Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

President hassan of Somalia visits troops in Banadir region+PICS

Recommended Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud Oo Kormeer Ku Tagay Xarumaha Ciidanka Dalka Somalia Ee Gobolka Banaadir Dar-daaran Adagna U Jeediyey Ciidamada.

 

Madaxweynaha oo kormeerkiisa Gobolka Banaadir ku aadan maanta ayaa soo indha indheeyey xaaladda guud ee ciidanka .... Daawo Sawiradda

 

Muqdisho (GNS)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer guud ku tagay Xarumaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Wasaaradda Gaashaandhiga iyo Xarunta Taliska Xoogga Dalka ee Villa Baydhabo.

 

Madaxweynaha oo kormeerkiisa Gobolka Banaadir ku aadan maanta ayaa soo indha indheeyey xaaladda guud ee ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Halkaas oo uu kula kulmay Saraakiisha iyo qaar ka mid ah ciidanka xoogga Dalka Somalia.

 

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa mar uu la hadlayey Ciidanka Xoogga Dalka kula dardaarmay inay dhowraan sadexda wax ee ay ku dhaartaan oo ah Dalka, Diinta iyo Dadka.

 

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyey in Ciidanku uu dhowro Asluubta iyo Anshaxa Xoogga Dalka wuxuuna sheegay in Ahmiyadda koowaad ee dowladdu ay tahay Amniga dalka lagana doonayo Ciidanka Xooggu inay keenaan.

 

“U Dulqaadan mayno Askari Asluub daran, ma aqbali doono kufsi iyo shacabka in la dhibaateeyo. Cidina kama sareyso Sharciga. Askarigii Dambi galena Maxkamad ayaa lasoo taagayaa, waxaana lala keenayaa Sarkaalkiisa”

 

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay inaysan dowladi jiri Karin Amni la’aan waxaanu Yidhi “Waana inaan si wadajir ah oo iskuduubni leh u difaacnaa Dalkeena, kana caabinna Cadowga gudaha iyo Dibadaba”

 

Isagoo Hadalkiisa Sii Watana Wuxuu Yidhi “Isbedelka Ciidankeena waad garan kartaan, Shalay maanta ayaan ka fiicanahay, Berrina Guul waarta ayaan gaareynaa Insha Allah” Ayuu Yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this