Saalax Posted March 10, 2013 “Maxamed Cali Samater Ma Difaacayo, Laakiin Waxaan Maraykanka Ka Codsanay In Dacwadiisa Somaaliya Loo Soo wareejiyo” Raysal-wasaare Saacid Garoowe (Ramaas) Mar 10,2013 - Raysal-wasaaraha dawladda Somaliya Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo hore dawladda Maraykanka ugu diray warqad uu kaga dalbanayo in xasaanadiisa loo soo celiyo gacan ku dhiigle Maxamed Cali Samater oo shacabka reer Somaliland xasuuq u gaystay, ayaa shalayna mar labaad ku celiyay ka hadalka arinta ninkaasi. Raysal-wasaare Saacid oo booqasho ku jooga caasimada Maamul Goboleedka Puntland Garoowe, ayaa khudbad uu ka jeediyay baarlamaanka maamulkaasi, ayaa waxa uu sheegay inaanu difacayn Maxamed Cali Samater, balse uu Maraykanka ka codsaday oo kaliya in dacwadiisa loo soo wareejiyo Somaliya. Raysal-wasaare Saacid oo iska indho tiraya xaqiiqda dambiyadii uu Cali Samater ka galay shacabka reer Somaliland, ayaa isaga oo arintaa ka hadlaya yidhi “Maxamed Cali Samatar ma difaacayo, laakiin waxaan dawladda Maraykanka ka codsanay in dacwadiisa la fududeeyo oo Soomaaliya loo soo wareejiyo” Raysal-wasaare Saacid, waxa kale oo uu guul ku tilmaamay cunaqabataynta hubka ee Somaliya laga qaaday “Guul ayay u tahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed, haddiise ay jiraan dad ka qaba walaac, waxaan u caddeynaynaa in siyaasadda dowladdu ay tahay in hubkaas shacabka Soomaaliyeed looga difaaco cadowga laguna ilaaliyo Qarannimada dalka” ayuu yidhi Hadalkan ka soo yeedhay Saacid, ayaa muujinaya Cadaawad dheeraad ah oo uu u qabbo shacabka reer Somaliland, maadaama oo uu aanu waxba ka soo qaadaynin dacwada ay u haystaan. Ramaasnews Desk Hargeisa Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted March 10, 2013 http://www.ramaasnews.com/index.php/News/News/Maxamed-Cali-Samater-Ma-Difaacayo-Laakiin-Waxaan-Maraykanka-Ka-Codsanay-In-Dacwadiisa-Soomaaliya-Loo-Soo-wareejiyo-Raysal-wasaaraha-Somaliya.html Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 10, 2013 Kan saacid hurdo badane marka wax la difaacayo horta muxu u yaqana, dadkan marmar isku afsomali nihin Quote Share this post Link to post Share on other sites