Saalax Posted March 5, 2013 Muqdisho(RBC Radio) Odayaal dhaqameed maanta shir kuyeeshay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa maamulada Galmudug iyo Puntland ugu baaqay iney xaliyaan muranka ka dhex oogan kaasoo ka dhashay kadib markii maxkamad kutaal gudaha deegaanada Puntland ay dil ku xukuntay dad kasoo jeeda deegaanada Galmudug arintaas oo maamulka Galmudug uu si kulul uga jawaabay. Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ah odayaashii kulanka maanta ka qeybgalay ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay usoo ifayaan Nabadgalyo, horumar iyo Dowladnimo ay muddo dheer sugayeen wuxuuna ku baaqay inaan bulshada Soomaaliyeed dib loogu celin colaadihii sokeeye ee kala qoqobay 22 sano ee ugu danbeeyey. Xaad ayaa hoosta ka xariiqay iney lagama maarmaan tahay in maamulada Galmudug iyo Puntland ay khilaafka ka dhextaagan ku xaliyaan waan -waan iyo wadahadal wuxuuna ku tilmaamay gacan ka hadal danbe oo ka dhexdhaca umada Soomaaliyeed inuu yahay ayaan darro aan habooneen in lagu dhaqaaqo isagoona ku adkeeyey masuuliyiinta labada maamul iney isxakameeyaan isla markaane ay xal deg deg ah ka gaaran muranka ka dhex taaga. Axmed Diiriye Cali oo isna kamid ah odayaasha sjirka maanta ka qeybgalay ayaa tilmaamay in Soomaalidu ay soo arkeen dhibaatada dagaalka sokeeye iyo daadinta dhiiga dadka Soomaaliyeed ee walaalaha ah taasne waxa kaliya ee laga dhaxlay uu yahay barakac,macaluul iyo kala fogaansho iyo kala aamnin bax bulshada kala gaartay. Axmed Diiriye ayaa ka codsaday madaxweynaha maamulka Puntland in maamulkiisu ka laabto xukunkii ay maxkamad kutaala Puntland ku riday rag kasoo jeeda deegaanada Galmudug wuxuuna ugu baaqay Madaxweyne Faroole inuu arinkaas ka laabto si looga gaashaanto colaada ka dhalan karta hadii ay falkaas ku dhaqaaqdo maxkamada xukunka riday,isagoona dhanka kale maamulka Galmudug ka dalbaday iney dajiyaan xaalada isla markaane ay wax waba ku raadiyaan wada hadal iyo waan-waan. RBC Radio Xafiiska Wararka Muqdisho Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted March 5, 2013 http://www.raxanreeb.com/2013/03/odayaal-dhaqameed-muqdisho-oo-maamulada-puntland-galmudug-ugu-baaqay-iney-muranka-ka-dhex-taagan-wadahadl-ku-xaliyaan/ Quote Share this post Link to post Share on other sites