Sign in to follow this  
Saalax

Khaatumo Seeg in panic

Recommended Posts

Saalax   

Maxaad kala socotaa Khataraha ka soo wajahayn shirka London iyo talaabada loo baahan yahay ka hor{Xog}.

 

Ka dib siyaasadaha kala duduwan iyo kala guurka ay Soomaaliya wajahday waxaa dhinac ordaya dano badan oo ay lee yihiin dalalka caalamka iyo Soomaalida dhexdeeduba. Kooxda War doonka ee shabakada Horufadhi.com ee The Horufadhi Investigation Group{The HIG}, ayaa ogaatay xogo badan oo ku saabsan shirka London ee 7bisha shanaad ka qabsoomaya.

Xogahan oo aan ka helnay diblumaansiyiin Soomaali ah iyo kuwa ka hawlgala safaradaha reer galbeedka ayaa qeexaya mawqifka dhabta ah ee dawladda Britain ka taagan tahay xalka dalak Soomaaliya guud ahaan iyo gobolada waqooyiga Soomaaliya. ”’UK waxay u aragtaa weli beesha SNM reerka keliya ee Soomaaliyeed ee danahooda u fududeyn kara, isla markaana ay Soomaali uiga dhex faa’ideysan karaan””, sidaas waxaa yidhi sarkaal ka hawlgala safaarada Britain ee kenya, kaasoo magaciisa diidey in la xuso.Ajandayaasha shirka waxaa xaga sare uga jira in maamulka Siilaanyo lagu qanciyo 10 sano oo ismaamul hoosaad ka tirsan Federaalka Soomaaliya, laakiin ka wakiil ah dhamaan gobolada waqooyo. halka mudadaas ka dib loo qaadi doono afti lagu weydiinayo dadka mandaqaas inay Go’aan.Arintaas ayaa la sheegay in Madaxweyne mudane Culusow uusan wel wel badan ka muujinayn, waxaana wrarku sheegaya in ay jirto waraq uu u diray Raysal wasaaraha Britain David Cameron oo Mr. Xasan Culusow ku sheegayo inuu diyaar u yahay Hindisaha aftida ee tobanka sano ka dib.

 

 

Khatarta Khaatumo seeg wajahday.

 

Hadii la gaadho todobada bisha May, ayadoo Laascaanood iyo deeganada kale ku hadhsan yihiin gacanta maleeshiyaadka Axmed Siilaanyo, waxa imaan doonta in guud ahana jiritaanka maamulka Khaatumo meesha ka siibmo, isla markaana ay si toos ah u xalaaloowdo go’aamo khasab ah oo ka soo baxa shirka Lodnon.Kaasoo si toos ah uga dhan ah midnimada iyo jiritaanka Soomaaliya, waxayaalaha ugu daran ee haatan wel welka ku abuuray dadka midnimada jecel ayaa ah jilicsanaanta dawladda Xamar, nacaybka beeleed ee ka muuqata Xasan Sheekh oo uu si toos ah u baacsanayo Qoomiyadda D danaheeda. Waxaana taasi ay gaadhsiisay inuu xataa midnimadii Soomaaliya xil uusan iska saareyn asagoo ku xumeynaya beelaha Daarrood oo uu u arko inay laf dhabar u yihiin midnimada, halganka ioyo xoreynta dalka Soomaaliya 500 ee sano ee u danbeeyey dunida.

Saadasha The HIG.

 

 

 

Marka laga soo tago xogaha kore, xeeldheerayaasha Kooxda The HIG waxay aamisan yihiin, in arimahani ay dhalindoonaan in markale la soo celiyo kala daadsanaantii beesha Khatuumo seeg isla markaana la isku dayo in arimahan looga shaqeysto Juffo, Juffo iyo shakhsiyaad Horgalo ah oo fududeynaya hawlahaas. Sidoo kale waxaa cad in hadii taas ay ku guulaystaan kooxda Nabad diidka ee Siilaanyo ee badhitaarka ka helaya hada Ingiriis iyo Xasan SHeekh ay sahalaan doonto inay marsadaan codka waan go’nay mudadaas 10ka sano ah.Ilaa hada talaabad akeliya ee looga hjortagi karo ayaa ah mid Military oo lagu sifeeyo deeganada Khaatumo, hadii guud ahaan laga eryo maleeshiyaadkan deeganada ay haystaan uguna horayso Laascaanood waxaa imaan doonto in awooda siyaasadeed iyo mida mandaqadeed ee reer Khaatumo ay noqon doonto mid muuqata oo Soomaali ay markale ku yeeshaan meeqaamkoodii hogaamineed.Waxaan arinta dedaalkeed aiyo dardargelinteed alaga rabaa guud ahaan shacabka Khaatumo State, oo ay ugu horeeyaan madaxda , Qurbajoogta iyo dhul joogta, ayadoo laag duulayo in laga badbaadiyo Mustaqbalka dhaw jiritaan la’aanta soo wajahan.

Warbixin hore oo la xidhiidha arimahan akhriso.Warar dheeraad ah oo ku sabasan xogo waraaqo la helay aqalka Morgan oo loodiray beesha caalamka, dhawaan ka filo The HIG.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this