Saalax Posted March 4, 2013 Kulan Jubbaland lagu taageerayo loogana soo horjeedo Cunaqabateynta Hubkoo Somaliya laga qaado oo Garoowe ka dhacay (Sawirro). Garoowe (RBC RADIO) Xarunta Gobolka ee Magaalada Garoowe waxaa lagu qabtay Kulan ay soo Abaabuleen Waxgaradka ku dhaqan Magaaladaasi oo isugu jira Nabadoono Ganacsato Haween iyo Dhalinyaro waxayna ku taageerayeen Maamul u samaynta Jubbooyinka iyo Shirka ka furmay Kismaayo iyagoo dhanka kale kaga soo horjeestay in Cuna qabateenta Hubka ee Soomaliya Saaran la qaado iyagoo taasi ku tilmaamay hadii ay dhacdo in Qolo gaar ah loo xaqgliyay sida ay hadalka u dhigeen. Nabadoon Khaliif Aw Cali oo Madasha ugu horeyn ka hadlay wuxuu qiray in ay raacsanyihiin Soomaaliya oo midowdo laakiin ma raacsanin buu yiri in la carqaladeeyo Dad ka tashanaya aayahooda dambe wuxuuna ugu Baaqay Dowlada Somaliya in ay ka fiirsato Arimaha Jubbooyinka aysanah ku degdegin in ay kasoo horjeesato. “ Dowladu waa nasiib daro in ay isu keeni weydo Gobolada Dalka sidoo kalena ay Mucaarado dad danahooda raacanaya taasi waxaan u arkaa gardaro aan geed loogu soo qaban, anaga Shirka Jubbooyinka ka socda waan taageereynaa hiil iyoo hooba waan la garabtaagan nahay Qofwalbana ha ogaado in Puntland marnaba aysan faarujin doonin garabka Jubbaland, sidaana waxaa yiri Nabadoon Khaliif. Waxaa kulanka intuu socday Waxgaradkii raga iyo Haweenka isugu milnaa ee Goobta ka hadashay ay sheegeen in Dowlada Soomaaliya ay ka gaabisay si waynna u hagratay dhismaha Maamul u samaynta Jubbooyinka ayna taageerin sidoo kale dadkii iskood isku abaabulay ee ku fikiray in ay Hogaan yeeshaan kuwaasi oo aan helin waajibaadkii Dowladnimo ee laga filayay in ay ka helaan Xukuumada Soomaaliya. Sidoo kale Waxgaradku waxay ka hadleen arimaha ka qaadista cunaqabateynta Hubka waxayna beesha Caalamka ka codsadeen in ay in Soomaali aan hub laysugu dhiibin iyadoon la helin dib u heshiisiin dhab ah iyo hanti isu celin oo ay sii dheertahay In layska xaal mariyo wixii dhacay, dadka qaar ee madasha ka hadlay ayaa sida ay hadalka u dhigeen tilmaamay in la doonayo Hubka la codsanayo in lafasaxo dib loogu lagu Gumaado Soomaali kale balse aysan qorshuhu ahayn in Soomaali idil ahaan Cadawga looga difaaco sidaa darteedna aysan shacbigu u dhamayn in Cunaqabataynta hubka Xiligan la qaado oo ay tahay talaabo sii hurineysa marxalada adag ee uu iminka dalka hooyo ku suganyahay iyagoo Dowlada Soomaliya ugu baaqay in Maamul Goboleedyada Hoos yimaada ay la tashi la sameyso ayna tixgelinta siiso sidii dalka iyo dadka soomaaliyeed kalsoonidii ka dhexjirtay dib loogu soo celin lahaa intii ay ku mashquuli lahayd kala firdhintooda sida ay hadalka u dhigeen. Shirkan ayaa sida la sheegay waxaa soo abaabulay Waxgaradka Magaalada Garoowe waxaana goob joog ka ahaa shirka oo lagu Casumay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Kan degmada Garoowe balse wax hadal ah halkaasi kama aysan soo jeedin, waxaana kulankan uu ku labo noqonayaa mid dhigiisa ah oo lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug kaasi oo lagu taageeray Jubbaland loogana soo horjeestay Sida dowlada Soomaliya uga gaabisay ka qayb qaadashada Maamul u samaynta Goboladaasi. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted March 4, 2013 http://www.raxanreeb.com/2013/03/kulan-jubbaland-lagu-taageerayo-loogana-soo-horjeedo-cunaqabateynta-hubkoo-somaliya-laga-qaado-oo-garoowe-ka-dhacay-sawirro/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 4, 2013 Lift the arms embargo let hassan grow some muscles its good for Somalia. Garowe boys stop crying Quote Share this post Link to post Share on other sites
A_Khadar Posted March 4, 2013 XX, iska hubi.. This could impact your mini clan project as well.. Quote Share this post Link to post Share on other sites
malistar2012 Posted March 4, 2013 Puntland stop crying , FG decides Somali national interest. Its all over no more power struggles between Garowe and xamar. The Government plus parliament are united on both issues. Somalia is moving on we finally got the right leaders who are wadanis . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 4, 2013 A_Khadar;923823 wrote: XX, iska hubi.. This could impact your mini clan project as well.. No my friend Somaliland and HAG is fine aniga ku huba taas loool@ Mini how is khatumo doing awoowo Quote Share this post Link to post Share on other sites
xiinfaniin Posted March 4, 2013 Timely support. PS. I note the cries of some posters in this thread Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 4, 2013 Xaaji Xunjuf;923810 wrote: Lift the arms embargo let hassan grow some muscles its good for Somalia. Garowe boys stop crying ....Dadkaaga dhinac ka raac, hooyo hooy dhinac ka raac, yaadan dhumine dhinac ka raac. XX adna maxaad sugeysaa? Ninkii khayrkii loo xiirayoow adna soo qoyso. Land, Land way dhammaatay. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 4, 2013 A_Khadar;923823 wrote: XX, iska hubi.. This could impact your mini clan project as well.. Big time.....XX bilo u qabo insha Allaah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 4, 2013 Abwaan anigu dadka calanka bluega aminsan oo dhan waxan aminsahay inay ku daba faylan madaxweynahooda hassan sheikh maxamuud reer Somalia is raaca , midnimdina ka shaqeya ciidankina dhista Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 4, 2013 XX, kuwii calanka haysan jirey ee iska tuurayna ku dar dee...Naga daa dadka ha kala reebine, kulligeen isku mid baan nahee. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Samafal Posted March 4, 2013 Hassan Culusoow Somaliya waaba uga sii daraya baa moodaa. Qabyaaladii sii dhimanaysay baaba soo naaxaysa, Sh Shriif baa wax badana ka caqli fiicnaa oo fahansanaa sida Somalida la iskugu wado. Ninkaan waaba Abwano oo madax wayne la ga dhigay bal adigu tab dheh. Alloow sahal umuuraha. Dadbaa nabad u diidan Somalia balse aan aragno meesha lagu furo. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 4, 2013 Abwaan;924019 wrote: XX, kuwii calanka haysan jirey ee iska tuurayna ku dar dee...Naga daa dadka ha kala reebine, kulligeen isku mid baan nahee. Nin wax tuuray yaan wakhtiga lugu lumin ka sita, wa in la so maslaxa oo laga dhiga Somali dhab ah oo madaxweynihisa tageersan wax fahan niyo Quote Share this post Link to post Share on other sites
Abwaan Posted March 4, 2013 Calaacalkii baa billawday. Maba la kala harayo. War yaan xishoodka laga tegin. Illaa 2008, mar Amxaaro la taageero, marba qof la dhaho isagaa Soomaaliya ugu fiican illeen xaafaddeennuu ka yimide, haddana wixii Soomaali dooratatay la carqaladeeyo. Taas yaa kaa siisan Samafal suuro. Nabad diid baad dad ku sheegeysaa, bal muraayadda isku fiiri. Yaa hortaagan dowladda Soomaaliyeed ee caalamka iyo ummadda Soomaaliyeedba soo dhaweeyeen? Soo adiga ma ahan? Waxaan maqli jirey "Carabtu intay ku nabto bay nebigana kaaga hormartaa". Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 4, 2013 Samafal;924033 wrote: Hassan Culusoow Somaliya waaba uga sii daraya baa moodaa. Qabyaaladii sii dhimanaysay baaba soo naaxaysa, Sh Shriif baa wax badana ka caqli fiicnaa oo fahansanaa sida Somalida la iskugu wado. Ninkaan waaba Abwano oo madax wayne la ga dhigay bal adigu tab dheh. Alloow sahal umuuraha. Dadbaa nabad u diidan Somalia balse aan aragno meesha lagu furo. But puntlanders hated sharif they wanted him out , they voted him out they all voted for hassan sheikh the last round, now they are missing the old sh sharif., i remember even duke wanted hassan and the entire Puntland crew maxa is badalay , ma xassan ba noqon wayey sidad rabteen? Quote Share this post Link to post Share on other sites