Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland President Ahmed Siilaanyo with delegation visits the UAE+PICS

Recommended Posts

Madaxwayne Siilaanyo Oo U Baxay Imaaraadka Carabta, Kaxaystayna Masuuliyiin Aan La Ogeyn Waxay Ka Tari Karaan Safarkiisa (Sawirro)

 

Berbera (Ramaas) Mar 23,2013 – Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo wefti uu hogaaminayo ayaa goor dhawayd ka dhoofay madaarka diyaaradaha Magaalada Berbera.

 

Madaxwayne Siilaanyo iyo weftigiisa, ayaa safar shaqo ku tagay dalka Imaaraadka Carabta oo uu uga bilaabmayso booqasho dhowr maalmood qaadan doonta.

 

Weftiga Madaxwaynaha oo ay xubno ka yihiin Wasiirrada Maaliyadda, Madaxtooyada, Arimaha dibada, Wasiir ku xigeenada Caafimaadka iyo warfaafiinta, afhayeenka Madaxtooyada iyo Marwada koowaad.

 

Ilaa hadda ma cadda safarka Madaxwaynaha ee Imaaraadka Carabta, inkasta oo wararkii maalmihii u dambeeyay ay warbaahinta maxaliga ahi baahinayeen inuu Magaalada Dubai kula kulmaya Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inkasta oo Madaxwayne Siilaanyo oo markii uu Berbera ka dhoofayey la waydiiyay su’aal arintaasi la xidhiidha uu ku jawaabay “Wax lanoo balan qaaday oo la yidhi cidbaad la kulamysaan ma jirto, wax meesha ku jirtana maaha, anagu haddii aanu cid la kulamyno wixii danta Somaliland ku jirto”ayuu yidhi.

 

Dhanka kale, Madaxwayne Siilaanyo, waxa uu sheegay in safarkiisani ka dhashay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dawladda dalka Imaaraadka, isla-markaana uu ku maqnaan doono muddo laba ama saddex maalmood ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Qodobada ay ka wada hadlayaan Dawladda Imaaraadka Carabta

 

March 23rd, 2013

 

“Annagu haddii aanu cid la kulmayno wixii danta Somaliland ku jirto ay meel walba waanu ka sheegaynaa”

 

“Marti-qaadkan Imaaraadku noo Fidiyay waa mid aanu Aad ugu Faraxnay”

 

Berbera (Somaliland.Org)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa sheegay inay ku farxeen marti-qaadka uu ka helay dawladda Imaaraadka carabta isla markaana ay dalkaasi kala hadli doonaan wax wada qabsiga labada dal.

 

Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu sidaasi ka sheegay mar uu maanta ka dhoofayay madaarka magaaladda Xeebta ku taalla ee Berbera oo isaga iyo wefti balaadhan oo uu Hoggaaminayay ay socdaal sadex maalmood qaadan doona ay ugu kicitimeen wadanka Imaraadka carabta.

 

Madaxweynaha Somaliland oo madaarka ugu waramayay warbaahinta ayaa tafaasiil ka bixiyay socdaalkiisa, waxaanu yidhi “Waxaan u ambo-baxaynaa dalka Imaaraadka carabta, halkaasi oo nalaga marti-qaaday. Waxaanan muddo gaaban ku maqnaan doonaa dalkaasi Ishaalaah. Martiqaadkan naloo fidiyay oo ah mid ku saabsan saaxiibtinimadda labada dal.”

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay ku farxeen marti-qaadka Imaaraadka carabta, waxaanu yidhi “Waxaanu ka soo wada hadali doonaana waa danaha iyo wax wada qabsiga iyo wax is weydaarsiga labada dal.Marti-qaadkanna waa mid aanu aad iyo aad ugu faraxnay. Waxaana aanu filaynaa inuu noqdo mid labada dalba ka faa’iidi doonaan wanaaga, saaxiibtinimadda iyo shaqaynta inaga dhaxeysa ee dhinacyada badan leh, ”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

 

Madaxweynaha Somaliland waxa uu intaasi ku ladhay “Markaa Inshaalaahu waxaanu rajaynaynaa in socdaalkani noqdo mid aflaxa oo aynu ku guulaysano.”

 

Madaxweynaha oo la weydiiyay inay dawlada imaaraadka carabta ka wada hadlayaan qodobadii ay hore uga wada hadleen iyo inuu jiro qodobo cusub oo ay ka wada hadlayaan labada dhinac, waxaanu yidhi “Wixii hore looga wada hadlay iyo wax cusub-ba waa laga wada hadli doonaa inshaalaahu Tacaalaa. Waxaanu socdaalkayagu qaadan doonaa laba illaa sadex cisho.”

Madaxweynaha Somaliland oo jawaabayay su’aal la xidhiidhay inay la kulmayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo in kale, waxaanu kaga jawaabay “Balan naloo balan qaaday oo la yidhi cid baad la kulmaysaan ma jirto, wax meesha ku jirana ma aha.”

“Annaguse haddii aanu cid la kulmayno wixii danta Somaliland ku jirto ay meel walba waanu ka sheegaynaa. Dantayadda waanu ka hadli karnaa. Laakiin wax naloo sheegay iyo wax naloo balan qaaday midna ma jirto,”ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

 

waxa weftiga madaxweynaha xubno ka ah Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Maaliyadda Mudane C/Casiis Maxamed Samaalle, Wasiirka Beeraha Mudane Faarax Cilmi Geedoolle, Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiirka caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, Afhayeenka Madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul iyo Marwadda koowaad ee Somaliland Marwo Aamina waris Sh. Maxamed Jirde.

Share this post


Link to post
Share on other sites

The Arabs particularly the Khaleeji Arabs have really changed their stance on Somaliland the UAE and Kuwait the relations between Somaliland and Arabs were very hostile just a few years ago. There were rumors the Somaliland goverment was considering leasing the berbera port t to Dubai ports international. This is the second trip the Somaliland president is visiting the UAE,there are also some sources in hargeisa saying he might visit Qatar to it all looks that Somaliland is enhancing closer relations with the Khaleeji Arabs. On the Talks with Somalia having talks with Somalia on arab soil i would not suggest that. Somaliland and Somalia should pick an African country or a European country Kenya Djibouti South Africa America United kingdom.

Share this post


Link to post
Share on other sites

malistar2012;929544 wrote:
we shall see things are falling apart in somaliland ,

If wishes were horses, how are the Ethiopians doing i heard they are leaving you?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this