Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somalia: Foreign Minister Fawziya Yusuf Haji receives international donors +PICS

Recommended Posts

Wefti Ka Kooban 50 Xubnood Oo Dalalka Deeqda Bixiya Ah Oo Maanta Muqdisho Kula Shiray Wasiirka Khaarajiga Somaliya Iyo Ujeedada Socdaalkooda

 

Muqdisho (Ramaas) Mar 14,2013 – Wasiirka Wasaarada arimaha dibada, ahna raysal-wasaare ku xigeenka Somaliya Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Wefti ka socday dalalka deeqaha Siiya Somaliya, kuwaasi oo Muqdisho u tagay sidii ay xog-ogaal uga noqon lahaayeen hawlaha u qabsoomay dawladda iyo wixii lagu qabtay deeqihii ay hore u siiyeen.

 

 

 

Weftigan oo Wasiirka arimaha dibada Somaliya la yeeshay kulan dhowr saacadood qaatay ayaa waxa hogaaminayey madaxa Afrika ee dawladda Ingiriiska, ayaa markii kulankoodu dhamaaday Saxaafada la hadashay Marwo Foosiya Yuusuf Xaaji Aaden, waxayna faahfaahisay ujeedada socdaalka weftigan oo aan la cayiman xilalkooda, waxayna sheegtay sidan “Wafdigan waxay ahaayeen kuwo u kuur-galayey waxyaabaha u qabsoomay dowladda Soomaaliya maadama oo nala caawiyo, waxayna ahaayeen in ka badan 50-qof, kulankeennuna wuxuu ahaa mid diiradda lagu saaray sidii loo ogaan lahaa waxyaabaha dowladda u qabsoomaiy iyo waxyaabaha u dhiman” ayay tidhi Wasiirka arimaha dibada Somaliya.

 

 

 

Madaxa wafdigan oo ahaa ergayga dowladda Ingiriiska u qaabilsan Afrika oo isaguna saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay Muqdisho u tageen sidii ay u arki lahaayeen waxyaabaha dowladda u qabsoomay lixdii bilood ee ay jirtay “Socdaalkayagu waa mid ku saleysan sidii aan sare loogu qaadi ahaa taageerada la siiyo dowladda Soomaaliya, qorshuhuna waa in la cusboonaysiiyo gargaarka caalamka ee Soomaaliya, sida inaan taageero siinno ciidamada AMISOM oo waqtigooda lagu kordhiyay hal sano oo cusub”

Share this post


Link to post
Share on other sites

'Qaarajigana' maxee ahayd? Yaala qaarjinoyaa. Afxumaa waxa. Arrimaha dibadda maala iska dhaho.

 

Teeda kale ilmo'adeerkaa wasiir noqdo lee maxaa u buun buunisaa, awal kii wasiirka gaashaandhigga ahaa ayuu ahaa, haddana tan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
D.O.C   

Xaaji Xunjuf;926812 wrote:
Wafdi%20Yurub%20ka%20socda%203.jpg

 

A familiar face Mr Mahiga one of my favorite Somali politicians.

You nailed it!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;926817 wrote:
'Qaarajigana' maxee ahayd? Yaala qaarjinoyaa. Afxumaa waxa. Arrimaha dibadda maala iska dhaho.

 

Teeda kale ilmo'adeerkaa wasiir noqdo lee maxaa u buun buunisaa, awal kii wasiirka gaashaandhigga ahaa ayuu ahaa, haddana tan.

Wasiiral Khaarajiya wa af carabi dee , qarajiyaa mahe eh khada carabka bar aboowe:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this