Saalax Posted March 25, 2013 Muqdisho(RBC Radio) Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa goordhow ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho wuxuuna u ambabaxay magaalada Dooxa ee caasimada wadanka Qadar madaxweynaha ayaa intii uusan ka dhoofin garoonka la hadlay idaacada dowlada ayaa sheegay inuu halkaas kaga qayb gali doono shirka wadamada Jaamacada carabta oo lagu qabanayo dalka Qadar. Madaxweynaha ayaa sheegay in shirka carab ee ka dhacaya magaalada Dooxa uu ka jeedin doono qudbad dheer oo uu ugu sharaxayo madaxda carbeed horu marada ay ku talaabsatay dowlada cusub ee Soomaaliya iyo waxyaabaha ay uga baahan tahay in dalalka Carbeed ay ka gacan siiyaan dowlada Soomaaliyeed. Madaxweynaha dalka Soomaaliya Xasan Sheekh Max’uud ayaa tilmaamay inuu sii dardar galin doono inta uu ku sugan yahay magaalada Dooxa heshiis ay horaan wada gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo boqorka dalka Qadar xili uu madaxweynuhu safar ku tagay dalkaas. Wuxuuna intaa ku daray inuu kulamo gooni gooni ah la yeelan doono madaxda Carbeed ee ka qayb galaya shir madaxeedka wadamada Jaamacada Cararbta oo ka furmaya magaalada Dooxa maalinta Talaadada ah kasoo socon doonaan muddo 2 cisho ah,wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyey taageero ay dowladiisu ka hesho wadamada Jaamacada carabta. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted March 25, 2013 http://www.raxanreeb.com/2013/03/madaxweyne-xasan-sh-oo-goordhow-u-ambabaxay-magaalada-dooxa-ee-dalka-qadar/ Quote Share this post Link to post Share on other sites