Sign in to follow this  
MoonLight1

Puntland gets €25 million for environmental projects.

Recommended Posts

Midowga Yurub ayaa ku ku dhawaaqeyn in 4-ta sano ee soo-socta Puntland ay ka hirgelinayaan mashruuc looga hortagayo xaalufka iyo abaarta, kaas oo ay ku baxayso €25milyan oo Euro.

 

Midowga Yurub ayaa sheegay in xaalufka dhirta iyo abaarta soo noq-noqota ay tahay mid ka taagan dhulka daaqsinka ah ee Puntland, taas oo ay sababtey roob yaraanta iyo dhirta dhuxusha laga dhiganaayo, waxaana ay ballan qaadeen in ay la shaqaynayaan bulshada halkaas ku dhaqan si loo helo biyo xireeno xilliga roobabku da’aan, si biyuhu aysan badda ugu darsamin iyaga oo aan laga faa’ideysan.

 

Mashruucan oo ah mid aad u ballaran ayaa laga doonayaa Tuulooyinka iyo Degsiimooyinku in aya Yurub qabaa in arintaani wax weyn ka qaban doonto nolosha dadka iyo xoolaha ay dhaqdaan, ayna heli doonaan biyo iyo baad ku filan.

 

Mashruuca ayaa waxaa bar-bar socda in la dhiirigeliyo joojinta isticmaalka dhuxusha kaas oo faro ba’an ku haya deegaanka, waxaana Midowga Yurub dhiirigelinayaan in la hel shirkaddo ganacsi iyo wershado keena ama dhaliya Gaaska loo isticmaalo karinta cunnooyinka.

 

Midowga Yurub ayaa sheegay in ay ku doorteen Mashruucan ballaran in ay ka fuliyaan deegaanada Puntland,maadaama ay tahay dhulka ugu roobka yar deegaanada Soomaaliya, isla markaana u nugushahay Xaalufka.

 

Wasaaradda Deegaanka, Duurjoogta & Dalxiiska ee Puntland ayaa Midowga Yurub kala shaqeyn doonta barnaamijkan iyo NGO-yo maxali ah, Mashruucan ayaa soo socdey tan iyo sanadkii hore, waxaana uu noqonayaa haddii loo fuliyo sidii loogu talo galay mid wax badan laga faa’iido.

 

Horseed Media

Garowe, Puntland, Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this