Sign in to follow this  
Dr_Osman

Bossaso A Ku Dayo Moment In PICS

Recommended Posts

Dr_Osman   

Ganacsade Cabdullaahi Shiikh Oo Sameeyey Waddo Bulshada Magaaladda Boosaaso si weyn Ugu Baahnaayeen[sawirro+Dhageyso]

Comments (8) | Write Comment

 

Wadada Ganacsade Cabdullaahi Shiikh Sameeyey

 

Boosaaso[RBC Radio] Ganacsade Cabdullaahi Shiikh oo kamid ah Shakhsiyaadka magaca ku leh Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in Waddo dhererkeedu gaarayo ku dhawaad 130-M ka sameeyey gudaha magaaladda Boosaaso gaar ahaan Xaruntiisa Ganacsi ee XALWO KISMAAYO.

 

Munaasabad ballaaran oo Xariga looga Jaraayey laguna qabtay Xalwo Kismaayo ayaa,waxaa kasoo qaybgalay Maamulka degmada,Ganacsato,Aqoonyahan iyo marti sharaf kale,waxaana amaan ay dhamaantood ugu soo Jeediyeen Ganacsade Cabdullaahi Shiikh talaabada horumarka leh ee u qaaday.

 

Ganacsade Cabdullaahi Shiikh oo ka hadlay furitaanka Wadadaas oo loogu magacdaray XALWO KISMAAYO ayaa sheegay in sameynteeda ay ku kaliftay markey arkeen baahida bulshada ku dhaqan magaaladda Boosaaso u qabaan in ay helaan Wadooyin.

 

…”"” Wadadaas sameynteeda,waxaa nagu khasbay markaan aragnay baahida ay u qabeen bulshada magaaladda Boosaaso in Wadooyin loo sameeyo…”"”ayuu yiri Xaaji Cabdullaahi Shiikh.

 

Wuxuu intaas ku daray Xaaji Cabdullaahi iney Wanaagsantahay in wax lagu farxo bulshaduna faa’ido u leh in Wadooyin la sameeyo si bilicda iyo horumarka deegaanka uga qeybqaadato..

 

..”"Waxaan u aragnay arin muhiim ah magaaladu hadey noqon lahayd bilicdeeda,ajar iyo Xasanaadna wey leedahay koley Wadooyinka haddii la sameeyo,waxa fiicana haddii lagu daydo waa wax aad u Wanaagsan….”"”ayuu yiri.

 

Wuxuu kaloo Yiri….“”"”Waxaan ku faraxsanahay Wadada culeyska naga saarnaa iyo hawshii aan lasoo marnay maanta waxaynu Joognaa gabagabadeedii,waxaa inoo muuqanaya marka mirihii kasoo baxay iyo Muuqaalkeedii wanaagsanaa…”"ayuu yiri.

 

Xaaji Cabdullaahi Shiikh ayaa sheegay in uu u mahadcelinaayo Dawladda hoose ee magaaladda Boosaaso sida ay uga qeybqaateen sameynta Wadadaan cusub isla markaana ay si laba Jibaaraan dadaalkooda.

 

Bulshada ku dhaqan Puntland gaar ahaana magaaladda Boosaaso ayuu ku booriyey iney wax qabsan karaan,iskuna tashadaan isla markaana aysan waxba ka sugin maamulka kaliya.

 

…”"Bulshada,waxaan usoo Jeedinayaa in wax kastaba la qabsan karo ee aan la isku haleyn maamulka kaliya,waxna laga sugin,bulshadana waxaan filayaa hadey isku duubnaato in nin walba wixiisa qabsan karo haddii ALLE idmo…”"ayuu yiri.

 

Xaajigu waa Shakhsi ku dayasho mudan!!

 

Madaxa Suuqgeynta Shirkadda Golis Cabdirixmaan Cabdullaahi Jaamac “Dayax””oo afka Ganacsatada ku hadlaayey ayaa sheegay in Xaaji Cabdullaahi Shiikh yahay Ganacsade ku dayasho mudan lagagana dayan doono qurxinta Wado kamid ah Wadooyinka Boosaaso.

 

Madaxa Suuqgeynta Shirkadda GolisCabdirixmaan Cabdullaahi Jaamac “Dayax””oo afka Ganacsatada ku hadlaayey

 

…”"” Wadadaaan waxay leedahay qiimo weyn oo ah in Cabdullaahi Shiikh maanta uu noqday mid ku dayasho mudan oo lagaga dayanayo Isku day inuu qurxiyey Wado kamid ah Wadooyinka Boosaaso,Anigoo ku hadlaaya afka Ganacasatada,waan soo dhaweyneynaa,u hambalyeyneynaa…”"”ayuu yiri.

 

 

Maama Afrika oo afka Haweenka ku hadashay ayaa ku amaantay Ganacsadaha sameeyey Wadada in uu yahay Halgamaa aysan jiri ganacsade tiigsan kara,waxayna intaas ku dartay in lagu daydo waxna laga qabto dalka.

 

 

Kuxigeenka Duqa degmada Boosaaso Siciid Cabdirixmaan Maxamed oo Xariga ka jaray Wadada Xalwo Kismaayo ayaa ku tilmaamay Ganacsade Cabdullaahi Shiikh in uu yahay Shakhsigii ugu horeeyey oo Boosaaso ku dhiirada in Wado uu sameeyo.wuxuuna Ganacsatada kalena uga baaqay iney deydaan dhiirigelintaas.

 

 

Cismaan Turaabi

RBC Radio

Xafiiska Boosaaso

 

0863.jpg

01201.jpg

011101.jpg

02124.jpg

04109.jpg

0772.jpg

0689.jpg

01048.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dr_Osman   

Isbitaalka Bosaso oo ay ka socoto Qaliinka Caruurta Faruuran (Sawiro&Dhageyso)

 

March 25, 2013

 

Isbitaalka Guud ee magaalada Bosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa waxaa ka bilowday qaliin caafimaad oo lagu sameenayo caruurta faruuran.Dhakhaatiirta iyo shaqaalaha caafimaad ee qaliinka fulineysa ayaa ka yimid dalka Kenya kuwaasi oo gaaraya 16 xubnood.

 

Dhakhaatiirtan ayaa sidoo kale qaliino kale u fidin doona dadka ku dhaqan magaalada Bosaaso, iyagoo sidoo kale ku takhasusay qaliinada kale sida burada iyo kilyaha.

 

Dhakhaatiirtan ayaa ku sugnaan doona magaalada Bosaaso illaa 2da bisha April inta ay magaalada ku sugan yihiina sii wadi doonaan hawlahan caafimaadka.

 

Waalidiinta caruurta Qaliinka lagu sameeyey ayaa aad usoo dhaweeyey mashruucan caafimaadka ee wax loogu qabanayo caruurta faruuran.

 

Horseed Media

News Desk

 

QaliinkaIsbitaalkaBosaso25Mar13-8.jpg

QaliinkaIsbitaalkaBosaso25Mar13-7.jpg

QaliinkaIsbitaalkaBosaso25Mar13-6.jpg

QaliinkaIsbitaalkaBosaso25Mar13-5.jpg

QaliinkaIsbitaalkaBosaso25Mar13-2.jpg

Maamulaha-Isbitaalka-Boosaaso-Maxamed-Ti

Mid-kamid-ah-Waalidiinta-ka-faaideystay-

QaliinkaIsbitaalkaBosaso25Mar13-1.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this