Xaaji Xunjuf Posted March 7, 2013 Somaliland:Wefti Wasiirro Ah Oo u Kicitimay dalka Turkiga March 6th, 2013 Berbera (Somaliland.Org)- Wefti Wasiirro ah ayaa maanta u kicitimay dalka Turkiga, ka dib markii ay marti qaad rasmi ah ka heleen dawlada Turkiga. Wasiirradan oo ka dhoofay madaarka Berbera, waxay kala ahaayeen Wasiirrada wasaaradaha Macdanta, biyaha iyo tamarta Md. Xuseeen Cabdi Ducaale iyo Wasiirka wasaaradda waxabarashada Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxaana magaaladda Addis-ababa kaga sii biiri doona Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar, oo isagu weftigan Hoggaamin doona. Wasiirradani waxay sheegeen in socdaalkoodu uu la xidhiidho sidii ay ugu gogol xaadhi lahaayeen socdaalka uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku tagi doono dalka Turkiga. Wasiirradu waxay intaasi ku dareen inay dawladda Turkiga kala hadli doonaan sidii loo sii xoojin lahaa wada shaqaynta iyo iskaashiga ka dhaxeeya Somaliland iyo Turkiga. Weftigani waxa ay tilmaameen inay dawladda Turkiga tafaasiil ka siin doonaan mashaariic Turkigu ka fuliyay Somaliland oo iskugu jira horumarinta adeegyada aasaasiga ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites