oba hiloowlow Posted March 30, 2013 Ra’iisal Wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray xarunta gobolka Sh/dhexe ee Jowhar. Wafdiga oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed,wasiirka gaashaandhiga Cabdixakiin Fiqi,wasiir ku xigeenka Maaliyada Abuukar Shiikh Cabdi iyo xildhibaano ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa safarkoodu uu ahaa mid lugta ah iyagoo markii ay soo marayeen degmada Balcad ay kula hadleen shacab faro badan oo isugu soo baxay soo dhoweyntooda. Wafdiga ayaa waxaa la geeyay beer ay ku yaalaan geed miroodka cambaha iyo seytuunka halkaas oo kooxo kala duwan ay ku soo bandhigeen ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka waxaana lagu wadaa in dhowaan uu Ra’iisal wasaaraha uu kula hadlo boqolaal ruux oo ku sugan beerta lagu soo dhoweeyey.Waxaana ra’iisal wasaaraha hakaa uu ku cabay caano geel oo markaas la soo lisay isaga iyo wafdigiisa, Qudbada uu Ra’iisal wasaaraha ka jeediyo beerta waxaad uga bogan doontaan Jowhar.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted March 30, 2013 Pm shirdon is doing great job. This man is a grassroots wadani he lives breath dawladnimo tolka Gedo are known to produce great leaders Quote Share this post Link to post Share on other sites