Xaaji Xunjuf Posted March 13, 2013 Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya oo xilkii wareejiyey | on March 13, 2013 Taliyaha cusub Gen. Daahir Indho-qarsho Xaflad si wanaagsan loo soo agasimey ayaa maanta waxaa xilkii kula wareegey taliyaha cusub ee l0o magacaabey Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya iyo weliba Abaanduulaha cusub ee Ciidanka Soomaaliya. Taliyiha xilka wareejinaya Gen.Cabdulqaadir Shiikh Cali Diini ayaa khudbad kooban oo ka jeediyey madashii xil- wareejinta waxaana uu sheegay in uu ku faraxsan yahay in manta uu xilka wareejiyo isaga oo soo qabtey hawlo muhim ah una soo shaqeeyey Qaranka. Diini ayaa ka sheekeey markii uu xilka la wareegayey sida xaal ahaa iyo dagaaladii ay la galeen al-Shabaab. Taliyaha xilka wareejiyey Gen.Diini Waxaa isaguna goobta ka hadley taliyaha cusub ee Madaxweynaha Jamhuuriyaddu u magacaabey xilka Gen.Daahir Aadam Cilmi oo horey uga tirsanaan jirey ciidanka xoogga dalka Soomaaliya muddooyinkii danbena la shaqeynaayey Ciidanka. Gen.Daahir ayaa u mahad celiyey Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya waxaana uu ballan qaadey in uu halkii uu geeyey ka sii wadi doono. Dhanka kale waxaa isaguna maanta xilkii wareejiyey Abaanduulihii hore ee Xoogga dalka Soomaaliya Gen.Cabdikariim Yusuf Dhegabadan, waxaana uu xilka ku wareejiyey Abaanduulaha cusub oo la yiraahdo Gen.Cabdirisaaq Khaliif Cilmi. Taliyihii hore ee xoogga dalka Soomaaliya Gen.Diini ayaa kadib burburkii dowladdii Soomaaliya 1991 waxa uu muddo ku noolaa dalka Maraykanka gaar ahaan gobolka Ohio, waxa uu Muqdisho u tegay in uu u tartamo xilka raysalwasaaraha sanadkii 2010, laakiin markii uu xilkaas waayey, waxa uu noqdey la taliyaha Madaxweyne Shiikh Shariif ee arrimaha Mileteriga iyada oo Bishii Maarso 2011 loo magacaabey Taliyaha Ciidanka Soomaaliya. Gen.Diini ayaa horey uga tirsanaan jirey ciidankii Kumaandooska Soomaaliya, waxaana uu mar danbe Madax u noqdey ciidankii Booliska/ Millateriga ah (Police force) dadkuna u yaqaaneen Koofiyad Cas. Dhanka kale waxaa socda is bedel lagu samaynaayo ciidanka Booliska iyo kan Asluubta oo la filaayo in maalmaha soo socda la shaacin doono Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 13, 2013 Can some one tell us whos general indho qarsho i heard he was a member of the SNA back in the days what is his background. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted March 13, 2013 Taliyihii ciidamada milateriga dowlada Somalia iyo abaanduulihii ciidankaas oo xilalkii wareejiyey Taliyihii Ciidamada XDS dowlada dowlada Somalia Jen. C/qaadir Shiikh Cali Diini iyo abaanduulihii ciidankaasi Jen. C/kariin Yuusuf Aadan (Dhegabadan) ayaa maanta xilalkii ku wareejiyey saraakiil kale oo lagu bedelay ka dib munaasabad arintaas ku saabsan oo lagu qabtay xarunta wasaarada difaaca ee magaalada Muqdisho. Munaasabadan ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro iyo xubno ka tirsan xukuumada Somalia oo uu ka mid ahaa wasiirka difaaca C/xakiin Xaaji Fiqqi iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM. Taliyihii iyo abaanduulihii hore ayaa xilka ku wareejiyey taliyaha cusub ee ciidanka XDS Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-Qarsho) iyo abaanduullaha cusub ee loo magacaabay ciidankaas Jen. C/risaaq Khaliif Xuseen. Wasiirka difaaca xukuumada Somalia iyo wasiiru dowlaha wasaaradaasi ayaa u mahad celiyey saraakiisha laga bedelay ee ciidamada milaterig oo ay sheegeen iney shaqo adag soo qabteen, iyagoo kula dardaarmay saraakiisha cusub iney ka shaqeeyaan horumarinta iyo dib u dhiska ciidamada dowlada. Jen. Dhegabadan iyo Jen.Diini ayaa xilka ka qaadistooda waxaa soo jeediyey madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud, waxaana loo soo gudbiyey iskuna raacay golaha wasiirada Khamiistii ina dhaaftay, waxaana saraakiishan oo xilalka hayey muddo sadex ka badan ay si weyn uga qeyb qaateen dagaaladii Al-shabaab looga saaray magaalada Muqdisho iyo degano ka mid ah gobolada Sh/hoose iyo Sh/dhexe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted March 13, 2013 Iyadoo maalmihii u dambeeyay ay jireen hadal heynta ku aadan is bedelka lagu sameynayo hogaanada ciidamada qalabka sida ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda la shaaciyo, iyadoo Madaxda ugu sareysa dowladda ay arrintan kulamo ka lahaayeen saacadihii u dambeeyay. Sida ay sheegayaan wararka qorshaha is bedelka hogaanada ciidamada qalabka sida ayaa heer gabo gabo maraya, iyadoo uu durba noqday guux si weyn u hareeyay qeybaha kala duwan ee Talisyada ciidamada. Maalinimadii Jimcihii oo saadaasha aheyd in lagu dhawaaqo is bedelkan ayaa arrimo farsamo dib ugu dhacday, iyadoo ay qabyo ahaayeen kulamadii arrimaha loogu gogol xaarayay, kaasoo ku aadan in Taliyeyaasha seefta qaadi doonta inay aqbalaan marka ugu horeysa, talaabada koowaadna ay xilalkooda ku wareejiyaan Taliyeyaasha lagu bedelay. Inkastoo uu soo jiitamayay is bedelkan tan iyo markii Xukuumada cusub la soo dhisay, hadana Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka go’an in is bedelkan si guud u saameeyo laamaha amniga ee dowladda, waxaana uu la mid noqonaya is bedelkan mid horay sidan oo kale u sameeyay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed sanadkii 2011, xilligaasoo dhamaan Taliyeyaasha Ciidamada qalabka sida uu xilalka ka xayuubiyay. Wararka ayaa sheegaya in Taliyaha cusub ee Ciidamada xooga dalka loo magacaabi doono Jen. Dahir Aadan Cilmi oo loo yaqaano Indho-Qarsho, kaasoo ka mid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada ee lagu soo tababaray dalka Ruushka. Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini oo in muddo ah la hadal hayay in xilka laga qaadi doono ayaa aqbalay, maadaama xilkiisa saameeyay habka awood qeybsiga dowladda Soomaaliya, ayna isku heyb yihiin Ra’iisul Wasaaraha. Sidoo kale Abaanduulaha ciidamada xooga dalka Jen. Dhegabadan ayaa la saadaalinaya saraakiisha ay seefta qaadi doonto, maadaama Taliyaha cusub uu dalbaday in xilkaas loo magacaabo shaqsi kale oo ay si dhow horay isula soo shaqeeyeen. Is bedelkan waxaa uu horay u saameeyay Taliyaha Booliska Soomaaliya Shariif Sheekhuna Maye iyo Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Axmed Macalin Fiqi, kuwaasoo horay loogu wargeliyay in xilka laga qaadi doono, balse intaan ay soo jiitameysa. Waxaana lagu wadaa in is bedelkan uu noqdo mid guud ah oo isku mar wada saameeya Taliyayaasha ciidamada qalabka sida Cabdi Faarax Muqdisho/Soomaaliya Allgedo News Media Network allgedo@allgedo.com Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted March 13, 2013 Xooga Soomaaliyeed mudooyinkii ugu dambeeyayna ku noolaa Dalka Dibadiisa, iyada oo lasheegay Indhaqarsho in uu yahay sarkaalkii ugu horeeyay ee katirsan meleteriga Afrika ee qaata bilad dahab ah. Jen. C/Kariin Yuusuf Aadan Dhaga Badan Abaanduulihii Ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa isna lagu badalay Jen. C/Risaaq Qaliif Cilmi oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee Ciidanka Xooga Soomaaliyeed mudo badana uu kusoo dhax jiray. Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ayaa lagu qabtay xaflad Xilka ay ku warejinayen labadaasi sarkaal oo in badan halgan ugu soo jiray kor u qaadida ciidamada Soomaaliyeed. Xilk ka qaadista labadaan masuul ayaa waxa ay kutimid dhinaca awood qeybsiga ee Dowlada Soomaaliya ku dhisan tahay taa ay meesha uga baxeen kuwa kale oo bandanna ay sida iyaga oo kale ay uga bixi doonaan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted March 13, 2013 Xaaji Xunjuf;926564 wrote: Can some one tell us whos general indho qarsho i heard he was a member of the SNA back in the days what is his background. SNA commander 77 war, born in galkacayo, grew up in Jowhar and Xamar, studied in Oddessa military academy... Reactions already rolling in... http://horufadhi.com/2013/03/13/maxaad-ka-ogtahay-khiyaanada-qaran-ee-ku-duugan-kala-bedelka-saraakiisha-xooga-dalka-soomaaliyeed/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted March 13, 2013 Isla markiiba Jeneraal Indhaqarsho iyo Madax sare oo ka socota Wasaarada Gaashandhiga ayaa waxay u duuleen Magaalada Kismaayo, halkaas oo ay kusoo sameeyeen Kormeer Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Kismaayo ku sugan, waxaana warkaan Keydmedia ka heshay ilo Xag ogaal ah oo Kismaayo ku sugan. Aqriste Halkaan ka Aqriso Taariikh Nololeedka Taliyaha Cusub ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed oo ay Keydmedia Online (KON) - kasoo xigatay Xildhibaan "Sandheere" oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya. Taariikh Nololeedka Taliyaha Xogga Dalka Soomaaliyeed S/Guuto - Dahir Adan Elmi (INDHOQARSHO) Dhalasho: Gobolka Mudug Magaalada Galkacyo 1948 Waxbarasho: Dugsiga Hoose (Sudan Interior Mission School) ee magaalada Buulo Burte, Dugsiga Dhexe ( American Minnenite Mission) oo la oran jiray Shabeelle Intermedite School ee magaaladda Jowhar, Dugsi Sare wuxuu ku soo qaatay Benadir Secondary School ee magalada Muqdisho, Waxuu aqoonta Jamacad ku soo qaatay USA University of Massachusetts Boston Wuxuu ku soo biiray Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed 1968, wuxune tababar ku soo qatay Kuliyadda Tababarka Ciidanka ee magaalada Odessa ee dalkii Midowga Soofiyeeti. Sidoo kale wuxuu tababarro guud iyo kuwo khaas ku qaatay dalka gudihiisa (Tababar Abbanduul) iyo dibeddiisa (Command General Staff College, Kansas, USA). Wuxuu ka soo shaqeeyay qeybo badan ee Ciidanka Xogga Soomaliyeed (Qeybta 60-aad, Qeybta 21-add, Qeybta 26-add), isagoo ka qabtay xilal howlgal iyo mid hogaamiyeed. Sidoo kale wuxuu jagooyin kala duwan ka qabtay Taliska Guud ee Wasaaradda Gashandhigga iyo Kuliyadihii waxbarashada ee Xogga Dalka Soomaaliyeed. S/Guuto Dahir Adan Elmi wuxuu mudadii Ciidanka uu ka tirsanaa muujiyay Hawlkarnimo, Hoggamin, Mamul Hufan iyo Geesinnimo. Sifooyinkaas awgeed wuxuu ku muteystay Billadda Dhabka ee Geesinnimada. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 13, 2013 Daqane that looks very good lets hope he does a fantastic job Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 13, 2013 Lol@ horufadhi.com these are sick people they will see everything through a qabil lense ,dawo ma leh dadkaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Daqane Posted March 13, 2013 Also Col. Saxardiid the commander of the SNA in the jubba's has been replaced with Col. Cabdi Cigaal. Both of them reer gedo if am right. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 13, 2013 Yes you are correct Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 13, 2013 Apophis is still angry Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 13, 2013 good stuff Quote Share this post Link to post Share on other sites
Odey Posted March 13, 2013 Xaaji Xunjuf;926575 wrote: Lol@ horufadhi.com these are sick people they will see everything through a qabil lense ,dawo ma leh dadkaasi. Pot calling kettle black don't you think? Quote Share this post Link to post Share on other sites