Sign in to follow this  
malistar2012

Wafdi ka Kooban Wasiirro iyo Xildhibaanno oo si diiran loogu soo dhaweeyay Kismaayo [Daawo Sawirro

Recommended Posts

Axad,24 Maarso, 2013(HOL):- Wafdi ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya islamarkaasina isugu jiray Wasiirro, XIldhibaanno, iyo Saraakiil ayaa maanta kasoo dagay garoonka caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, iyadoona ay halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan maamul KMG ee magaalada Kismaayo.

Wafdiga oo uu hogaaminayay wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/kariin xuseen guuleed, islamarkaasina ay qeyb ka ahaayeen wasiirka gaashaandhigga dowladda Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Fiqi, wasiir ku-xigeenka warfaafinta, Xildhibaanno iyo saraakiil kale ayaa markii ay soo gaareen garoonka Kismaayo waxaa halkaasi kusoo dhaweeyay gudoomiyaha maamulka KMG ee Kismaayo Sheekh Axmed Madoobe iyo ku xigeenkiisa Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer), waxaana intaasi kadib wafdiga ay salaam sharaf ka gudoomeen cutubyo katirsan ciidamada dowladda oo halkaasi ku sugnaa.

 

Wafdiga ayaa kulan ay saxaafadda dibad joog ka ahayd gudaha garoonka kula yeeshay masuuliyiinta maamulka KMG ee Kismaayo,iyadoona aan ilaa imika la garanayn waxyaalihii ay ka wada hadleen, haseyeeshee masuuliyiin katirsan maamulka Kismaayo ayaa warbaahinta u sheegay in kulankaasi uu ahaa mid soo dhaweyn ah.

 

 

Intaas kadib ayaa xubnihii wafdiga waxaa lagu qaaday gaadiid ay leeyihiin AMISOM, waxaana loo gelbiyay Hotel Tawakal oo ku yaal bartamaha magaalada, halkaasoo ay imika daganyihiin.

 

Gudoomiye ku xigeenka Maamulka KMG ee Kismaayo Yaasiin Nuur Gaas (Raadeer) oo warbaahinta kula hadlay gudaha Hotelka ayaa sheegay in ay soo dhaweeyeen wafdi ka socda dowladda Soomaaliya oo ka yimid Muqdisho, wuxuna intaa ku daray in maalinta berito ah ay filayaan in ay soo dhaweeyaan wafdi kale oo uu hogaamin doono Ra’isul wasaaraha Soomaaliya.

 

 

Sidoo kale masuulkani ayaa ugu baaqay shacabka reer Kismaayo in ay ka qeybqaataan soo dhaweynta wafdiga Ra’isul wasaaraha ee la filayo in uu yimaado maalinta berito ah, isagoona intaa ku daray in wafdiga hada yimid uu hordhac u yahay wafdiga berito iman doona.

 

Ammaanka magaalada ayaa maanta si weyn loo adkeeyay waxaana gabi ahaanba xirnaa dhaqdhaqaaqii bulshada, haduu ahaan lahaa, ganacsi, waxbarasho iyo guud ahaan isu socodkii dadka, iyadoona hareeraha wadooyinka ay gaafwareegayeen ciidamo aad u tiro badan oo dadka iyo gaadiidka ku amrayay in ay dhaqdhaqaaqa joojiyaan.

 

Imaatinka wafdigan ayaa kusoo beegmaya xilli maalinimada berito ah la filayo in magaalada Kismaayo uu soo gaaro wafdi heer sare ah oo uu hogaamin doono ra’isul wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Great day for Somalia , Great achievement for the FG . its time for Somalians use the constitution to solve their different's ... .

 

asiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Mudane C/kariin xuseen guuleed, This man is doing great job ,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this