Somalia Posted March 6, 2013 Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland - laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag- ayaa maanta xukun ku riddey sadex nin oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lagu soo eedeeyey in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab. Eedeysaneyaasha maanta la xukumay oo ay da’doodu ka yartahay 20-sano, islamarkaana maxkamadda horteeda ka qirtay denbiga lagu soo eedeeyey, waxaa dhamaantood lagu xukumay dil toogasho ah. Guddoomiyaha maxkamadda Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka, wuxuuna tilmaamay in xukunkani uu yimid kaddib markii la dhegeystey eedeynta xeer ilaalinta iyo qiraalka ay eedeysaneyaashu sameeyeen. “Maxakamaddu markii ay dhegeysatey eedda xafiiska xeer ilaalinta…difaaca qareenka…iyo qiraalka ay eedeysaneyaashu sameeyeen..maxakamaddu waxay ku xukuntay dil toogasho ah” Guddoomiyaha maxkamadda ayaa yiri. Sadexda qof ee maanta ay maxkamaddu dilka ku xukuntay ayaa kala ah: Aadan Maxamed Nuur 19-jir Cabdirisaaq Axmed Sheekh 18-jir Cali Maxamuud Cilmi 19-jir Xukunkan ayaa noqonaya kii 3-aad ee noociisa ah, kaas oo muddo todobaad gudihiis ah ay riddo maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, iyadoo tirada ilaa iyo hadda dadka dilka lagu xukumayna ay tahay 17-qof. Waa markii ugu horeysey oo ay maxkamaddu muddo kooban tiro intaas le’eg oo dad ah ay dil ku xukunto, arintan oo ay shacabku aragtiyo kala duwan ka bixiyeen. Quote Share this post Link to post Share on other sites
xabad Posted March 6, 2013 well done Puntland. i think you should borrow a leaf from Saudi Arabia and crucify them for 3 days...should send a strong signal and act as a deterrent. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abu-wehliye Posted March 7, 2013 xabad;924387 wrote: well done Puntland. i think you should borrow a leaf from Saudi Arabia and crucify them for 3 days...should send a strong signal and act as a deterrent. Walaahi waa ra'yi wanaagsan Quote Share this post Link to post Share on other sites
Waranle_Warrior Posted March 7, 2013 Acuudu wuxuba waa 18, 19 jir, qoorta halaga jaro kuwaan fa'iido malahan. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abu-wehliye Posted March 9, 2013 Waranle_Warrior;925057 wrote: Acuudu wuxuba waa 18, 19 jir, qoorta halaga jaro kuwaan fa'iido malahan. Waa dhalanyaro maskaxda laga dhaqey...Ilaahey ha soo hanuuniyee Quote Share this post Link to post Share on other sites
oba hiloowlow Posted March 9, 2013 LOL who is this abuwehliye dude is always writing in big fonts and he only talks about al shabaab yaab iyo amakaag :eek: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Ilka-dahable Posted March 9, 2013 waxaan qabaa hadii aysan wax dil ah gaysan oo ay tahay eedayn ama siku day dill in xabsi iyo dhaqan celin loo sameeyo ilmahaan maskaxda laga xaday Quote Share this post Link to post Share on other sites
nuune Posted March 10, 2013 kuwaas oo lagu soo eedeeye y in ay ka tirsanaayeen ururka Al-shabaab. Arrinkan oo kale in laga fiirsado ayaan qabaa, haddii Al shabaab lagu eedeynayo iney ka tirsanaayeen in the past halaga fiirsado waayo rehabilitation ayaa loo furi karaa iyo hanuun iyo waxbarasho, iyagaa jidka saxda kolkaa garan oo ku soo dhici maadaama ay da'doodu yartahey, balse hadii ay wax dileen(not mentioned in the article), ayagana hala dilo sidii ay qof kale u dileen unbaa iyagana loo dili, but carefull is needed if they were just members of Al shababaab only! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abu-wehliye Posted March 10, 2013 Ilka-dahable;925706 wrote: waxaan qabaa hadii aysan wax dil ah gaysan oo ay tahay eedayn ama siku day dill in xabsi iyo dhaqan celin loo sameeyo ilmahaan maskaxda laga xaday Waa hadal wanaagsan! Ilama ahan in qof baniaadam la dilo haduusan dil geeysanin. Dhalantyardaan wey qirteen ineey dil ku lug lahaayeen weyna ka qeyb qaateen! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Carafaat Posted March 11, 2013 Subxanalah, ciyaalkan 18 jirka ah ma wax dil ah ayaa loo heystaa? Mise eedu waa iney al shabaab uun yihiin ayaa lagu diliyaa? Quote Share this post Link to post Share on other sites
rudy-Diiriye Posted March 11, 2013 maskiin...they look like so innoncent kids!! walaaxowla.......,middle finger wants to kill these innocent kids and pride them as alshyteheads since hes losing power these days...!! wat a fing moron.!! I dont understand whats making so wannabe somali clan leaders another dufus idi amin killers. Plz some one post middle fingers cell # so we can call him to stop this bs!! Hes killing kids.!!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites