Liibaan Posted March 27, 2013 Hiiraan Online: Ardayda Dugsiyada Sare Iyo Dhaxe ee Khatumo State oo Diyaar Garoobaya Imtixaanaadka Shahaadiga Sanadkii Labaad Talaado, Maarso 26, 2013 (HOL) — Munaasabad looga hadlay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo kuwa dhexe ee maamulka Khaatumo ayaa lagu qabatay magaalada Buuhoodle ee gogolka Cayn, iyadoo halkaas laga sheegay inaanay dhici doonin imtixaanno maamullo kale wadaan in laga qaado ardayda qalin-jebinta u diyaarsan. Munaasabaddan oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda arrimaha bulshada ee maamulka Khaatumo ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka socday bahda waxbarashadda, ardayda dhigta dugsiyada sare, waaliddiin iyo dadweyne, iyadoo looga digay Maamulada Somaliland iyo Puntland inay imtixaanaad u soo diraan deegaannada maamulka Khaatumo ka arimiyo. Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha bulshada, C/fataax Cismaan Dhalac oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in sanad-dugsiyeedkii lasoo dhaafay uu ku ahaa mid si fiican loogu guulaystay imtixaankii u horreeyay ee Khaatumo qaadday, isla markaana shahaadooyinkii ardayda dugsiyada sare intoodii badnayd lasoo gaarsiiyey, midka soo socdana uu k wanaagsanaan doono. Dhalac wuxuu intaas ku daray inay gobolka Cayn u magcaabeen isu-duwaha wasaaradda arrimaha bulshada, Bashiir Cali Neebi, isagoo xusay in imtixaanaadka shahaadiga ah lagu qaban-doono deegaannada Buuhoodle, Taleex iyo Xuddun. Guddoomiyaha degmadda Buuhoodle ee Khaatumo, C/casiis Ducaale Qanbi oo munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in magaalada Buuhoodle ay diyaar u tahay soo dhaweynta iyo dejinta ardayda ka imaanaysa deegaanada ka baxsan. Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, Yaasiin Axmed Sulub ayaa wuxuu isaguna digniin u soo jeediyay maamullada dhinacyadda ka xiga isagoo intaa ku daray inay imtixaanno u soo diri karin deegannada ay ka taliso Khaatumo. Waxaa iyaguna halkaas ka hadlay qaar ka mid ah ardayda wax-ka-barata dugsiyada sare ee Buuhoodle waxayna sheegeen inay diyaar u yihiin inay galaan imtixaanaadka ay wasaaradda arrimaha bulshadu u diyaarisay, iyagoo halkaas ku jeex-jeexay warqado la sheegay in halkaas ay u soo dirtay wasaaradda waxbarashada Puntland si ay ardaydu u soo buuxiyaan. Imtixaankan oo ah kii labaad ee maamulka Khaatumo ka qaado ardayda dugsiyada sare iyo dhexe ayaan la saadaalin karin sida uu ku dhammaan doono, iyadoo sannadkii la soo dhaafay boqolaal arday ah ay ka barakeceen deegaannada maamulka Somaliland ka arrimiyo si ay u galaan imtixaannada maamulka Khaatumo; iyagoo dhinaca deeqaha waxbarsho kaga biyo-diiday maamulka Somaliland. Qaar ka mid ah dadka ku nool deegaannada uu maamulka Khaatumo ayaa si aad ah u hadal-haya ardayda ka baxaysa dugsiyada sare, iyadoo uu meesha ka maqan yahay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha bulshadda ee maamulka Khaatumo, Xasan Cali Aw-Yuusuf oo kalsooni aad u ballaaran ay dadku ku qabeen sida ay ku hadal-hayaan isla markaana ah ruug caddaa magac ku leh wax-barashada. Ugu dambeyn, waxaa kaloo dadku hadal-hayaan isbedelka wasaaradda arimaha bulshada ee dawladda federaalka Soomaaliya oo aan hubanti ahaan isku halaynteeda iyo xiriirka maamulka Khaatumo oo aan illaa hadda laga hadlin, taasoo mugdi ay uga baqayaan mustaqbalka carruurtooda. Hiiraan Online Laascaanood, Gobolka Sool Quote Share this post Link to post Share on other sites
Aaliyyah Posted March 27, 2013 Ardeyda mamul goboleedka Khaatumo state guul iyo horumar ayaan ugu duceynayaa. Quote Share this post Link to post Share on other sites