bulshada.

 

Dhanka kale, ra'iisal wasaaraha iyo xubno ka tirsan wafdigiisa ayaa galabta booqday qabriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Marxuum Maxamed Siyaad Barre, iyagoo u duceeyay.

 

Ugu dambeyn, ra'iisul wasaare Saacid ayaa ducada kaddib Alle uga baryay inuu u dambi dhaafo "Wixii uu qabtay runtii waa wax muuqda, Illaaheyna dembi dhaaf ayaan uga baryeynaa," ayuu yiri Saacid.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odayaasha dhaqanka magaalada ayaa xukuumada ka codsaday in laga garab-siiyo dhanka amniga, gaara ahaana sidii looga sifeyn lahaa Al-shabaab degaannada gobolka Gedo ee weli gacantooda ku jira. Sidoo kale odayaasha ayaa ra'iisul wasaaraha u caddeeyay inaysan wax lug ah ku lahayn shirka Kismaayo ka socda, cid reer Gedo ahna aanay ka qaybgalin.

 

Garbahaarey%2009.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this