Xaaji Xunjuf Posted March 17, 2013 Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya oo isaga Baxay Degmada Xudur iyo Cabsi ka jirto halkaasi Axad, 17 Maarso, 2013(HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya kuwa Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay gabi ahaanba isaga baxeen magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool, iyadoona daafaha magaaladaasi ay soo buuxdhaafiyeen cutubyo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab. Goobjoogeyaal ku sugan degmada Xudur oo qadka teleefonka ugu waramay HOL ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ee ku sugnaa degmadaasi ay isaga baxeen magaalada, iyadoona lagu soo waramayo in ay u jiheysteen dhanka deegaanka Ceelbarde ee isla gobolkaasi Bakool. Xaaladda degmada Xudur ayaa ah mid aad u kacsan, iyadoona qaar kamid ah dadka deegaanka ay bilaabeen in ay u barakacaan deegaanada ku dhow dhow degmadaasi, iyagoo ka cabsi qaba in ay halkaasi ka dhacaan dagaallo dhexmara ciidamada huwanta ah iyo Al-shabaab. Ma jiraan ilaa imika masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya oo ka hadlay ka bixitaankooda degmadaasi, waxaana sidoo kale la garaneyn sababta rasmiga ah ee ka danbeeysa in ay halkaasi isaga baxaan. Ciidamo aad u tiro badan oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay ku suganyihiin daafaha degmadaasi, waxaana xaaladda guud ee magalaada Xudur ay maanta tahay mid aad u qasan. Xoogagga Al-shabaab weli gudaha uma gelin degmadaasi. haseyeeshee wixii warar ah ee kusoo kordha arintaasi dib ayaan idinka soo gudbin doonna haduu Alle yiraahdo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 17, 2013 Xabashada meesha awalba gumeysi ku haayeen wax kale kuma heynin maadaama degmadaas gishay go'doon ba'an oo silac ah. Baabuur ma gali jirin oo jidadkii ku wareegsanaa Barbaarta gooyeen. Sicir barar xad dhaaf ahna wey ka jirtay degmadaas bilooyinkii u dambeeye oo xataa kiiladii sokorta ka gaartay 120,000 shilin Soomaali, halka meelaha kale u dhow ka tahay 20,000. Dadka in baahi lagu dilo ma'aha. Quote Share this post Link to post Share on other sites
D.O.C Posted March 17, 2013 Awel kuwii kalena maxay ahaayeen...errrm...AMISON! :-( Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 17, 2013 Uganda burundi Djibouti wa amisom. Ciidamada Ethiopia iyagu cidna ma hoos galan wa freelancers. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 17, 2013 Al-Shabaab uu gudaha u galay magaalada Xudur ee gobolka Bakool MARCH 17, 2013 Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa halkaas isaga baxay, waxaana isla maanta subaxnimadii hore gudaha u soo galay magaalada ciidamo taabacsan Xarakada al-Shabaab kuwaas oo fadhiyey meel aan ka fogeyn magaalada. Maalmihii u danbeeyey waxaa dagaalo culus ay ka dhaceen gobolka Bakool kuwaas oo u dhexeeyey al-Shabaab iyo Ciidamada dowladda oo ay taageerayaan kuwa Itoobiya, waxaana ay Xarakada al-Shabaab geystey goobahaas ciidamadii ugu badnaa ee ay heli kareen, taas oo la sheegay in ay culeys ku noqotey ciidamada Itoobiyaanka iyo Dowladdu isla markaana ay isaga baxaan magaalada Xudur oo ahayd goob istaraatiiji u ah isku xirka gobolada maadaama ay isku xirto Baay, Hiiraan iyo Gedo. Magaalada Xudur ayaa ahayd mid ka go’doonsan inta kale magaalooyinka kale, waxaana lagu tegi jirey diyaaradaha qumaatiga u ka aoo keliya kadib markii jidadka gala oo dhan ay xireen Xarakada al-Shabaab, isla markaana waddooyinka ay Miinooyin geliyeen. Ciidamada Dowladda ee ka baxay Xudur ayaa la sheegaya in ay u dhaqaaqeen dhanka Ceel-barde ee isla gobolka Bakool. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted March 18, 2013 Federal government's politicking is complicating alshabaab fight in Bay & Bakool. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Tillamook Posted March 18, 2013 ^ And to think Culosow knew the Somali proverb that says,"Don't set out on a journey using someone else's donkey" ...him being a donkey connoisseur and all. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 19, 2013 Sheekh caan ah ayee maanta ku bireeyeen bartanaha magaalada Xuddur kuwii Barbaarta la dhahaaye oo daraad Xuddur qabsaday. Iimaamka masaajidka ugu weyn degmada ayuu ahaa, da'diisana toddobaatameeyo ayee ahayd. Eebbe haku u raxmado Sh. C/raxmaan Warsame. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar Posted March 19, 2013 Kooxo Taabacsan Xarakada Al-shabaab oo Dilay Imaamkii Masaajidka Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool Talaado, Maarso 19, 2013 (HOL) — Dagaalyahanno taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa xalay gurigsiisa kala baxay, Sheekh Cabdiraxmaan Macallin Warsame oo 75-jir ahaa, isla markaana ahaa imaamkii masaajidka weyn ee degmadaas, iyadoo maydkiisa oo qoorta laga jaray saakay laga helay god ku dhow gurigiisa. Wararka laga helayo degmada Xudur ayaa waxay sheegayaan in sidoo kale ay Al-shabaab xabsiga degmada Xudur ku xirxireen 10 ruux oo ka mid ah dadka deegaanka kuwaasoo ay laba ka mid ah yihiin haween. “Sheekha waxaa gurigiisa laga baxay xalay saqdii dhexe, waxaana laga jaray qoorta, iyadoo maydkiisa lagu riday god ku dhow gurigiisa, taasoo cabsi weyn gelisay dadka deegaanka,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Xudur oo la hadlay HOL. Goobjoogahan oo sababo ammaan awgood u qariyay magaciisa ayaa intaas ku daray in arrintan ay aad uga naxisay dadka deegaanka oo aad tiradoodu u yar tahay, iyadoo saraakiisha Al-shabaab aysan ka hadlin dhacada naxdinta leh ee ka dhacay degmadaas. Xarakada Al-shabaab ayaa la wareegtay degmada Xudur maalin ka hor markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwii ay gacanta ka helayeen ee Itoobiya. Lama oga sababta keentay in Al-shabaab ay gowracaan Sheekhan, balse wararka ayaa waxay sheegayaan in Sheekhu uu dadka deegaanka u kala xumin jiray dacwooyinka ay isku haystaan, isagoo xukunkiisa ku saleynaya diinta Islaamka. Tallaabadan ayaa waxay si weyn uga horimaanaysaa hadal ay saraakiisha Al-shabaab ka jeediyeen degmada Xudur maalintii ay galeen, taasoo ahayd inay dadku dib ugu soo laabtaan, iyagoo sheegay inaysan jirin cid dhibaato loo geysanayo. Xigasho: Hiiraan.con Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abu-wehliye Posted March 19, 2013 Reer xudur waa ineey al-Shabaab kula dagaalaan wixii awoodooda ah, dawladana waxaan dhihi lahaa waa ineey ciidan u dhistaa dadweynaha gobalka oo ka dhiciya kuwan KHAWAARIJKA ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites