Saalax Posted March 2, 2013 Kismaayo (RBC) Shir ay maanta ku yeesheen Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa galabta kusoo gabagaboobay. Shirkaas ayaa waxaa shir gudoominayey Madaxa Maamulka ku Meelgaarka ee Kismaayo ka arimiya SH Axmad Madoobe. Kulanka ayaa waxaa lagu sheegay in looga arinsanayey habsami usocodka shirka Maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo. Waxaa gudiga isku raaceen sidan In ergooyinka ay shirarkooda uu bilowdo Maarso 4 2013 In Gobolo ama Deegaan wax lagu qeybsado in 30 Isim oo ka koobmaan dhamaan beelaha wada dega Goboladaas. Jubbada Hoose waxaa ay heleen 14 Isim. Jubbada Dhexe waxaa ay heleen 8 Isim Geddo waxaa ay heleen 8 Isim Shirkii maamul u samaynta Jubooyinka iyo Gedo ayaa waxa uu si rasmi ah uga furmay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose waxa uuna ka dhacay xarunta Jaamacada Kismaayo halkaas oo maalmihii danbe ay ka socotay qabanqaabada qabashada shirka samaynta maamulka Jubbaland oo ay ku hawlanaayeen gudiga farsamada maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo. Dhanka kale go’aamada ay maanta ku gaareen Kismaayo Guddiga Farsamada ee maamul u sameynta Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ayaa ku soo beegmay iyadoo shalay war saxaafadeed ka soo baxay xafiiska raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon uu ku sheegay in dawladu aysan aqbaleyn ayna raali ka ahayn shirka Kismaayo ka furmay maalinimadii Khamiista. Shirkaasoo furitaankiisii ay ka qeybgaleen illaa shan xildhibaan oo baarlamaanka ka mid ah. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted March 2, 2013 http://www.raxanreeb.com/2013/03/guddiga-farsamada-ee-shirka-jubbaland-oo-goaano-soo-saaray/ Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted March 2, 2013 In Gobolo ama Deegaan wax lagu qeybsado I see the districts and regions ba wax lugu qeybsanaya lets see how it goes. Quote Share this post Link to post Share on other sites