Saalax Posted March 27, 2013 Xoogaga Al Shabaab oo weeraray degmada Afmadow Waxaa habeenimadii Talaadada ee soo galeysay Arbacada weerar lagu qaaday magaalada Afmadow ee gobalka Jubbada Hoose, weerarkaasi oo ay sheegteen inay ka danbeeyeen Xoogaga Al Shabaab. Weerarkan xalay magaalada ka dhacay ayaa la sheegay in maleeshiyaadka Al Shabaab kusoo duuleen magaalada iyagoo kasoo galay dhinaca Bariga magaalada iyo waliba dhanka wadada ka timaada magaalada Buaale. Dagaal muddo hal saac ah magaalada ka socday ayey xoogaga Al shabaab dib uga baxeen magaalada, weerarka ayaa xoogiisa ka dhacay nawaaxiga xarunta ciidamada amaanka ee magaalada Afmadow oo ay ku sugnaayeen ciidamada Soomaalida iyo kuwa AMISOM ee dalka Kenya. Illaa iyo hada macada khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray, walow la sheegayo in labada dhinac dhimasho iyo dhaawac ay soo kala gaareen. Xaalada magaalada Afdamow ayaa maanta degen. Xoogaga weerarka ku qaaday Afmadow ee Al Shabaab ayaa la rumeysan yahay inay ka kala yimaadeen magaalooyinka Bu’aale ee gobalka Jubbada Dhexe iyo dhinaca magaalada Jilib. Weerarkan ayaa lagu beegay wakhti uu xalay ku hoyday magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbada Hoose Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon oo ah hogaamiyihii ugu horeeyey ee Dowlada Federaalka oo booqasho ku taga Kismaayo, tan iyo intii la dhisay Dowlada Federaalka Soomaaliya. Horseed Media News Desk Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted March 27, 2013 http://horseedmedia.net/2013/03/27/xoogaga-al-shabaab-oo-weeraray-degmada-afmadow/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted March 27, 2013 They have been roundly defeated. Afmadow, it seems, is not Hudur. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abu-wehliye Posted March 28, 2013 al-Shabaab mar hadeey Kismaayo difaaci weydey wax ay tari karaayaan ayaan la arag ee mar dhow wadankoo idil ayaa laga saari doonaa Ilaahey haduu yiraahdo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
The Zack Posted March 28, 2013 That was three days ago by thw way. Quote Share this post Link to post Share on other sites